< Bilowgii 8 >

1 Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;
ויזכר אלהים את נח ואת כל החיה ואת כל הבהמה אשר אתו בתבה ויעבר אלהים רוח על הארץ וישכו המים
2 ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;
ויסכרו מעינת תהום וארבת השמים ויכלא הגשם מן השמים
3 biyihiina had iyo goorba dhulkay ka noqonayeen, oo boqol iyo konton maalmood dabadood ayaa biyihii dhinmeen.
וישבו המים מעל הארץ הלוך ושוב ויחסרו המים--מקצה חמשים ומאת יום
4 Oo bishii toddobaad, maalinteedii toddoba iyo tobnaad, ayay doonnidii ku fadhiisatay buuraha Araarad.
ותנח התבה בחדש השביעי בשבעה עשר יום לחדש על הרי אררט
5 Biyihiina way sii dhinmayeen ilaa bishii tobnaad. Bishii tobnaad, maalinteedii kowaad, ayaa buuraha dushoodii la arkay.
והמים היו הלוך וחסור עד החדש העשירי בעשירי באחד לחדש נראו ראשי ההרים
6 Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;
ויהי מקץ ארבעים יום ויפתח נח את חלון התבה אשר עשה
7 oo wuxuu dibadda u diray tuke, hor iyo dib buuna u duulayay, ilaa intay biyihii ka engegeen dhulka dushiisa.
וישלח את הערב ויצא יצוא ושוב עד יבשת המים מעל הארץ
8 Dabadeedna wuxuu diray qoolley si uu u ogaado bal in biyihii dhulka dushiisa ka yaraadeen iyo in kale;
וישלח את היונה מאתו--לראות הקלו המים מעל פני האדמה
9 laakiin qoolleydii meel ay cagta dhigto ayay weyday, kolkaasay Nuux xaggiisii ku soo noqotay iyo xaggii doonnidii, maxaa yeelay, biyihii baa dhulka oo dhan dul joogay; kolkaasuu gacanta dibadda u bixiyey, oo soo qabtay iyadii, oo soo geliyey doonnidii.
ולא מצאה היונה מנוח לכף רגלה ותשב אליו אל התבה--כי מים על פני כל הארץ וישלח ידו ויקחה ויבא אתה אליו אל התבה
10 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; markaasuu mar kale qoolleydii doonnidii ka diray;
ויחל עוד שבעת ימים אחרים ויסף שלח את היונה מן התבה
11 qoolleydiina waxay isagii ku soo noqotay fiidkii; oo afkana waxay ku wadatay caleen saytuun oo qoyan; kolkaasuu Nuux ogaaday in biyihii dhulka ka yaraadeen.
ותבא אליו היונה לעת ערב והנה עלה זית טרף בפיה וידע נח כי קלו המים מעל הארץ
12 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon.
וייחל עוד שבעת ימים אחרים וישלח את היונה ולא יספה שוב אליו עוד
13 Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd.
ויהי באחת ושש מאות שנה בראשון באחד לחדש חרבו המים מעל הארץ ויסר נח את מכסה התבה וירא והנה חרבו פני האדמה
14 Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.
ובחדש השני בשבעה ועשרים יום לחדש--יבשה הארץ
15 Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,
וידבר אלהים אל נח לאמר
16 Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.
צא מן התבה--אתה ואשתך ובניך ונשי בניך אתך
17 Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.
כל החיה אשר אתך מכל בשר בעוף ובבהמה ובכל הרמש הרמש על הארץ--הוצא (היצא) אתך ושרצו בארץ ופרו ורבו על הארץ
18 Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.
ויצא נח ובניו ואשתו ונשי בניו אתו
19 Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.
כל החיה כל הרמש וכל העוף כל רומש על הארץ--למשפחתיהם יצאו מן התבה
20 Nuuxna meel allabari buu Rabbiga u dhisay; xayawaankii daahirka ahaa iyo haaddii daahirka ahaydba, intuu wax ka qaatay, ayuu allabaryo la gubo ku bixiyey meeshii allabariga dusheeda.
ויבן נח מזבח ליהוה ויקח מכל הבהמה הטהרה ומכל העוף הטהור ויעל עלת במזבח
21 Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.
וירח יהוה את ריח הניחח ויאמר יהוה אל לבו לא אסף לקלל עוד את האדמה בעבור האדם כי יצר לב האדם רע מנעריו ולא אסף עוד להכות את כל חי כאשר עשיתי
22 Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.
עד כל ימי הארץ זרע וקציר וקר וחם וקיץ וחרף ויום ולילה--לא ישבתו

< Bilowgii 8 >

A Dove is Sent Forth from the Ark
A Dove is Sent Forth from the Ark