< Bilowgii 30 >

1 Raaxeelna markay aragtay inaanay Yacquub carruur u dhalin, ayay walaasheed ka masayrtay; oo waxay Yacquub ku tidhi, Carruur i sii, haddii kalese waan dhiman.
拉結見自己不給雅各生子,就嫉妒她姊姊,對雅各說:「你給我孩子,不然我就死了。」
2 Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?
雅各向拉結生氣,說:「叫你不生育的是上帝,我豈能代替他作主呢?」
3 Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.
拉結說:「有我的使女辟拉在這裏,你可以與她同房,使她生子在我膝下,我便因她也得孩子。」
4 Markaasay isagii siisay addoonteedii Bilhah inuu naag ka dhigto; Yacquubna wuu u tegey iyadii.
拉結就把她的使女辟拉給丈夫為妾;雅各便與她同房,
5 Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.
辟拉就懷孕,給雅各生了一個兒子。
6 Raaxeelna waxay tidhi, Ilaah waa i xukumay, codkaygiina wuu maqlay, oo wiil buu i siiyey. Sidaas daraaddeed magiciisii waxay u bixisay Daan.
拉結說:「上帝伸了我的冤,也聽了我的聲音,賜我一個兒子」,因此給他起名叫但。
7 Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.
拉結的使女辟拉又懷孕,給雅各生了第二個兒子。
8 Oo Raaxeelna waxay tidhi, Legdan aad u weyn baan walaashay la legdamay, waanan ka adkaaday. Magiciisiina waxay u bixisay Naftaali.
拉結說:「我與我姊姊大大相爭,並且得勝」,於是給他起名叫拿弗他利。
9 Lee'ahna markay aragtay inay dhalmo daysay ayay kaxaysay addoonteedii Silfah, oo waxay siisay Yacquub inuu naag ka dhigto.
利亞見自己停了生育,就把使女悉帕給雅各為妾。
10 Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay.
利亞的使女悉帕給雅各生了一個兒子。
11 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad.
利亞說:「萬幸!」於是給他起名叫迦得 。
12 Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub.
利亞的使女悉帕又給雅各生了第二個兒子。
13 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.
利亞說:「我有福啊,眾女子都要稱我是有福的」,於是給他起名叫亞設。
14 Maalmihii sarreenka la goosanayay ayaa Ruubeen tegey berrinka oo ka dhex helay ubax, oo wuxuu u keenay hooyadiis Lee'ah. Markaasay Raaxeel waxay Lee'ah ku tidhi, Waan ku baryayaaye, wax iga sii ubaxa wiilkaaga.
割麥子的時候,呂便往田裏去,尋見風茄,拿來給他母親利亞。拉結對利亞說:「請你把你兒子的風茄給我些。」
15 Iyana waxay ku tidhi, Ma wax yar baa inaad ninkaygii iga qaadday? Weliba ubaxa wiilkaygana ma iga qaadan lahayd? Raaxeelna waxay tidhi, Haddaba wiilkaaga ubaxiisa aawadiis isagu caawa wuu kula seexan doonaa.
利亞說:「你奪了我的丈夫還算小事嗎?你又要奪我兒子的風茄嗎?」拉結說:「為你兒子的風茄,今夜他可以與你同寢。」
16 Yacquubna fiidkii buu beertii ka yimid, markaasay Lee'ah ka hor tagtay oo waxay tidhi, Waa inaad ii timaadaa, waayo, hubaal waxaan kugu kiraystay ubaxii wiilkayga. Habeenkaasna iyadii buu la seexday.
到了晚上,雅各從田裏回來,利亞出來迎接他,說:「你要與我同寢,因為我實在用我兒子的風茄把你雇下了。」那一夜,雅各就與她同寢。
17 Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.
上帝應允了利亞,她就懷孕,給雅各生了第五個兒子。
18 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah waa i siiyey kiradaydii, maxaa yeelay, addoontaydii waxaan siiyey ninkayga. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Isaakaar.
利亞說:「上帝給了我價值,因為我把使女給了我丈夫」,於是給他起名叫以薩迦。
19 Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.
利亞又懷孕,給雅各生了第六個兒子。
20 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.
利亞說:「上帝賜我厚賞;我丈夫必與我同住,因我給他生了六個兒子」,於是給他起名西布倫。
21 Dabadeedna waxay dhashay gabadh, magaceediina waxay u bixisay Diinah.
後來又生了一個女兒,給她起名叫底拿。
22 Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.
上帝顧念拉結,應允了她,使她能生育。
23 Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.
拉結懷孕生子,說:「上帝除去了我的羞恥」,
24 Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.
就給他起名叫約瑟,意思說:「願耶和華再增添我一個兒子。」
25 Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.
拉結生約瑟之後,雅各對拉班說:「請打發我走,叫我回到我本鄉本土去。
26 I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.
請你把我服事你所得的妻子和兒女給我,讓我走;我怎樣服事你,你都知道。」
27 Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.
拉班對他說:「我若在你眼前蒙恩,請你仍與我同住,因為我已算定,耶和華賜福與我是為你的緣故」;
28 Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.
又說:「請你定你的工價,我就給你。」
29 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.
雅各對他說:「我怎樣服事你,你的牲畜在我手裏怎樣,是你知道的。
30 Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?
我未來之先,你所有的很少,現今卻發大眾多,耶和華隨我的腳步賜福與你。如今,我甚麼時候才為自己興家立業呢?」
31 Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.
拉班說:「我當給你甚麼呢?」雅各說:「甚麼你也不必給我,只有一件事,你若應承,我便仍舊牧放你的羊群。
32 Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.
今天我要走遍你的羊群,把綿羊中凡有點的、有斑的,和黑色的,並山羊中凡有斑的、有點的,都挑出來;將來這一等的就算我的工價。
33 Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.
以後你來查看我的工價,凡在我手裏的山羊不是有點有斑的,綿羊不是黑色的,那就算是我偷的;這樣便可證出我的公義來。」
34 Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.
拉班說:「好啊!我情願照着你的話行。」
35 Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;
當日,拉班把有紋的、有斑的公山羊,有點的、有斑的、有雜白紋的母山羊,並黑色的綿羊,都挑出來,交在他兒子們的手下,
36 Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.
又使自己和雅各相離三天的路程。雅各就牧養拉班其餘的羊。
37 Yacquubna wuxuu qaatay dhengedo qoyan oo ah geedihii la odhan jiray libneh iyo yicib iyo carmon, kolkaasuu diiray oo xariijimo cadcad ku sameeyey.
雅各拿楊樹、杏樹、楓樹的嫩枝,將皮剝成白紋,使枝子露出白的來,
38 Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.
將剝了皮的枝子,對着羊群,插在飲羊的水溝裏和水槽裏,羊來喝的時候,牝牡配合。
39 Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.
羊對着枝子配合,就生下有紋的、有點的、有斑的來。
40 Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan.
雅各把羊羔分出來,使拉班的羊與這有紋和黑色的羊相對,把自己的羊另放一處,不叫他和拉班的羊混雜。
41 Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;
到羊群肥壯配合的時候,雅各就把枝子插在水溝裏,使羊對着枝子配合。
42 laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.
只是到羊瘦弱配合的時候就不插枝子。這樣,瘦弱的就歸拉班,肥壯的就歸雅各。
43 Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.
於是雅各極其發大,得了許多的羊群、僕婢、駱駝,和驢。

< Bilowgii 30 >