< Xabaquuq 3 >
1 Tanu waa salaaddii Xabaquuq, oo lagu luuqeeyo Shigyonood.
シギヨノテに合せて歌へる預言者ハバククの祈禱
2 Rabbiyow, waxaan maqlay warkaagii, waanan cabsanayaa. Rabbiyow, shuqulkaaga soo noolee sannadaha dhexdooda, Sannadaha dhexdooda ogeysii, Oo markii aad cadhootid naxariis soo xusuuso.
ヱホバよ我なんぢの宣ふ所を聞て懼る ヱホバよこの諸の年の中間に汝の運動を活齑かせたまへ 此諸の年の間に之を顯現したまへ 怒る時にも憐憫を忘れ給はざれ
3 Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan, Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah) Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka, Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.
神テマンより來り聖者パラン山より臨みたまふ (セラ) 其榮光諸天を蔽ひ其讃美世界に徧ねし
4 Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka, Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya. Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.
その朗耀は日のごとく光線その手より出づ 彼處はその權能の隱るる所なり
5 Waxaa hortiisa socday belaayo, Oo waxaa daba socday xummad.
疫病その前に先だち行き熱病その足下より出づ
6 Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay, Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay. Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen, Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen. Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.
彼立て地を震はせ觀まはして萬國を戰慄しめたまふ 永久の山は崩れ常磐の岡は陷る 彼の行ひたまふ道は永久なり
7 Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira. Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.
我觀るにクシヤンの天幕は艱難に罹りミデアンの地の幃幕は震ふ
8 Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha? Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha Mase waxaad u cadhootay badda? Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga, Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?
ヱホバよ汝は馬を驅り汝の拯救の車に乗りたまふ 是河にむかひて怒りたまふなるか 河にむかひて汝の忿怒を發したまふなるか 海にむかひて汝の憤恨を洩し給ふなるか
9 Qaansadaadii daaha baad ka qaadday, Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah) Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal.
汝の弓は全く嚢を出で杖は言をもて言かためらる (セラ) 汝は地を裂て河となし給ふ
10 Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.
山々汝を見て震ひ洪水溢れわたり淵聲を出してその手を高く擧ぐ
11 Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
汝の奔る矢の光のため汝の鎗の電光のごとき閃燦のために日月その住處に立とどまる
12 Dalkii xanaaq baad kula dhex socotay, Quruumihiina cadho baad ku tuntay.
汝は憤ほりて地を行めぐり 怒りて國民を踏つけ給ふ
13 Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed, Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan. Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday. Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)
汝は汝の民を救んとて出きたり 汝の膏沃げる者を救はんとて臨みたまふ 汝は惡き者の家の頭を碎きその石礎を露はして頸におよぼし給へり (セラ)
14 Madaxii dagaalyahanyadiisa waxaad ku mudday ulihiisii, Waxay u yimaadeen sidii dabayl cirwareen ah inay i kala firdhiyaan daraaddeed. Rayrayntoodu waxay ahayd inay masaakiinta qarsoodi u dhammeeyaan.
汝は彼の鎗をもてその將帥の首を刺とほし給ふ 彼らは我を散さんとて大風のごとくに進みきたる 彼らは貧き者を密に呑ほろぼす事をもてその樂とす
15 Fardahaagii waad kula tumatay baddii, Taasoo ahayd biyaha aad u badan oo iskor taallaysan.
汝は汝の馬をもて海を乗とほり大水の逆卷ところを渉りたまふ
16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
我聞て膓を斷つ 我唇その聲によりて震ふ 腐朽わが骨に入り我下體わななく 其は我患難の日の來るを待ばなり 其時には即ち此民に攻寄る者ありて之に押逼らん
17 Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,
その時には無花果の樹は花咲ず葡萄の樹には果ならず 橄欖の樹の産は空くなり 田圃は食糧を出さず圏には羊絶え小屋には牛なかるべし
18 Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa, Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.
然ながら我はヱホバによりて樂み わが拯救の神によりて喜ばん
19 Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.
主ヱホバは我力にして我足を鹿の如くならしめ 我をして我高き處を歩ましめ給ふ 伶長これを我琴にあはすべし