< Bilowgii 36 >

1 Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom.
ואלה תלדות עשו הוא אדום
2 Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi,
עשו לקח את נשיו מבנות כנען את עדה בת אילון החתי ואת אהליבמה בת ענה בת צבעון החוי
3 iyo Basmad oo ahayd ina Ismaaciil, oo la dhalatay Nebayod.
ואת בשמת בת ישמעאל אחות נביות
4 Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel;
ותלד עדה לעשו את אליפז ובשמת ילדה את רעואל
5 Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan.
ואהליבמה ילדה את יעיש (יעוש) ואת יעלם ואת קרח אלה בני עשו אשר ילדו לו בארץ כנען
6 Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub.
ויקח עשו את נשיו ואת בניו ואת בנתיו ואת כל נפשות ביתו ואת מקנהו ואת כל בהמתו ואת כל קנינו אשר רכש בארץ כנען וילך אל ארץ מפני יעקב אחיו
7 Waayo, xoolahoodu aad bay u badnaayeen oo ma ay wada degi karin; dhulkii ay degganaan jireenna ma uu wada qaadi karin lo'dooda aawadeed.
כי היה רכושם רב משבת יחדו ולא יכלה ארץ מגוריהם לשאת אתם--מפני מקניהם
8 Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.
וישב עשו בהר שעיר עשו הוא אדום
9 Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.
ואלה תלדות עשו אבי אדום בהר שעיר
10 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd.
אלה שמות בני עשו אליפז בן עדה אשת עשו רעואל בן בשמת אשת עשו
11 Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas.
ויהיו בני אליפז--תימן אומר צפו וגעתם וקנז
12 Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd.
ותמנע היתה פילגש לאליפז בן עשו ותלד לאליפז את עמלק אלה בני עדה אשת עשו
13 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.
ואלה בני רעואל נחת וזרח שמה ומזה אלה היו בני בשמת אשת עשו
14 Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.
ואלה היו בני אהליבמה בת ענה בת צבעון--אשת עשו ותלד לעשו את יעיש (יעוש) ואת יעלם ואת קרח
15 Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas,
אלה אלופי בני עשו בני אליפז בכור עשו--אלוף תימן אלוף אומר אלוף צפו אלוף קנז
16 ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah.
אלוף קרח אלוף געתם אלוף עמלק אלה אלופי אליפז בארץ אדום אלה בני עדה
17 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.
ואלה בני רעואל בן עשו--אלוף נחת אלוף זרח אלוף שמה אלוף מזה אלה אלופי רעואל בארץ אדום--אלה בני בשמת אשת עשו
18 Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah.
ואלה בני אהליבמה אשת עשו--אלוף יעוש אלוף יעלם אלוף קרח אלה אלופי אהליבמה בת ענה--אשת עשו
19 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii.
אלה בני עשו ואלה אלופיהם הוא אדום
20 Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah,
אלה בני שעיר החרי ישבי הארץ לוטן ושובל וצבעון וענה
21 iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.
ודשון ואצר ודישן אלה אלופי החרי בני שעיר בארץ אדום
22 Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac.
ויהיו בני לוטן חרי והימם ואחות לוטן תמנע
23 Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam.
ואלה בני שובל עלון ומנחת ועיבל שפו ואונם
24 Kuwanuna waa carruurtii Sibecoon; Ayah, iyo Canah. Kanu waa Canah kii cidlada ka helay ilaha biyaha oo kulul, markuu daajinayay dameerrada aabbihiis Sibecoon.
ואלה בני צבעון ואיה וענה הוא ענה אשר מצא את הימם במדבר ברעתו את החמרים לצבעון אביו
25 Kuwanuna waa carruurtii Canah; Dishon, iyo Aaholiibaamah, gabadhii Canah.
ואלה בני ענה דשן ואהליבמה בת ענה
26 Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.
ואלה בני דישן--חמדן ואשבן ויתרן וכרן
27 Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan.
אלה בני אצר--בלהן וזעון ועקן
28 Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan.
אלה בני דישן עוץ וארן
29 Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah,
אלה אלופי החרי אלוף לוטן אלוף שובל אלוף צבעון אלוף ענה
30 ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.
אלוף דשן אלוף אצר אלוף דישן אלה אלופי החרי לאלפיהם בארץ שעיר
31 Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.
ואלה המלכים אשר מלכו בארץ אדום--לפני מלך מלך לבני ישראל
32 Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah.
וימלך באדום בלע בן בעור ושם עירו דנהבה
33 Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.
וימת בלע וימלך תחתיו יובב בן זרח מבצרה
34 Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan.
וימת יובב וימלך תחתיו חשם מארץ התימני
35 Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.
וימת חשם וימלך תחתיו הדד בן בדד המכה את מדין בשדה מואב ושם עירו עוית
36 Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa.
וימת הדד וימלך תחתיו שמלה ממשרקה
37 Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa.
וימת שמלה וימלך תחתיו שאול מרחבות הנהר
38 Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor.
וימת שאול וימלך תחתיו בעל חנן בן עכבור
39 Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay.
וימת בעל חנן בן עכבור וימלך תחתיו הדר ושם עירו פעו ושם אשתו מהיטבאל בת מטרד בת מי זהב
40 Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,
ואלה שמות אלופי עשו למשפחתם למקמתם בשמתם אלוף תמנע אלוף עלוה אלוף יתת
41 iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon;
אלוף אהליבמה אלוף אלה אלוף פינן
42 iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar;
אלוף קנז אלוף תימן אלוף מבצר
43 iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.
אלוף מגדיאל אלוף עירם אלה אלופי אדום למשבתם בארץ אחזתם--הוא עשו אבי אדום

< Bilowgii 36 >