< Bilowgii 5 >

1 Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;
Wannan shi ne rubutaccen tarihin zuriyar Adamu. Sa’ad da Allah ya halicci mutum, ya yi shi cikin kamannin Allah.
2 wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.
Ya halicce su namiji da ta mace, ya kuma albarkace su. Sa’ad da kuma aka halicce su, ya kira su “Mutum.”
3 Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
Sa’ad da Adamu ya yi shekaru 130, sai ya haifi ɗa wanda ya yi kama da shi, ya kuma kira shi Set.
4 Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan an haifi Set, Adamu ya yi shekaru 800, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata.
5 Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Adamu ya yi shekaru 930, sa’an nan ya mutu.
6 Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
Sa’ad da Set ya yi shekara 105, sai ya haifi Enosh.
7 Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Enosh, Set ya yi shekara 807, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata.
8 Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Set ya yi shekaru 912, sa’an nan ya mutu.
9 Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
Sa’ad da Enosh ya yi shekara 90, sai ya haifi Kenan.
10 Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Kenan, Enosh ya yi shekara 815, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata.
11 Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Enosh ya yi shekaru 905, sa’an nan ya mutu.
12 Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el.
Sa’ad da Kenan ya yi shekara 70, sai ya haifi Mahalalel.
13 Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Mahalalel, Kenan ya yi shekara 840, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata
14 Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Kenan ya yi shekara 910, sa’an nan ya mutu.
15 Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.
Sa’ad da Mahalalel ya yi shekara 65, sai ya haifi Yared.
16 Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Yared, Mahalalel ya yi shekara 830, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata
17 Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Mahalalel ya yi shekara 895, sa’an nan ya mutu.
18 Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
Sa’ad da Yared ya yi shekara 162, sai ya haifi Enok.
19 Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Enok, Yared ya yi shekaru 800, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata.
20 Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
Gaba ɗaya dai, Yared ya yi shekara 962, sa’an nan ya mutu.
21 Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
Sa’ad da Enok ya yi shekara 65, sai ya haifi Metusela.
22 Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Metusela, Enok ya kasance cikin zumunci da Allah shekaru 300, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata.
23 Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.
Gaba ɗaya dai, Enok ya yi shekaru 365.
24 Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
Enok ya kasance cikin zumunci da Allah, sa’an nan ba a ƙara ganinsa ba. Saboda Allah ya ɗauke shi.
25 Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.
Sa’ad da Metusela ya yi shekara 187, sai ya haifi Lamek.
26 Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan ya haifi Lamek, Metusela ya yi shekaru 782, ya kuma haifi waɗansu’ya’ya maza da mata.
27 Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Metusela ya yi shekaru 969, sa’an nan ya mutu.
28 Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:
Sa’ad da Lamek ya yi shekara 182, sai ya haifi ɗa.
29 magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
Ya ba shi suna Nuhu ya kuma ce, “Zai yi mana ta’aziyya a cikin aikinmu da wahalar hannuwanmu a ƙasar da Ubangiji ya la’anta.”
30 Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Bayan an haifi Nuhu, Lamek ya yi shekara 595, yana kuma da’ya’ya maza da mata.
31 Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gaba ɗaya dai, Lamek ya yi shekaru 777, sa’an nan ya mutu.
32 Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.
Bayan Nuhu ya yi shekara 500, sai ya haifi Shem, Ham da Yafet.

< Bilowgii 5 >