< Bilowgii 48 >

1 Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim.
Ikawa baada ya mambo haya, mmojawapo akamwambia Yusufu, “Tazama, baba yako ni mgonjwa.” Hivyo akaondoka pamoja na wanawe wawili, Manase na Efrahimu.
2 Kolkaasaa waxaa Yacquub loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, wiilkaagii Yuusuf baa kuu imanaya. Markaasaa Israa'iil intuu xoog isgeliyey ayuu soo dul fadhiistay sariirtiisii.
Yakobo alipoambiwa, “Tazama, mwanao Yusufu amekuja kukuona,” Israeli akakusanya nguvu na kukaa juu ya kitanda.
3 Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey,
Yakobo akamwambia Yusufu, Mungu Mwenyezi alinitokea huko Luzu katika nchi ya Kanaani. Akanibariki na
4 oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.
kuniambia, 'Tazama, nitakupa uzao mwingi, na kukuzidisha. Nitakufanya kuwa kusanyiko la mataifa. Nitakupa nchi hii wewe na uzao wako kuwa milki ya milele.'
5 Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.
Na sasa wanao wawili, waliozaliwa kwako katika nchi ya Misri kabla sijaja Misri, ni wangu. Efrahimu na Manase watakuwa wangu, kama walivyo Rubeni na Simioni.
6 Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan.
Watoto utakaowapata baada ya hapo ni wako; watahesabiwa katika majina ya ndugu zao katika urithi wao.
7 Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam.
Lakini kwangu mimi, nilipokuja kutoka Padani, kwa uzuni yangu Raheli alikufa njiani katika nchi ya Kanaani, wakati kungalipo kitambo kwenda Efrathi. Nilimzika pale katika njia iendayo Efrathi” (ndio, Bethlehemu).
8 Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo?
Israeli alipowaona wana wa Yusufu, akasema, “Ni nani hawa?”
9 Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.
Yusufu akamwambia baba yake, “Hawa ni wanangu, Mungu alionipa hapa:” Israeli akasema, “Walete kwangu, kwamba niwabariki.”
10 Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday.
Basi macho ya Israeli yalikuwa yanashindwa kwa ajili ya umri wake, hivyo hakuweza kuona. Hivyo Yusufu akawasogeza karibu yake, na akawabusu na kuwakumbatia.
11 Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii.
Israeli akamwambia Yusufu, “Sikutazamia kuuona uso wako tena, Lakini Mungu ameniruhusu kuwaona hata wanao.”
12 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray.
Yusufu akawaondoa kati ya magoti ya Israeli, na kisha akainama na uso wake juu ya nchi.
13 Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii.
Yusufu akawachukua wote wawili, Efrahimu katika mkono wake wa kulia kuelekea mkono wa kushoto wa Israeli, na Manase katika mkono wake wa kulia kuelekea mkono wa kulia wa Israeli, na akawasogeza kwake.
14 Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii.
Israeli akainua mkono wake wa kulia na kuuweka juu ya kichwa cha Efrahimu, aliyekuwa mdogo, na mkono wake wa kushoto juu ya kichwa cha Manase. Akaipishanisha mikono yake, kwani Manase ndiye alikuwa mzaliwa wa kwanza.
15 Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta,
Israeli akambariki Yusufu, akisema, Mungu ambaye mbele zake baba zangu Ibrahimu na Isaka walitembea, Mungu aliyenilinda hata leo,
16 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen.
malaika walionilinda na madhara yote, awabariki vijana hawa. Jina langu na litajwe kwao, na majina ya baba zangu Ibrahimu na Isaka. Na wawe makutano ya watu juu ya nchi.”
17 Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa.
Yusufu alipoona baba yake ameweka mkono wake wa kulia juu ya kichwa cha Efrahimu, haikumpendeza. Akauchukuwa mkono wa baba yake auweke katika kichwa cha Manase.
18 Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar.
Yusufu akamwambia baba yake, “Sivyo babangu; kwani huyu ndiye mzaliwa wa kwanza. Uweke mkono wako juu ya kichwa chake.”
19 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.
Baba yake akakataa na kusema, “Ninafahamu, mwanangu, nafahamu. Yeye naye atakuwa watu, naye pia atakuwa mkuu. Lakini mdogo wake atakuwa mkuu kuliko yeye, na uzao wake utakuwa wingi wa mataifa.”
20 Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh.
Israeli akawabariki siku hiyo kwa maneno haya, “Watu wa Israeli watatamka baraka kwa majina yenu wakisema, Mungu na akufanye kama Efrahimu na kama Manase'. “Kwa njia hii, Israeli akamweka Efrahimu mbele ya Manase.
21 Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.
Israeli akamwambia Yusufu, “Tazama, ninakaribia kufa, lakini Mungu atakuwa nanyi, na atawarudisha katika nchi ya baba zenu.
22 Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.
Kwako wewe, kwa kuwa uko juu ya ndugu zako, ninakupa mtelemko wa mlima niliouchukuwa kutoka kwa Waamori kwa upanga wangu na upinde wangu.”

< Bilowgii 48 >