< Bilowgii 20 >

1 Ibraahimna meeshaas wuu ka sodcaalay oo wuxuu u kacay xagga dhulka Koonfureed, oo wuxuuna degay Qaadeesh iyo Shuur dhexdooda, qariib ahaan buuna Geraar u degay.
Abrahamu anachokako kumeneko napita ku Negevi ndipo anakakhala ku dziko la Gerari, limene lili pakati pa mzinda wa Kadesi ndi mzinda wa Suri. Anakhala ku Gerari kwa kanthawi,
2 Ibraahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.
ndipo Abrahamu ankawawuza za Sara kuti, “Iyeyu ndi mlongo wanga.” Choncho Abimeleki, mfumu wa ku Gerari anamutenga Sara uja.
3 Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.
Koma usiku, Mulungu anafika kwa Abimeleki kutulo nati, “Ufatu iwe chifukwa cha mkazi amene watengayu popeza ndi wokwatiwa.”
4 Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?
Nthawi imeneyi nʼkuti Abimeleki asanamukhudze mkaziyo, kotero kuti anati, “Ambuye, kodi mudzawonongadi mtundu wolungama?
5 Miyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga.
Kodi Abrahamu sanandiwuze kuti iyeyu ndi mlongo wake? Ndiponso mkaziyu ankanena kuti Abrahamu ndi mlongo wake. Choncho ine pochita izi, ndinkachita moona mtima ndiponso mopanda chinyengo.”
6 Oo Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.
Tsono kumaloto komweko Mulungu anati kwa iye, “Inde ndikudziwa kuti wachita izi moona mtima, ndipo Ine sindinafune kuti undichimwire. Nʼchifukwa chake sindinakulole kuti umukhudze.
7 Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.
Tsopano kabwezere mkaziyo kwa mwamuna wake. Iyeyu ndi mneneri, ndipo adzakupempherera kuti ukhale ndi moyo. Koma ukapanda kukamupereka, udziwiretu kuti udzafa pamodzi ndi onse a pa banja pako.”
8 Abimelegna aroor horuu kacay, oo wuxuu u yeedhay addoommadiisii oo dhan, oo waxyaalahan oo dhan buu u sheegay, nimankiina aad iyo aad bay u cabsadeen.
Mmamawa mwake Abimeleki anayitanitsa akuluakulu ake onse, ndipo atawafotokozera zimene zinachitika, iwo aja anachita mantha kwambiri.
9 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.
Kenaka Abimeleki anayitana Abrahamu ndipo anati, “Kodi wachita chiyani? Ndakulakwira chiyani kuti undibweretsere ine pamodzi ndi anthu anga chilango chachikulu chotere? Wandichitira zinthu zimene sizinayenera kuchitika.”
10 Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?
Ndipo Abrahamu anafunsa Abimeleki kuti, “Chifukwa chiyani wachita zimenezi?”
11 Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.
Abrahamu anayankha nati, “Ndinkaganiza kuti kuno kulibiretu munthu woopa Mulungu. Ndiye ndimati mwina adzandipha chifukwa cha mkazi wanga.
12 Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.
Komabe kunena zoona, iyeyu ndi mlongo wangadi, mwana wamkazi wa abambo anga ngakhale kuti si ife a mayi mmodzi. Tsono akhoza kukhala mkazi wanga.
13 Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.
Ndiye pamene Mulungu anati ndichoke ku nyumba ya abambo anga, ndinawuza mkazi wangayu kuti, ‘Kuti uwonetse kuti ndiwe mkazi wokoma mtima, uziwuza anthu kulikonse kumene tingapite kuti ndine mlongo wako.’”
14 Markaasaa Abimeleg wuxuu waday ido iyo dibiyo, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, oo wuxuu siiyey Ibraahim, naagtiisii Saarahna wuu u celiyey.
Tsono Abimeleki anapereka nkhosa, ngʼombe ndi antchito aamuna ndi aakazi kwa Abrahamu. Ndipo anamubwezeranso Abrahamu Sara, mkazi wake.
15 Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.
Tsono Abimeleki anati kwa Abrahamu, “Dziko langa ndi limene ukulionali; ukhale paliponse pamene ufuna.”
16 Saarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.
Ndipo kwa Sara, iye anati, “Ndikumupatsa mlongo wakoyu makilogalamu khumi ndi awiri a siliva kutsimikiza kuti iwe ndi wosalakwa pamaso pa onse amene ali ndi iwe; ulibedi mlandu.”
17 Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.
Tsono Abrahamu anapemphera kwa Mulungu ndipo Mulunguyo anachiritsa Abimeleki, mkazi wake pamodzi ndi adzakazi ake kuti athenso kubereka ana.
18 Waayo, Ilaah wuxuu awday maxalladii kuwa reerka Abimeleg oo dhan, waana Saarah oo ahayd naagtii Ibraahim aawadeed.
Paja Yehova nʼkuti atatseka akazi onse a mʼbanja la Abimeleki kuti asabereke ana chifukwa cha Sara, mkazi wa Abrahamu.

< Bilowgii 20 >