< Bilowgii 37 >

1 Yacquubna wuxuu degay dhulkii aabbihiis qariibka ku ahaan jiray, oo ahaa dalkii Kancaan.
Yaƙub ya zauna a ƙasar da mahaifinsa ya zauna, wato, ƙasar Kan’ana.
2 Kuwanuna waa farcankii Yacquub. Yuusuf, isagoo jira toddoba iyo toban sannadood, ayuu idaha la daajinayay walaalihiis, wuxuuna ahaa wiil la jooga wiilashii Bilhah iyo Silfah oo ahaa naagihii aabbihiis. Markaasuu Yuusuf xaggooda war xun uga keenay aabbahood.
Wannan shi ne labarin zuriyar Yaƙub. Yusuf, saurayi ne mai shekara goma sha bakwai. Shi da’yan’uwansa, wato,’ya’yan Bilha maza da kuma’ya’yan Zilfa maza, matan mahaifinsa suna kiwon garkuna tare. Sai Yusuf ya kawo wa mahaifinsu rahoto marar kyau game da’yan’uwansa.
3 Israa'iilna Yuusuf wuu ka jeclaa carruurtiisa oo dhan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa inankuu dhalay markuu gaboobay; oo wuxuuna u sameeyey shulug midabyo badan leh.
Isra’ila dai ya fi ƙaunar Yusuf fiye da kowanne a cikin sauran’ya’yansa maza, gama an haifa masa shi a cikin tsufansa. Sai ya yi masa riga mai gwanin kyau.
4 Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecel yahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan.
Sa’ad da’yan’uwansa suka ga cewa mahaifinsu ya fi ƙaunarsa fiye da kowanne daga cikinsu, sai suka ƙi jininsa, ba sa kuma maganar alheri da shi.
5 Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.
Sai Yusuf ya yi mafarki, sa’ad da ya faɗa wa’yan’uwansa, suka ƙara ƙin jininsa.
6 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.
Ya ce musu, “Ku saurari wannan mafarkin da na yi.
7 Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.
Muna daurin dammunan hatsi a gona, sai nan da nan damina ya tashi ya tsaya, yayinda dammunanku suka taru kewaye da nawa suka rusuna masa.”
8 Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood.
Sai’yan’uwansa suka ce masa, “Kana nufin za ka yi mulki a kanmu ke nan? Ko kuwa za ka zama sarki, a bisanmu?” Suka ƙara ƙin jininsa saboda mafarkinsa da kuma abin da ya faɗa.
9 Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday.
Sai Yusuf ya sāke yin wani mafarki, ya faɗa wa’yan’uwansa. Ya ce, “Ku saurara, na sāke yin wani mafarki, a wannan lokaci, na ga rana da wata da taurari goma sha ɗaya suna rusuna mini.”
10 Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?
Sa’ad da ya faɗa wa mahaifinsa da kuma’yan’uwansa, sai mahaifinsa ya kwaɓe shi ya ce, “Wanne irin mafarki ne haka da ka yi? Kana nufin ni da mahaifiyarka da’yan’uwanka za mu zo gabanka mu rusuna maka?”
11 Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.
’Yan’uwansa suka yi kishinsa, amma mahaifinsa ya riƙe batun nan a zuciya.
12 Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.
To,’yan’uwansa suka tafi kiwon garkunan mahaifinsu kusa da Shekem.
13 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Miyaanay walaalahaa adhigii daajinayn Shekem? Bal kaalay, xaggoodaan kuu dirayaaye. Markaasuu isna ku yidhi, Waa i kan.
Sai Isra’ila ya ce wa Yusuf, “Kamar yadda ka sani,’yan’uwanka suna kiwon garkuna kusa da Shekem. Zo, in aike ka gare su.” Ya ce, “To.”
14 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal tag oo soo arag in walaalahaa iyo adhigiiba nabad qabaan iyo in kale, oo haddana ii war keen. Sidaas daraaddeed isagii wuxuu ka diray dooxadii Xebroon, oo wuxuu tegey Shekem.
Saboda haka Isra’ila ya ce wa Yusuf, “Jeka ka ga ko kome lafiya yake da’yan’uwanka da kuma garkunan, ka kawo mini labari.” Sa’an nan ya sallame shi daga Kwarin Hebron. Sa’ad da Yusuf ya kai Shekem,
15 Markaasaa nin helay isagoo duurka wareegaya; ninkiina wax buu weyddiiyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaad doondoonaysaa?
sai wani mutum ya same shi yana yawo a cikin jeji, sai mutumin ya tambaye shi ya ce, “Me kake nema?”
16 Isna wuxuu yidhi, Waxaan doondoonayaa walaalahay. Waan ku baryayaaye, ii sheeg meesha ay adhigii daajinayaan.
Yusuf ya amsa ya ce, “Ina neman’yan’uwana ne. Za ka iya faɗa mini inda suke kiwon garkunansu?”
17 Markaasaa ninkii ku yidhi, Halkan way ka tageen, waayo, waxaan maqlay iyagoo isku leh, Ina keena aynu Dotaan tagnee. Markaasuu Yuusuf walaalihiis ka daba tegey, oo wuxuu iyagii ka helay Dotaan.
