< Bilowgii 40 >
1 Waxyaalahaas ka dib, kii boqorkii Masar khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray waxay xumeeyeen sayidkoodii ahaa boqorkii Masar.
Sau đó, trong hoàng cung Ai Cập, quan chước tửu và quan hỏa đầu phạm tội khi quân.
2 Fircoonna aad buu ugu cadhaysnaa labadiisii sirkaal oo ahaa kii madaxa u ahaa kuwii khamriga siin jiray, iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax u dubi jiray.
Vua Pha-ra-ôn tức giận hai viên chức
3 Oo wuxuu iyagii ku xabbisay gurigii madaxa waardiyayaasha, xagga xabsiga gudihiisa oo ahaa meeshii Yuusuf ku xidhnaa.
và tống giam hai viên chức vào ngục, thuộc dinh chỉ huy trưởng ngự lâm, nơi Giô-sép đang bị tù.
4 Madaxii waardiyayaashuna Yuusuf amar buu u siiyey iyagii, wuuna u adeegi jiray iyagii; intii wakhti ahna xabsigay ku jireen.
Viên quan chỉ huy đoàn ngự lâm cử Giô-sép trông coi hai viên chức ấy; họ bị giam tại đó lâu ngày.
5 Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.
Một đêm nọ, hai viên chức trong lao nằm mơ; giấc mơ mỗi người mỗi khác.
6 Subaxdii baa Yuusuf u soo galay oo fiiriyey iyagii, oo wuxuu arkay iyagoo calool xun.
Sáng hôm sau, Giô-sép gặp họ, thấy nét mặt rầu rĩ,
7 Markaasuu wax weyddiiyey saraakiishii Fircoon oo isaga lagula xabbisay guriga sayidkiisa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maanta ugu eg tihiin kuwo calool xun?
nên hỏi: “Hôm nay sao hai ông buồn bã thế?”
8 Markaasay waxay ku yidhaahdeen isagii, Riyaannu ku riyoonnay, mana jiro mid fasiri karaa. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan Ilaah fasirro lahayn? Haddaba waan idin baryayaaye, bal ii sheega.
Họ đáp: “Chúng tôi thấy chiêm bao rất lạ, nhưng chẳng có ai giải nghĩa cho chúng tôi cả.” Giô-sép nói: “Giải mộng là việc của Đức Chúa Trời. Xin hai ông cứ kể cho tôi nghe.”
9 Markaasaa madaxii kuwii khamriga keeni jiray riyadiisii Yuusuf u sheegay, oo wuxuu yidhi, Riyadaydii waxaan ku arkay geed canab ah oo i hor yaal.
Quan chước tửu kể lại giấc mơ cho Giô-sép: “Trong mơ, tôi thấy một cây nho.
10 Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil.
Cây nho có ba nhánh, bắt đầu nứt lộc trổ hoa, và hoa biến thành từng chùm quả chín.
11 Koobkii Fircoonna gacantayduu ku jiray, markaasaan canabkii guray oo koobkii Fircoon ku tuujiyey, koobkiina waxaan u dhiibay gacantii Fircoon.
Đang cầm cái chén của vua Pha-ra-ôn trong tay, tôi liền hái nho, ép nước vào chén, và dâng lên vua.”
12 Markaasaa Yuusuf ku yidhi, Fasirkeedii waa kan: saddexda laamood waa saddex maalmood.
Giô-sép giải thích: “Đây là ý nghĩa: Ba nhánh là ba ngày.
13 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray.
Ba ngày nữa, vua Pha-ra-ôn sẽ tha ông ra khỏi ngục. Ông được phục chức và sẽ dâng rượu cho vua như trước.
14 Laakiinse waan ku baryayaaye, i soo xusuuso markay kuu hagaagto, oo ii roonow, oo Fircoon ii sheeg, oo gurigan iga bixi;
Khi sung sướng, xin ông đừng quên tôi; ông làm ơn tâu với vua Pha-ra-ôn và xin cho tôi ra khỏi ngục.
15 waayo, waxaa layga soo xaday dhulka Cibraaniyada, oo halkanna kuma aan samayn wax ay iigu ridaan godxabsiga.
Vì thật ra, tôi bị người ta bắt từ quê hương xứ Hê-bơ-rơ bán qua đây. Ở Ai Cập tôi cũng chẳng phạm tội gì mà bị tù.”
16 Madaxii kuwii wax dubi jiray markuu arkay inuu fasirkaasu wanaagsanaa ayuu wuxuu Yuusuf ku yidhi, Aniguna waxaan riyadaydii ku arkay saddex dambiil oo kibis cadcadu ku jirto oo madaxayga saaran.
Quan hỏa đầu nghe lời giải tốt, liền thuật cho Giô-sép: “Còn tôi, trong giấc mơ, thấy ba giỏ bánh trắng đội trên đầu.
17 Oo dambiishii ugu wada sarreeyey waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnaa.
Giỏ trên cùng đựng đủ thứ bánh của vua Pha-ra-ôn, nhưng có chim trời đáp xuống rỉa ăn.”
18 Markaasaa Yuusuf u jawaabay oo ku yidhi, Fasirkeedii waa kan; saddexda dambiil waa saddex maalmood.
Giô-sép đáp: “Đây là lời giải: Ba giỏ là ba ngày.
19 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor kaaga qaadi doonaa, geed buuna kaa soo deldeli doonaa, markaasaa haadku hilibkaaga cuni doonaa.
Ba ngày nữa, ông sẽ bị vua Pha-ra-ôn xử tử, bị treo xác lên cây, và bị chim ăn thịt.”
20 Maalintii saddexaad oo la xusuustay maalintii Fircoon dhashay ayuu addoommadiisii oo dhan diyaafad u sameeyey; markaasuu kor u qaaday madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii khamriga isaga siin jiray iyo madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii wax u dubi jiray oo addoommadiisa dhex joogay.
Ba ngày sau, nhằm sinh nhật vua Pha-ra-ôn, hoàng gia thết tiệc đãi quần thần. Giữa tiệc, vua sai đem quan chước tửu và quan hỏa đầu ra khỏi ngục.
21 Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon;
Vua phục chức cho viên chước tửu, để tiếp tục dâng rượu cho vua Pha-ra-ôn như trước.
22 laakiinse madaxii kuwii wax dubi jiray ayuu deldelay sidii Yuusuf ugu fasiray iyaga.
Còn quan hỏa đầu bị vua treo cổ lên cây, như lời Giô-sép giải mộng.
23 Laakiinse madaxii kuwii khamriga keeni jiray ma uu xusuusan Yuusuf, wuuse illoobay isagii.
Quan chước tửu quên bẵng Giô-sép, ông không nhớ chuyện trong ngục nữa.