< Bilowgii 44 >

1 Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid.
Kisha Yosefu akampa yule msimamizi wa nyumbani mwake maagizo haya: “Jaza magunia ya watu hawa kiasi cha chakula ambacho wanaweza kuchukua, na uweke fedha ya kila mtu kwenye mdomo wa gunia lake.
2 Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.
Kisha weka kikombe changu kile cha fedha kwenye mdomo wa gunia la yule mdogo wa wote pamoja na fedha zake ambazo angenunulia nafaka yake.” Naye akafanya kama Yosefu alivyosema.
3 Oo markii waagii beryay ayaa nimankii la diray, iyagii iyo dameerradoodiiba.
Kulipopambazuka, hao watu wakaruhusiwa kuondoka pamoja na punda zao.
4 Oo markay magaaladii dibadda uga baxeen, oo ayan weli fogaan, ayaa Yuusuf ku yidhi wakiilkiisii, Kac oo ka daba tag nimankii, oo markaad gaadhid, waxaad ku tidhaahdaa, Maxaad wanaag xumaan noogu abaalguddeen?
Kabla hawajafika mbali kutoka mjini, Yosefu akamwambia mtumishi wake, “Wafuatilie wale watu mara moja, utakapowakuta, waambie, ‘Kwa nini mmelipiza wema kwa ubaya?
5 Miyuusan kanu ahayn koobka sayidkaygu wax ku cabbo, oo uu ku faaliyo? Wax xun baad samayseen markaad saas yeesheen.
Je, kikombe hiki sicho anachonywea bwana wangu na pia hukitumia kwa kutabiri mambo yajayo? Hili ni jambo ovu mlilolitenda.’”
6 Kolkaasuu gaadhay, oo uu hadalkan kula hadlay.
Alipowafikia, akarudia maneno haya kwao.
7 Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.
Lakini wakamwambia mtumishi, “Kwa nini bwana wangu anasema maneno kama haya? Liwe mbali na watumishi wako wasije wakafanya jambo kama hilo!
8 Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab?
Hata hivyo tulikurudishia zile fedha kutoka nchi ya Kanaani ambazo tulizikuta kwenye midomo ya magunia yetu. Hivyo kwa nini tuibe fedha au dhahabu kutoka nyumbani kwa bwana wako?
9 Ku alla kii addoommadaada ka mid ah oo laga helo, kaasu ha dhinto, annaguna addoommo baannu kuu noqon doonnaa, sayidkaygiiyow.
Ikiwa yeyote miongoni mwa watumishi wako atapatikana nacho, auawe, na sisi wengine tutakuwa watumwa wa bwana wangu.”
10 Markaasuu yidhi, Waa yahay, oo haatan sidaad tidhaahdeen ha noqoto. Kii laga helo addoon buu ii noqon doonaa, idinkuna waad eedla'aan doontaan.
Akajibu, “Vema sana; na iwe kama msemavyo. Yeyote atakayekutwa nacho atakuwa mtumwa wangu, lakini ninyi wengine mtakuwa hamna lawama.”
11 Markaasay degdegeen, oo nin waluba joonyaddiisii buu dhulka dhigay, dabadeedna nin waluba joonyaddiisii buu furay.
Kila mmoja wao akafanya haraka kushusha gunia lake chini na kulifungua.
12 Kolkaasuu baadhay, oo wuxuu ka bilaabay kii ugu weynaa, oo wuxuu ku dhammeeyey kii ugu yaraa; oo koobkiina waxaa laga helay joonyaddii Benyaamiin.
Ndipo msimamizi akaendelea kutafuta, akianzia kwa mkubwa wa wote na akaishia kwa mdogo wa wote. Basi kikombe kikapatikana katika gunia la Benyamini.
13 Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen.
Kwa jambo hili, wakararua nguo zao. Ndipo wote wakapakiza mizigo yao juu ya punda zao na kurudi mjini.
14 Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen.
Yosefu alikuwa bado yuko nyumbani mwake wakati Yuda na kaka zake walipoingia, wote wakajitupa chini mbele yake.
15 Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo?
Yosefu akawaambia, “Ni jambo gani hili mlilolifanya? Hamjui kuwa mtu kama mimi anaweza kufahamu mambo kwa njia ya kutabiri?”
