< Bilowgii 47 >

1 Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.
Josef nodhi monyiso Farao niya, “Wuora kod owetene osebiro koa e piny Kanaan kod kwethgi kod dhogi kod gik moko duto ma gin-go kendo koro gidak e piny Goshen.”
2 Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon.
Josef nokawo owetene abich kendo okelo e nyim Farao.
3 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba.
Farao nopenjo owete Josef-go niya, “Utiyo angʼo?” Negidwoko Farao niya, “Jotichgi gin jokwath.”
4 Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.
Negimedo wachone niya, “Wasebiro mondo wadag e pinyni matin, nikech kech ger e piny Kanaan maonge kata mana lum ma jamb jotichni dikwae. Kuom mano, koro yie jotichgi odag e gwengʼ Goshen.”
5 Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.
Farao nowacho ne Josef niya, “Wuonu kod oweteni osebiro iri,
6 Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.
kendo piny Misri ni e lweti, ket wuonu kod oweteni odag kama berie moloyo. We gidag Goshen kendo ka ingʼeyo moko kuomgi man kod mich mar kwath ketgi mondo gibed jorit jamba.”
7 Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.
Eka Josef nokelo Jakobo wuon mare kendo okete e nyim Farao. Ka Jakobo nosegwedho Farao,
8 Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay?
Farao nopenje niya, “In ja-higni adi?”
9 Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen.
Kendo Jakobo nodwoko Farao niya, “Higni ma asewuothogo e piny gin higni mia achiel kod piero adek. Gisebedo manok kendo matek kendo ok ginyal romo gi higni mane wuora odak godo e piny.”
10 Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey.
Eka Jakobo nogwedho Farao kendo owuok modhi.
11 Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray.
Kuom mano Josef nomiyo wuon-gi kod owetene kuonde mabeyo e piny Misri e gwengʼ mar Rameses mana kaka Farao nochike.
12 Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.
Bende Josef nomiyo wuon-gi kod owetene kod jood wuon-gi duto gi chiemo kaluwore gi kar romb nyithindgi.
13 Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.
Kata kamano, ne onge chiemo e piny duto nikech kech ne ger; piny Misri kaachiel gi piny Kanaan nobedo gi dhier malich.
14 Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.
Josef nochoko pesa duto mane yudore e piny Misri kod piny Kanaan kuom cham mane gingʼiewo kuome kendo noterogi e od keno mar Farao.
15 Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.
Kane pesa jo-Misri kod jo-Kanaan orumo, jo-Misri duto nobiro ir Josef kendo owachone niya, “Miwa chiemo, dangʼ watho e nyimi nangʼo to pesawa orumo?”
16 Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa.
Eka Josef nowachonegi niya, “Nikech pesau oserumo, keluru jambu mondo uwilgo cham mabiro miyou.”
17 Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.
Kuom mano negikelo jambgi ne Josef kendo nomiyogi chiemo kar farese, gi rombe gi diek gi dhok kod punde. Kendo e higano, nopidhogi gi chiemo kar jambgi duto.
18 Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.
Kane higano orumo, negidok ire e higa moluwo mano mi giwachone niya, “Ruoth ok wanyal wuondoreni nikech pesawa oserumo kendo jambwa bende osedoko magi, koro onge gima wanyalo miyi makmana ringrewa kod lopewa.
19 De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.
Angʼo momiyo diwatho kendo lopewa bende kethore to ineno? Ngʼiewa-wa wabed wasumbinini kaachiel gi puothewa kuom chiemo mondo mi wan kaachiel gi puothewa wabed mag Farao. Miwa kodhi mipidho mondo kik watho kendo puothewa kik kethre.”
20 Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.
Kuom mano Josef nongʼiewo lope duto mag Misri ne Farao. Jo-Misri noloko puothegi duto pesa nikech kech ne duongʼ ahinya. Piny Misri duto nobedo mar Farao,
21 Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale.
kendo Josef nodaro jo-Misri e miechgi koa koni nyaka komachielo.
22 Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii.
To kata kamano ne ok ongʼiewo puothe jodolo nikech negiyudo pokgi mapile pile koa kuom Farao kendo ne gin gi chiemo moromogi kuom pok mane Farao miyogi. Mano ema omiyo jodolo ne ok ouso puothegi.
23 Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera.
Josef nowacho ne jo-Misri-go niya, “Koro kaka asengʼiewou kawuononi ne Farao kaachiel gi puotheu, kodhi eri dhi ukom.
24 Markii aad wax soo goosataan, waxaad Fircoon siisaan shan meelood meel, afarta kalena waxay idiin ahaan doonaan abuur aad beerta ku abuurtaan iyo cuntadiinna iyo cuntadii reerihiinna iyo cuntadii dhallaankiinnaba.
To e ndalo mag keyo, nyaka umi Farao achiel kuom abich. To angʼwen ewi abich modongʼ unyalo kano kaka kodhi kendo kaka chiembu gi nyithindu kod joodu duto.”
25 Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo.
Negiwachone Josef niya, “Ruoth isekonyo ngimawa, omiyo ka ineno ni mano ber to wabiro bedo wasumb Farao.”
26 Yuusufna wuxuu sameeyey qaynuun ku saabsan dhulka Masar in ilaa maantadan la joogo Fircoon lahaado shantii meeloodba meel, Fircoonna wuxuusan yeelan dhulkii wadaaddada oo keliya.
Kuom mano Josef nokete kaka chik e piny Misri nyaka chil kawuono, ni achiel kuom abich mar cham nyaka bed mar Farao. Puothe jodolo kende ema ne ok Farao okawo.
27 Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.
Jo-Israel nodak Misri e gwengʼ Goshen. Negiyudo mwandu mangʼeny kuno kendo ne ginyaa mi kwan-gi omedore ahinya.
28 Yacquubna wuxuu dalka Masar ku noolaa toddoba iyo toban sannadood, oo Yacquub cimrigiisu wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo afartan sannadood.
Jakobo nodak Misri kuom higni apar gabiriyo kendo ndalo hike duto noromo higni mia achiel gi piero angʼwen gabiriyo.
29 Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin,
Kane kinde mar tho Israel ochopo machiegni, noluongo Josef wuode kendo owachone niya, “Ka itimona ngʼwono, to yie iket lweti e kind ema kendo ikwongʼrina ni nikecha kendo ibedna ja-adiera. Kik iika e piny Misri
30 laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.
to ka anindo maluwo kwerena, to gola Misri kendo idhi iyika kuma oikie kwerena.” Josef nodwoke ni, “Abiro timo kaka iwacho.”
31 Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.
Nowacho ne Josef niya, “Kwongʼrina.” Eka Josef nokwongʼorene, kendo Israel nolemo koyiengore e ludhe mar wuoth.

< Bilowgii 47 >