< Bilowgii 45 >

1 Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay.
Then Joseph could not restrain himself before all those who stood before him, and he cried out, Cause every man to go out from me. And no man stood with him while Joseph made himself known to his brothers.
2 Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen.
And he wept aloud, and the Egyptians heard, and the house of Pharaoh heard.
3 Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa.
And Joseph said to his brothers, I am Joseph, does my father yet live? And his brothers could not answer him, for they were troubled at his presence.
4 Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.
And Joseph said to his brothers, Come near to me, I pray you. And they came near, and he said, I am Joseph your brother, whom ye sold into Egypt.
5 Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.
And now be not grieved, nor angry with yourselves, that ye sold me here, for God sent me before you to preserve life.
6 Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.
For the famine has been in the land these two years, and there are yet five years, in which there shall be neither plowing nor harvest.
7 Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada.
And God sent me before you to preserve for you a remnant on the earth, and to save you alive by a great deliverance.
8 Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan.
So now it was not you that sent me here, but God, and he has made me a father to Pharaoh, and lord of all his house, and ruler over all the land of Egypt.
9 Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;
Hasten ye, and go up to my father, and say to him, Thus says thy son Joseph: God has made me lord of all Egypt. Come down to me, delay not.
10 oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;
And thou shall dwell in the land of Goshen, and thou shall be near to me, thou, and thy sons, and thy sons' sons, and thy flocks, and thy herds, and all that thou have.
11 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.
And there will I nourish thee, for there are yet five years of famine, lest thou come to poverty, thou, and thy household, and all that thou have.
12 Oo bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya.
And, behold, your eyes see, and the eyes of my brother Benjamin, that it is my mouth that speaks to you.
13 Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.
And ye shall tell my father of all my glory in Egypt, and of all that ye have seen. And ye shall hasten and bring down my father here.
14 Markaasuu walaalkiis Benyaamiin qoortiisa dhab yidhi, wuuna ku dul ooyay, Benyaamiinna qoortiisuu ku ooyay.
And he fell upon his brother Benjamin's neck, and wept, and Benjamin wept upon his neck.
15 Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.
And he kissed all his brothers, and wept upon them. And after that his brothers talked with him.
16 Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba.
And the report of it was heard in Pharaoh's house, saying, Joseph's brothers have come. And it pleased Pharaoh well, and his servants.
17 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;
And Pharaoh said to Joseph, Say to thy brothers, This do ye: Load your beasts, and go, get you to the land of Canaan,
18 oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.
and take your father and your households, and come to me. And I will give you the good of the land of Egypt, and ye shall eat the fat of the land.
19 Haddaba waa lagu amray, Sidan yeela. Gaadhifardood dalka Masar uga kaxaysta dhallaankiinna, iyo dumarkiinna; oo aabbihiin keena, oo kaalaya.
Now thou are commanded, this do ye: Take wagons for you out of the land of Egypt for your little ones, and for your wives, and bring your father, and come.
20 Oo alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh.
Also do not regard your stuff, for the good of all the land of Egypt is yours.
21 Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey.
And the sons of Israel did so. And Joseph gave them wagons, according to the commandment of Pharaoh, and gave them provision for the way.
22 Dhammaantoodna wuxuu nin kasta siiyey dhar iskujoog ah; laakiinse Benyaamiin wuxuu siiyey saddex boqol oo xabbadood oo lacag ah, iyo shan iskujoog.
He gave to all of them, each man, changes of raiment, but to Benjamin he gave three hundred pieces of silver, and five changes of raiment.
23 Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa.
And he sent to his father according to this manner: ten donkeys laden with the good things of Egypt, and ten she-donkeys laden with grain and bread and provision for his father by the way.
24 Markaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina.
So he sent his brothers away, and they departed. And he said to them, See that ye not fall out by the way.
25 Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.
And they went up out of Egypt, and came into the land of Canaan to Jacob their father.
26 Markaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii.
And they told him, saying, Joseph is yet alive, and he is ruler over all the land of Egypt. And his heart fainted, for he did not believe them.
27 Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday.
And they told him all the words of Joseph, which he had said to them. And when he saw the wagons which Joseph had sent to carry him, the spirit of Jacob their father revived.
28 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.
And Israel said, It is enough, Joseph my son is yet alive. I will go and see him before I die.

< Bilowgii 45 >