< Bilowgii 26 >

1 Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar.
アブラハムの時にありし最初の饑饉の外に又其國に饑饉ありければイサク、ゲラルに往てペリシテ人の王アビメレクの許にいたれり
2 Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono.
時にヱホバ彼にあらはれて言たまひけるはエジプトに下るなかれ吾汝に示すところの地にをれ
3 Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.
汝此地にとどまれ我汝と共にありて汝を祝まん我是等の國を盡く汝および汝の子孫に與へ汝の父アブラハムに誓ひたる誓言を行ふべし
4 Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;
われ汝の子孫を増て天の星のごとくなし汝の子孫に凡て是等の國を與へん汝の子孫によりて天下の國民皆福祉を獲べし
5 maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii.
是はアブラハムわが言に順ひわが職守とわが誡命とわが憲法とわが律法を守りしに因てなり
6 Isxaaqna wuxuu degganaa Geraar:
イサク乃ちゲラルに居しが
7 oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd.
處の人其妻の事をとへば我妹なりと言ふリベカは觀に美麗かりければ其處の人リベカの故をもて我を殺さんと謂て彼をわが妻と言をおそれたるなり
8 Markuu halkaas wakhti dheer joogay ayaa Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin daaqad ka fiiriyey, oo uu arkay Isxaaq oo naagtiisii Rebeqah la qooqaya.
イサク久しく彼處にをりし後一日ペリシテ人の王アビメレク\牖より望みてイサクが其妻リベカと嬉戲るを見たり
9 Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed.
是に於てアビメレク、イサクを召て言けるは彼は必ず汝の妻なり汝なんぞ吾妹といひしやイサク彼に言けるは恐くは我彼のために死るならんと思たればなり
10 Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd.
アビメレクいひけるは汝なんぞ此事を我等になすや民の一人もし輕々しく汝の妻と寢ることあらんその時は汝罪を我等に蒙らしめんと
11 Markaasaa Abimeleg wuxuu dadkii oo dhan ku amray, oo yidhi, Kii ninkan ama naagtiisa taabta hubaal naftaa laga qaadi doonaa.
アビメレク乃ちすべて民に皆命じて此人と其妻にさはるものは必ず死すべしと言り
12 Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii.
イサク彼地に種播て其年に百倍を獲たりヱホバ彼を祝みたまふ
13 Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn,
其人大になりゆきて進て盛になり遂に甚だ大なる者となれり
14 wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen.
即ち羊と牛と僕從を多く有しかばペリシテ人彼を嫉みたり
15 Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen.
其父アブラハムの世に其父の僕從が掘たる諸の井はペリシテ人之をふさぎて土を之にみてたり
16 Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay.
茲にアビメレク、イサクに言けるは汝は大に我等よりも強大ければ我等をはなれて去れと
17 Markaasaa Isxaaq halkaas ka tegey, oo dooxadii Geraar degay, halkaasuuna joogay.
イサク乃ち彼處をさりてゲラルの谷に天幕を張て其處に住り
18 Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey.
其父アブラハムの世に掘たる水井をイサク茲に復び鑿り其はアブラハムの死たる後ペリシテ人之を塞ぎたればなり斯してイサク其父が之に名けたる名をもて其名となせり
19 Markaasaa addoommadii Isxaaq dooxadii qodeen, oo waxay ka heleen ceel durdur ah.
イサクの僕谷に掘て其處に泉の湧出る井を得たり
20 Markaasaa xoolojirradii reer Geraar la dirireen xoolojirradii Isxaaq, iyagoo leh, Biyaha annagaa leh. Ceelka magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceseq, maxaa yeelay, way la dirireen isagii.
ゲラルの牧者此水は我儕の所屬なりといひてイサクの僕と爭ひければイサク其井の名をエセク(競爭)と名けたり彼等が己と之を競爭たるによりてなり
21 Ceel kalena way qodeen, oo kaasna way kula dirireen, markaasuu magiciisii u bixiyey Sitnah.
是に於て又他の井を鑿しが彼等是をも爭ひければ其名をシテナ(敵)となづけたり
22 Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa.
イサク乃ち彼處より遷りて他の井を鑿けるが彼等之をあらそはざりければ其名をレホボテ(廣塲)と名けて言けるは今ヱホバ我等の處所を廣くしたまへり我等此地を繁衍ん
23 Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac.
斯て彼其處よりベエルシバにのぼりしが
24 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.
其夜ヱホバ彼にあらはれて言たまひけるは我は汝の父アブラハムの神なり懼るるなかれ我汝と偕にありて汝を祝み我僕アブラハムのために汝の子孫を増んと
25 Kolkaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, oo magaca Rabbiga ku baryootamay, halkaas buuna teendhadiisii ka dhisay, markaasaa addoommadii Isxaaq halkaas ceel ka qodeen.
是に於て彼處に壇を築きてヱホバの名を龥び天幕を彼處に張り彼處にてイサクの僕井を鑿り
26 Dabadeedna Abimeleg iyo saaxiibkiis Axusad, iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ayaa Geraar ka tegey oo Isxaaq u kacay.
茲にアビメレク其友アホザテ及び其軍勢の長ピコルと共にゲラルよりイサクの許に來りければ
27 Markaasaa Isxaaq ku yidhi, Maxaad iigu timaadeen, waabad i neceb tihiine, oo aad iska kay erideene?
イサク彼等に言ふ汝等は我を惡み我をして汝等をはなれて去らしめたるなるに何ぞ我許に來るや
28 Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno,
彼等いひけるは我等確然にヱホバが汝と偕にあるを見たれば我等の間即ち我等と汝の間に誓詞を立て汝と契約を結ばんと謂へり
29 inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey.
汝我等に惡事をなすなかれ其は我等は汝を害せず只善事のみを汝になし且汝を安然に去しめたればなり汝はヱホバの祝みたまふ者なり
30 Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen.
イサク乃ち彼等のために酒宴を設けたれば彼等食ひ且飮り
31 Kolkaasay aroor hore kaceen, oo isu dhaardhaarteen: markaasaa Isxaaq iska diray, iyana nabad bay kaga ambabbaxeen.
斯て朝夙に起て互に相誓へり而してイサク彼等を去しめたれば彼等イサクをはなれて安然にかへりぬ
32 Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay.
其日イサクの僕來りて其ほりたる井につきて之に告て我等水を得たりといへり
33 Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac.
即ち之をシバとなづく此故に其邑の名は今日までベエルシバ(誓詞の井)といふ
34 Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed.
エサウ四十歳の時ヘテ人の女ユデテとヘテ人エロンの女バスマテを妻に娶り
35 Kuwaasuna Isxaaq iyo Rebeqah ayay caloolxumo geliyeen.
彼等はイサクとリベカの心の愁煩となれり

< Bilowgii 26 >