16 Markaasaa Yahuudah ku yidhi, Maxaannu kuugu jawaabnaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaannu ku hadalnaa? Ama sidee baannu ku eed baxnaa? Ilaah waa soo saaray dembigayagii annagoo ah addoommadaada; bal eeg, sayidkaygiiyow, waxaannu nahay addoommadaada, annaga iyo kii gacantiisa koobka laga helayba.
Yuda akajibu, “Tutaweza kusema nini kwa bwana wangu? Tutaweza kuzungumza nini? Tutawezaje kuthibitisha kwamba hatuna hatia? Mungu amefunua hatia ya watumishi wako. Sasa sisi tu watumwa wa bwana wangu, sisi wenyewe pamoja na yule aliyepatikana na kikombe.”
17 Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.
Lakini Yosefu alisema, “Liwe mbali nami kufanya jambo kama hili! Mtu yule tu aliyekutwa na kikombe ndiye atakayekuwa mtumwa wangu. Ninyi wengine, rudini kwa baba yenu kwa amani.”
18 Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale.
Ndipo Yuda akamwendea na kumwambia: “Tafadhali bwana wangu, mruhusu mtumishi wako aseme neno kwa bwana wangu. Usimkasirikie mtumishi wako, ingawa wewe ni sawa na Farao mwenyewe.
19 Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin?
Bwana wangu aliwauliza watumishi wake, ‘Mnaye baba au ndugu?’
20 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga.
Nasi tukakujibu, ‘Tunaye baba yetu ambaye ni mzee; pia yupo mwanawe mdogo aliyezaliwa katika uzee wake. Ndugu yake amekufa, na huyu mdogo ndiye mwana pekee kwa mama yake aliyebaki, naye baba yake anampenda.’
21 Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree.
“Ndipo ulipowaambia watumishi wako, ‘Mleteni kwangu ili niweze kumwona kwa macho yangu mwenyewe.’
22 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa.
Nasi tukamwambia bwana wangu, ‘Kijana hawezi kumwacha baba yake; akimwacha, baba yake atakufa.’
23 Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.
Lakini ukawaambia watumishi wako, ‘Ndugu yenu mdogo asiposhuka pamoja nanyi, hamtauona uso wangu tena.’
24 Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.
Tuliporudi nyumbani kwa mtumwa wako baba yangu, tulimwambia lile bwana wangu alilokuwa amesema.
25 Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.
“Ndipo baba yetu aliposema, ‘Rudini Misri mkanunue chakula kingine.’
26 Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.
Lakini tukamwambia, ‘Hatuwezi kushuka Misri mpaka ndugu yetu mdogo awe pamoja nasi ndipo tutakapokwenda. Hatutaweza kuuona uso wa yule mtu mpaka ndugu yetu mdogo awe pamoja nasi.’
27 Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil;
“Mtumwa wako baba yangu alituambia, ‘Mnajua mke wangu alinizalia wana wawili.
28 oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii.
Mmojawapo alipotea, nami nikasema, “Hakika ameraruliwa vipande vipande.” Nami sijamwona tangu wakati huo.
29 Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan. (Sheol h7585)
Ikiwa mtaniondolea huyu tena na akapatwa na madhara, mtashusha kichwa changu chenye mvi kaburini nikiwa mwenye huzuni.’ (Sheol h7585)
30 Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka,
“Hivyo sasa, kama kijana hatakuwa pamoja nasi nitakaporudi kwa mtumishi wako baba yangu, na kama baba yangu, ambaye maisha yake yamefungamanishwa na uhai wa kijana huyu,
31 oo wuu dhiman doonaa markuu arko inuusan yarkii nala jirin; oo annagoo ah addoommadaada ayaannu aabbahayaga addoonkaaga ah cirradiisa caloolxumo qabriga la gelin doonnaa. (Sheol h7585)
akiona kijana hayupo nasi, atakufa. Watumishi wako watashusha kichwa chenye mvi cha baba yetu kaburini kwa huzuni. (Sheol h7585)
32 Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.
Mtumwa wako alimhakikishia baba yangu usalama wa kijana. Nikamwambia, ‘Kama sikumrudisha kwako nitakuwa mwenye lawama mbele yako, baba yangu, maisha yangu yote!’
33 Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco.
“Sasa basi, tafadhali mruhusu mtumishi abaki hapa kama mtumwa wa bwana wangu badala ya kijana, naye kijana umruhusu arudi na ndugu zake.
34 Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.
Ninawezaje kurudi kwa baba yangu kama kijana hatakuwa pamoja nami? La hasha! Usiniache nikaone huzuni ile itakayompata baba yangu.”

< Bilowgii 44 >