< Bilowgii 46 >

1 Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey.
イスラエルはその持ち物をことごとく携えて旅立ち、ベエルシバに行って、父イサクの神に犠牲をささげた。
2 Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
この時、神は夜の幻のうちにイスラエルに語って言われた、「ヤコブよ、ヤコブよ」。彼は言った、「ここにいます」。
3 Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn.
神は言われた、「わたしは神、あなたの父の神である。エジプトに下るのを恐れてはならない。わたしはあそこであなたを大いなる国民にする。
4 Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.
わたしはあなたと一緒にエジプトに下り、また必ずあなたを導き上るであろう。ヨセフが手ずからあなたの目を閉じるであろう」。
5 Markaasaa Yacquub ka tegey Bi'ir Shebac, wiilashii Israa'iilna waxay aabbahood Yacquub, iyo dhallaankoodii, iyo dumarkoodiiba ku qaadeen gaadhifardoodkii Fircoon u soo diray in isaga lagu soo qaado.
そしてヤコブはベエルシバを立った。イスラエルの子らはヤコブを乗せるためにパロの送った車に、父ヤコブと幼な子たちと妻たちを乗せ、
6 Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;
またその家畜とカナンの地で得た財産を携え、ヤコブとその子孫は皆ともにエジプトへ行った。
7 kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.
こうしてヤコブはその子と、孫および娘と孫娘などその子孫をみな連れて、エジプトへ行った。
8 Kuwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub.
イスラエルの子らでエジプトへ行った者の名は次のとおりである。すなわちヤコブとその子らであるが、ヤコブの長子はルベン。
9 Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.
ルベンの子らはハノク、パル、ヘヅロン、カルミ。
10 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.
シメオンの子らはエムエル、ヤミン、オハデ、ヤキン、ゾハル及びカナンの女の産んだ子シャウル。
11 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
レビの子らはゲルション、コハテ、メラリ。
12 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.
ユダの子らはエル、オナン、シラ、ペレヅ、ゼラ。エルとオナンはカナンの地で死んだ。ペレヅの子らはヘヅロンとハムル。
13 Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.
イッサカルの子らはトラ、プワ、ヨブ、シムロン。
14 Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.
ゼブルンの子らはセレデ、エロン、ヤリエル。
15 Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.
これらと娘デナとはレアがパダンアラムでヤコブに産んだ子らである。その子らと娘らは合わせて三十三人。
16 Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.
ガドの子らはゼポン、ハギ、シュニ、エヅボン、エリ、アロデ、アレリ。
17 Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.
アセルの子らはエムナ、イシワ、イスイ、ベリアおよび妹サラ。ベリアの子らはヘベルとマルキエル。
18 Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.
これらはラバンが娘レアに与えたジルパの子らである。彼女はこれらをヤコブに産んだ。合わせて十六人。
19 Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.
ヤコブの妻ラケルの子らはヨセフとベニヤミンとである。
20 Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa.
エジプトの国でヨセフにマナセとエフライムとが生れた。これはオンの祭司ポテペラの娘アセナテが彼に産んだ者である。
21 Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.
ベニヤミンの子らはベラ、ベケル、アシベル、ゲラ、ナアマン、エヒ、ロシ、ムッピム、ホパム、アルデ。
22 Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.
これらはラケルがヤコブに産んだ子らである。合わせて十四人。
23 Wiilashii Daanna waxay ahaayeen Xushiim.
ダンの子はホシム。
24 Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem.
ナフタリの子らはヤジエル、グニ、エゼル、シレム。
25 Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.
これらはラバンが娘ラケルに与えたビルハの子らである。彼女はこれらをヤコブに産んだ。合わせて七人。
26 Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.
ヤコブと共にエジプトへ行ったすべての者、すなわち彼の身から出た者はヤコブの子らの妻をのぞいて、合わせて六十六人であった。
27 Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.
エジプトでヨセフに生れた子がふたりあった。エジプトへ行ったヤコブの家の者は合わせて七十人であった。
28 Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.
さてヤコブはユダをさきにヨセフにつかわして、ゴセンで会おうと言わせた。そして彼らはゴセンの地へ行った。
29 Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.
ヨセフは車を整えて、父イスラエルを迎えるためにゴセンに上り、父に会い、そのくびを抱き、くびをかかえて久しく泣いた。
30 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.
時に、イスラエルはヨセフに言った、「あなたがなお生きていて、わたしはあなたの顔を見たので今は死んでもよい」。
31 Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.
ヨセフは兄弟たちと父の家族とに言った、「わたしは上ってパロに言おう、『カナンの地にいたわたしの兄弟たちと父の家族とがわたしの所へきました。
32 Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.
この者らは羊を飼う者、家畜の牧者で、その羊、牛および持ち物をみな携えてきました』。
33 Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay?
もしパロがあなたがたを召して、『あなたがたの職業は何か』と言われたら、
34 waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.
『しもべらは幼い時から、ずっと家畜の牧者です。われわれも、われわれの先祖もそうです』と言いなさい。そうすればあなたがたはゴセンの地に住むことができましょう。羊飼はすべて、エジプトびとの忌む者だからです」。

< Bilowgii 46 >