< Bilowgii 23 >
1 Saarah waxay noolayd boqol iyo toddoba iyo labaatan sannadood; intaasu waa Saarah cimrigeedii.
Sara akaishi mika mia moja na ishirini na saba. Hii ndiyo ilikuwa ni miaka ya maisha ya Sara.
2 Oo Saarah waxay ku dhimatay Qiryad Arbac, taasoo ah Xebroon, tan ku taal dalka Kancaan: Ibraahimna wuxuu u yimid inuu u baroorto, oo uu u ooyo Saarah.
Sara akafa katika Kiriathi Arba, ambayo ni Hebroni, katika nchi ya Kanaani. Abraham akaomboleza na kumlilia Sara.
3 Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,
Kisha Abraham akainuka na kutoka kwa mkewe aliye kufa, akanena na watoto wa kiume wa Hethi, akisema,
4 Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.
“Mimi ni mgeni kati yenu. Tafadhari nipatieni mahali pa kuzikia miongoni mwenu, ili kwamba niweze kuzika wafu wangu.”
5 Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,
Wana wa Hethi wakamjibu Abraham, wakasema,
6 Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.
“Tusikilize, bwana wangu. Wewe ni mwana wa Mungu miongoni mwetu. Zika wafu wako katika makaburi yetu utakayochagua. Hakuna miongoni mwetu atakaye kuzuilia kaburi lake, kwa ajili ya kuzikia wafu wako.”
7 Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed.
Abraham akainuka na kusujudu chini kwa watu wa nchi ile, kwa wana wa Hethi.
8 Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar,
Akawaambia, akisema, “ikiwa mmekubali mimi kuzika wafu wangu, ndipo nisikilizeni, msihini Efroni mwana wa Sohari kwa ajili yangu.
9 inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah.
Mwambieni aniuzie pango la Makpela, ambalo analimiliki, ambalo liko mwishoni mwa shamba lake. Kwa bei kamili aniuzie waziwazi mbele ya watu kama miliki ya kuzikia.”
10 Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi,
Efroni alikuwa ameketi miongoni mwa wana wa Hethi, hivyo Efroni Mhiti akamjibu Abraham alipowasikia wana wa Hethi, wote ambao walikuwa wamekuja langoni mwa mji wake, akasema,
11 Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso.
“Hapana, bwana wangu, nisikilize. Ninakupatia shamba na pango ambalo limo ndani yake. Ninakupatia mbele ya wana wa watu wangu. Ninakupatia uzike wafu wako.”
12 Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.
Kisha Abraham akasujudu chini mbele ya watu wa nchi ile.
13 Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan.
Akamwambia Efroni watu wa nchi ile wakisikiliza, akasema, ikiwa uko radhi, tafadhari nisikilize. Nitalipia shamba. Chukua fedha kwangu, na nitazika wafu wangu pale.”
14 Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh,
Efroni akamjibu Abraham, akisema,
15 Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso.
“Tafadhari bwana wangu, nisikilize. Kipande cha ardhi kinathamani ya shekeli mia nne za fedha, na hiyo ni kitu gani kati yangu mimi na wewe? wazike wafu wako.”
16 Ibraahimna Cefroon buu maqlay; markaasaa Ibraahim u miisaamay Cefroon lacagtii uu u sheegay, iyadoo ay reer Xeed maqlayaan, oo waxay ahayd, afar boqol oo sheqel oo lacag ah, oo lacagtii baayacmushtarka ku socotay ah.
Abraham akamsikiliza Efroni na akampimia Efroni kiwango cha fedha alizosema mbele ya wana wa Helthi wakisikiliza, shekeli mia nne za fedha, kwa mujibu wa viwango vya vipimo vya kibiashara.
17 Sidaasaa berrinkii Cefroon, oo Makfelah ku yiil, oo Mamre ku hor yiil, berrinkii iyo godkii ku dhex yiil, iyo geedihii ku yiil berrinkii, iyo xuduudkii ku wareegsanaa oo dhanba waxaa lagu xaqiijiyey
Kwa hiyo shamba la Efroni, lililokuwa katika Makpela, mbele ya Mamre, shamba pamoja na pango lililokuwamo ndani yake na miti yote iliyokuwamo ndani ya shamba na iliyokuwa mpakani ikatolewa
18 reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado.
kwa Abraham kwa njia ya manunuzi mbele ya wana wa Hethi, na mbele ya wote waliokuja malangoni pa mji wake.
19 Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil.
Baada ya haya, Abraham akamzika Sara mkewe katika pango la shamba la Makpela, lililo mbele ya Mamre, ambayo ni Hebroni, katika nchi ya Kanaani.
20 Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.
Kwa hiyo shamba pamoja na pango likatolewa na wana wa Hethi kwa Abraham kama milki na eneo la kuzikia.