Mutumin ya amsa, “Sun yi gaba daga nan. Na ji su suna cewa, ‘Bari mu je Dotan.’” Saboda haka Yusuf ya bi bayan’yan’uwansa, ya kuwa same su kusa da Dotan.
18 Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan.
Amma da suka gan shi daga nesa, kafin yă kai wurinsu, sai suka ƙulla su kashe shi.
19 Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.
Suka ce wa juna, “Ga mai mafarkin nan can zuwa!
20 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.
Ku zo mu kashe shi mu kuma jefa shi a ɗaya daga cikin rijiyoyin nan, mu ce mugun naman jeji ya cinye shi. Mu ga yadda mafarkinsa zai cika.”
21 Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin.
Sa’ad da Ruben ya ji wannan, sai ya yi ƙoƙari yă cece shi daga hannuwansu. Ya ce, “Kada mu ɗauki ransa.
22 Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis.
Kada mu zub da wani jini. Mu dai jefa shi cikin wannan rijiya a nan cikin hamada, amma kada mu sa hannu a kansa.” Ruben ya faɗa wannan ne don yă cece shi daga gare su, yă kuma mai da shi ga mahaifinsa.
23 Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay.
Saboda haka sa’ad da Yusuf ya zo wurin’yan’uwansa, sai suka tuɓe masa rigarsa, rigan nan mai gwanin kyau da ya sa,
24 Kolkaasay qabteen oo ay ceelkii ku tuureen; ceelkuna waa madhnaa oo biyo kuma jirin.
suka kuma ɗauke shi suka jefa a cikin rijiya. To, rijiyar wofi ce, babu ruwa a ciki.
25 Kolkaasay u fadhiisteen inay wax cunaan; dabadeedna indhahay kor u taageen oo wax bay fiiriyeen, oo waxay arkeen safar reer Ismaaciil ah oo ka soo socda xagga Gilecaad, oo awrtooda ay ugu raran yihiin xawaash, iyo beeyo, iyo malmal, waxayna u socdeen xagga Masar.
Da suka zauna don cin abinci, sai suka tā da idanu, suka ga ayarin mutanen Ishmayel suna zuwa daga Gileyad. An yi wa raƙumansu labtu da kayan yaji da na ƙanshi, suna kan hanyarsu za su Masar.
26 Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno?
Yahuda ya ce wa’yan’uwansa, “Me zai amfane mu in muka kashe ɗan’uwanmu muka ɓoye jininsa?
27 Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.
Ku zo, mu sayar da shi wa mutanen Ishmayelawan nan, kada mu sa hannuwanmu a kansa; ban da haka ma, shi ɗan’uwanmu ne, jiki da jininmu.” Sai’yan’uwansa suka yarda.
28 Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.
Saboda haka sa’ad da Fataken Midiyawa suka iso, sai’yan’uwansa suka ja Yusuf daga rijiyar, suka sayar da shi a bakin shekel ashirin na azurfa wa mutanen Ishmayel, waɗanda suka ɗauke shi zuwa Masar.
29 Markaasaa Ruubeen ku noqday ceelkii; wuxuuna arkay inuusan Yuusuf ku jirin ceelka, kolkaasuu dharkiisii dildillaaciyey.
Sa’ad da Ruben ya dawo wurin rijiyar, sai ya tarar cewa Yusuf ba ya can, sai ya kyakkece tufafinsa.
30 Markaasuu walaalihiis ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Yarkii ma joogo, haddaba anigu xaggee baan tagaa?
Ya koma wurin’yan’uwansa ya ce, “Yaron ba ya can! Ina zan bi yanzu?”
31 Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen.
Sai suka ɗauki rigar Yusuf, suka yanka akuya suka tsoma rigar a cikin jinin.
32 Markaasay shuluggii midabyada badnaa direen, oo ay aabbahood u keeneen; oo waxay ku yidhaahdeen, Kan waannu helnay, haddaba bal garo inuu shuluggii wiilkaagii yahay iyo in kale.
Suka ɗauki rigan nan mai gwanin kyau, suka kawo wa mahaifinsu suka ce, “Mun sami wannan. Ka bincika shi ka gani ko rigar ɗanka ne.”
33 Wuuna gartay, oo wuxuu yidhi, Waa shuluggii wiilkayga. Bahal xun baa cunay isagii. Shakila'aan Yuusuf cadcad baa loo kala jeexjeexay.
Ya gane shi, sai ya ce, “Rigar ɗana ne! Waɗansu mugayen namun jeji sun cinye shi. Tabbatacce an yayyaga Yusuf.”
34 Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.
Sa’an nan Yaƙub ya kyakkece tufafinsa, ya sa tufafin makoki, ya kuma yi makoki domin ɗansa kwanaki masu yawa.
35 Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii. (Sheol h7585)
Dukan’ya’yansa maza da mata, suka zo don su ta’azantar da shi, amma ya ƙi yă ta’azantu. Ya ce, “A’a, cikin makoki zan gangara zuwa kabari wurin ɗana.” Saboda haka, mahaifin Yusuf ya yi kuka saboda shi. (Sheol h7585)
36 Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha.
Ana cikin haka, Midiyawa suka sayar da Yusuf a Masar wa Fotifar, ɗaya daga cikin shugabannin’yan gadin fadar Fir’auna.

< Bilowgii 37 >