< Bilowgii 4 >

1 Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.
Adamu ya kwana da matarsa Hawwa’u, ta kuwa yi ciki ta haifi Kayinu. Sai ta ce, “Da taimakon Ubangiji na sami ɗa namiji.”
2 Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.
Daga baya ta haifi ɗan’uwansa, ta kuma ba shi suna Habila. Sa’ad da suka yi girma sai Habila ya zama makiyayin tumaki, Kayinu kuwa ya zama manomi.
3 Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka.
Ana nan sai Kayinu ya kawo waɗansu amfanin gona a matsayin hadaya ga Ubangiji.
4 Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii;
Amma Habila ya kawo mafi kyau daga’ya’yan fari na garkensa. Ubangiji ya yi farin ciki da sadakar da Habila ya kawo,
5 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.
amma bai yi farin ciki da sadakar da Kayinu ya kawo ba. Saboda haka Kayinu ya ji fushi sosai, fuskarsa kuma ta ɓace.
6 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday?
Sai Ubangiji ya ce wa Kayinu, “Don me kake fushi? Don me fuskarka ta ɓace?
7 Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga.
Da ka yi abin da yake daidai, ai, da ka sami karɓuwa. Amma tun da ba ka yi abin da ba daidai ba, zunubi zai yi fakonka don yă rinjaye ka kamar naman jeji. Yana so yă mallake ka, amma tilas ka rinjaye shi.”
8 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii.
To, Kayinu ya ce wa ɗan’uwansa Habila, “Mu tafi gona.” Yayinda suke a gona, sai Kayinu ya tasar wa Habila ya buge shi ya kashe.
9 Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa?
Sai Ubangiji ya ce wa Kayinu, “Ina ɗan’uwanka Habila?” Sai Kayinu ya ce, “Ban sani ba, ni mai gadin ɗan’uwana ne?”
10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.
Ubangiji ya ce, “Me ke nan ka yi? Saurara! Ga jinin ɗan’uwanka yana mini kuka daga ƙasa.
11 Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.
Yanzu, kai la’ananne ne, an kuma kore ka daga ƙasa wadda ta buɗe bakinta ta shanye jinin ɗan’uwanka daga hannunka.
12 Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.
In ka nome ƙasa, ba za tă ƙara ba ka hatsinta ba. Za ka kuma zama mai yawo barkatai a duniya.”
13 Qaabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo.
Kayinu ya ce wa Ubangiji, “Horon nan ya sha ƙarfina.
14 Bal eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono.
Ga shi, yau kana kori na daga ƙasar, zan zama a ɓoye daga fuskarka, zan kuma zama mai yawo barkatai, duk wanda ya same ni kuwa zai kashe ni.”
15 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.
Amma Ubangiji ya ce masa, “Ba haka ba ne! Duk wanda ya kashe Kayinu, za a ninƙa hukuncinsa har sau bakwai.” Sa’an nan Ubangiji ya sa wa Kayinu alama don duk wanda ya same shi kada yă kashe shi.
16 Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.
Saboda haka Kayinu ya yi tafiyarsa ya rabu da Ubangiji, ya je ya zauna ƙasar Nod a gabashin Eden.
17 Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog.
Kayinu ya kwana da matarsa, ta kuwa yi ciki, ta haifi Enok. A lokacin Kayinu yana gina birni, sai ya sa wa birnin sunan ɗansa Enok.
18 Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.
Aka haifa wa Enok Irad, Irad kuma ya haifi Mehujayel, Mehujayel kuma ya haifi Metushayel, Metushayel kuma ya haifin Lamek.
19 Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah.
Lamek ya auri mata biyu, ana ce da ɗaya Ada, ɗayan kuma Zilla.
20 Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh.
Ada ta haifi Yabal, shi ne mahaifi waɗanda suke zama a tentuna, suna kuma kiwon dabbobi.
21 Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca.
Sunan ɗan’uwansa Yubal, shi ne mahaifin dukan makaɗan garaya da masu hura sarewa.
22 Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah.
Zilla ma ta haifi ɗa, Tubal-Kayinu, shi ne wanda ya ƙera kowane iri kayan aiki daga tagulla da kuma ƙarfe.’Yar’uwar Tubal-Kayinu ita ce Na’ama.
23 Lamegna wuxuu naagihiisii ku yidhi: Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla; Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta; Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed, Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.
Wata rana, Lamek ya ce wa matansa, Ada da Zilla, “Ku saurara, matan Lamek, ku ji maganata. Na kashe wani saboda ya yi mini rauni, na kashe wani saurayi saboda ya ji mini ciwo.
24 Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa, Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.
Idan za a rama wa Kayinu har sau bakwai, lalle za a rama wa Lamek sau saba’in da bakwai ke nan.”
25 Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii.
Sai Adamu ya sāke kwana da matarsa, ta haifi ɗa, aka kuma ba shi suna Set, gama ta ce, “Allah ya ba ni wani yaro a madadin Habila, tun da yake Kayinu ya kashe shi.”
26 Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.
Set ma ya haifi ɗa, ya kuma kira shi Enosh. A lokaci ne, mutane suka fara kira ga sunan Ubangiji.

< Bilowgii 4 >