< Bilowgii 5 >
1 Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;
This is the record of Adam's descendants. When God created human beings, he made them to be like him.
2 wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.
He created them male and female, and blessed them. On the day he created them he called them “human.”
3 Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
When Adam was 130, he had a son who was like him, made in his image; and he named him Seth.
4 Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Adam lived another 800 years after Seth was born, and had other sons and daughters.
5 Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Adam lived a total of 930 years, and then he died.
6 Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
When Seth was 105, he had Enosh.
7 Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Seth lived another 807 years after Enosh was born, and had other sons and daughters.
8 Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Seth lived a total of 912 years, and then he died.
9 Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
When Enosh was 90, he had Kenan.
10 Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Enosh lived another 815 years after Kenan was born, and had other sons and daughters.
11 Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Enosh lived a total of 905 years, and then he died.
12 Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el.
When Kenan was 70, he had Mehalalel.
13 Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Kenan lived another 840 years after Mehalalel was born, and had other sons and daughters.
14 Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
Kenan lived a total of 910 years, and then he died.
15 Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.
When Mahalalel was 65, he had Jared.
16 Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
After Jared was born, Mahalalel lived another 830 years and had other sons and daughters.
17 Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
Mahalalel lived a total of 895 years, and then he died.
18 Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
When Jared was 162, he had Enoch.
19 Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
After Enoch was born, Jared lived 800 years and had other sons and daughters.
20 Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
Jared lived a total of 962 years, and then he died.
21 Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
When Enoch was 65, he had Methuselah.
22 Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
He had a close relationship with God. After Methuselah was born, Enoch lived another 300 years and had other sons and daughters.
23 Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.
Enoch lived a total of 365 years.
24 Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
Enoch had such a close relationship with God that he didn't die, he just wasn't there anymore, because God took him.
25 Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.
When Methuselah was 187, he had Lamech.
26 Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
After Lamech was born, Methuselah lived another 782 years and had other sons and daughters.
27 Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Methuselah lived a total of 969 years, and then he died.
28 Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:
When Lamech was 182, he had a son.
29 magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
He named him Noah, with the explanation, “He will provide relief for us from all the hard manual labor we need to do in cultivating the ground the Lord has cursed.”
30 Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
After Noah was born, Lamech lived another 595 years and had other sons and daughters.
31 Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Lamech lived a total of 777 years, and then he died.
32 Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.
Noah was 500 before he had Shem, Ham, and Japheth.