< Bilowgii 9 >
1 Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.
神ノアと其子等を祝して之に曰たまひけるは生よ増殖よ地に滿よ
2 Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.
地の諸の獸畜天空の諸の鳥地に匍ふ諸の物海の諸の魚汝等を畏れ汝等に懾かん是等は汝等の手に與へらる
3 Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.
凡そ生る動物は汝等の食となるべし菜蔬のごとく我之を皆汝等に與う
4 Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa.
然ど肉を其生命なる其血のままに食ふべからず
5 Oo hubaal dhiigga naftiinna waan weyddiin, oo waxaan weyddiin dugaag kasta iyo dadkaba, xataa nafta nin kasta walaalkiis waan weyddiin.
汝等の生命の血を流すをば我必ず討さん獸之をなすも人をこれを爲すも我討さん凡そ人の兄弟人の生命を取ば我討すべし
6 Ku kasta oo nin dhiiggiis daadiya, nin baa isna dhiiggiisa daadin doona: waayo, Ilaah araggiisuu ka sameeyey ninka.
凡そ人の血を流す者は人其血を流さん其は神の像のごとくに人を造りたまひたればなり
7 Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.
汝等生よ増殖よ地に饒くなりて其中に増殖よ
8 Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,
神ノアおよび彼と偕にある其子等に告て言たまひけるは
9 Bal eega, anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya;
見よ我汝等と汝等の後の子孫
10 iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.
および汝等と偕なる諸の生物即ち汝等とともなる鳥家畜および地の諸の獸と契約を立ん都て方舟より出たる者より地の諸の獸にまで至らん
11 Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono.
我汝等と契約を立ん總て肉なる者は再び洪水に絶るる事あらじ又地を滅す洪水再びあらざるべし
12 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta.
神言たまひけるは我が我と汝等および汝等と偕なる諸の生物の間に世々限りなく爲す所の契約の徴は是なり
13 Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka.
我わが虹を雲の中に起さん是我と世との間の契約の徴なるべし
14 Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda,
即ち我雲を地の上に起す時虹雲の中に現るべし
15 oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan.
我乃ち我と汝等および總て肉なる諸の生物の間のわが契約を記念はん水再び諸の肉なる者を滅す洪水とならじ
16 Qaansaduna waxay ku dhex jiri doontaa daruurta; anna waan fiirin doonaa iyada, inaan xusuusto axdiga weligiis dhex yaal Ilaah iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga.
虹雲の中にあらん我之を觀て神と地にある都て肉なる諸の生物との間なる永遠の契約を記念えん
17 Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta.
神ノアに言たまひけるは是は我が我と地にある諸の肉なる者との間に立たる契約の徴なり
18 Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis.
ノアの子等の方舟より出たる者はセム、ハム、ヤペテなりきハムはカナンの父なり
19 Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.
是等はノアの三人の子なり全地の民は是等より出て蔓延れり
20 Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab.
爰にノアの農夫となりて葡萄園を植ることを始しが
21 Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa.
葡萄酒を飮て醉天幕の中にありて裸になれり
22 Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta.
カナンの父ハム其父のかくし所を見て外にありし二人の兄弟に告たり
23 Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood.
セムとヤペテ乃ち衣を取て倶に其肩に負け後向に歩みゆきて其父の裸體を覆へり彼等面を背にして其父の裸體を見ざりき
24 Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey.
ノア酒さめて其若き子の己に爲たる事を知れり
25 Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis.
是に於て彼言けるはカナン詛はれよ彼は僕輩の僕となりて其兄弟に事へん
26 Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo.
又いひけるはセムの神ヱホバは讚べきかなカナン彼の僕となるべし
27 Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.
神ヤペテを大ならしめたまはん彼はセムの天幕に居住はんカナン其僕となるべし
28 Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.
ノア洪水の後三百五十年生存へたりノアの齡は都て九百五十年なりき而して死り
29 Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.