< Xaggay 2 >

1 Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi,
In the seventh month, on the one and twentieth day of the month, came the word of Jehovah by the prophet Haggai, saying:
2 Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Speak now to Zerubbabel, the son of Shealtiel, governor of Judah, and to Joshua, the son of Josedech, the high-priest, and to the remnant of the people, saying: —
3 Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka?
Who is there left among you, That saw this house In its former glory? And what do ye see it now? Is it not as nothing in your eyes?
4 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,
Yet now be strong, O Zerubbabel, saith Jehovah; And be strong, O Joshua, son of Josedech, the high-priest; And be strong, O all ye people of the land, saith Jehovah, and work! For I am with you, saith Jehovah of hosts.
5 sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.
This is the covenant which I made with you when ye came out of Egypt, And my spirit remaineth among you: Fear ye not!
6 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.
For thus saith Jehovah of hosts: Yet once more, in a short time, I will shake the heavens and the earth, The sea and the dry land.
7 Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
I will shake all the nations, And here shall come the precious things of all the nations; And I will fill this house with glory, Saith Jehovah of hosts.
8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.
Mine is the silver and mine the gold, Saith Jehovah of hosts;
9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
Greater shall be the glory of this latter house than of the former, Saith Jehovah of hosts; And in this place will I give peace, Saith Jehovah of hosts.
10 Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,
On the four and twentieth day of the ninth month, in the second year of Darius, came the word of Jehovah by Haggai the prophet, saying,
11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,
Thus saith Jehovah of hosts: Ask now the law from the priests, saying,
12 Haddii mid darafka maradiisa ku qaato hilib quduusan, oo uu darafkiisu taabto kibis, ama fuud, ama khamri, ama saliid, ama wax kale oo cunta ah, miyey waxaasu quduus noqonayaan? Kolkaasaa wadaaddadii waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen. Maya.
If a man carry holy flesh in the skirt of his garment, and with his skirt touch bread, or pottage, or wine, or oil, or any food, shall it be holy? And the priests answered and said, No.
13 Kolkaasaa Xaggay yidhi, Haddii mid ku nijaasoobo meyd oo uu taabto wax kuwan ka mid ah, miyaa kaasuu nijaasoobayaa? Oo wadaaddadiina waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuu nijaasoobayaa.
Then said Haggai, If a man unclean by a dead body touch any of these things, shall it be unclean? And the priests answered and said, It shall be unclean.
14 Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.
Then answered Haggai and said: — So is this people, and so is this nation before me, saith Jehovah; And so is all the work of their hands; And that which they offer there is unclean.
15 Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga,
And now, I pray you, consider [[how it hath gone with you]] From that day and upward, From the time before one stone was laid upon another in the temple of Jehovah.
16 iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.
Since that time one hath come to a heap of twenty measures, And there were but ten; One hath come to a vat to draw out fifty vessels from the wine-press, And there were but twenty;
17 Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
I have smitten you with blasting, with mildew, and with hail, Even all the works of your hands; Yet none among you hath turned to me, saith Jehovah.
18 Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada.
Consider, I pray you, From that day and upward, From the four and twentieth day of the ninth month, From the day when the foundation of the temple of Jehovah was laid, Consider ye!
19 Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.
Is there yet seed in the barn? Yea, as yet the vine, and the fig-tree, and pomegranate, and the olive-tree have not borne. But from this day will I bless you.
20 Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi,
And the word of Jehovah came the second time to Haggai, on the four and twentieth day of the month, saying,
21 La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,
Speak to Zerubbabel, the governor of Judah, and say: — I will shake the heavens and the earth,
22 waanan afgembiyi doonaa carshiga boqortooyooyinka, oo waan baabbi'in doonaa xoogga boqortooyooyinka quruumaha, waanan afgembiyi doonaa gaadhifardoodyada iyo kuwa fuushanba, oo fardaha iyo kuwa ku joogaaba way dhici doonaan, oo mid kastaaba wuxuu ku dhiman doonaa seefta walaalkiis.
And I will overthrow the thrones of kingdoms, And I will destroy the strength of the kingdoms of the nations, And I will overthrow the chariots, and those that ride in them, And the horses and their riders shall come down, One by the sword of the other.
23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.
In that day, saith Jehovah of hosts, I will take thee, O Zerubbabel, son of Shealtiel, my servant, saith Jehovah, And keep thee as a signet-ring; For thee have I chosen, saith Jehovah of hosts.

< Xaggay 2 >