< Bilowgii 19 >

1 Oo labadii malaa'igood baa Sodom fiidkii yimid; Luudna wuxuu fadhiyey iridda Sodom. Oo markuu Luud iyagii arkay ayuu u kacay inuu ka hor tago; wuuna sujuuday oo wejigiisuu dhulka saaray;
Mala’ikun nan biyu suka iso Sodom da yamma. Lot kuwa yana zama a hanyar shiga birnin. Da ya gan su, sai ya tashi don yă tarye su, ya kuma rusuna da fuskarsa har ƙasa.
2 oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, sayidyadaydiiyow, soo leexda, waan idin baryayaaye, oo gala guriga addoonkiinna, oo caawa oo dhan jooga, oo cagamaydha. Aroortii baanad kici doontaan oo iska tegi doontaane. Oo waxay ku yidhaahdeen, Maya; laakiin jidkaannu joogaynaa caawa oo dhan.
Ya ce, “Ranku yă daɗe, ina roƙonku ku ratsa zuwa gidan bawanku. Ku wanke ƙafafunku, ku kwana, sa’an nan ku kama hanyarku da sassafe.” Suka ce, “A’a, za mu kwana a dandali.”
3 Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen.
Amma ya nace musu ƙwarai, sai suka tafi tare da shi, suka kuma shiga gidansa. Ya shirya musu abinci, ya gasa burodi marasa yisti, suka ci.
4 Laakiinse intaanay jiifsan ka hor, waxaa gurigii hareereeyey nimankii magaalada, oo ahaa nimankii Sodom, yar iyo weynba, dadkii oo dhan oo ka yimid meel kastaba;
Kafin suka shiga barci, sai ga dukan mutane, ƙanana da manya daga kowane ɓangare na birnin Sodom, suka kewaye gidan.
5 oo Luud bay u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeye nimankii caawa kuu yimid? Dibadda noogu soo bixi iyaga, aannu fuulnee.
Suka kira Lot, suka ce, “Ina mutanen da suka zo wurinka a daren nan? Fito mana da su waje domin mu kwana da su.”
6 Oo Luudna dibadduu ugu baxay iyagoo albaabka jooga, albaabkiina wuu xidhay.
Lot ya fita daga cikin gida, ya rufe ƙofar a bayansa. Ya je wurin mutanen
7 Oo wuxuu yidhi, Waan idin baryayaaye, walaalahayow, ee wax sidaas u xun ha samaynina.
ya ce musu, “A’a, abokaina kada ku yi wannan mummunan abu.
8 Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga.
Duba, ina da’ya’ya mata biyu waɗanda ba su taɓa sanin namiji ba, bari in kawo muku su ku yi kome da kuke so da su. Amma kada ku taɓa waɗannan mutane, gama su baƙina ne kuma dole in tsare su.”
9 Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan.
Sai mutanen birnin suka amsa, “Ba mu wuri! Wannan mutum ya zo nan kamar baƙo, ga shi yanzu yana so yă zama alƙali! Za mu wulaƙanta ka fiye da su.” Suka ci gaba da matsa wa Lot lamba, suka matsa kusa domin su fasa ƙofar.
10 Laakiinse nimankii baa gacmahoodii soo bixiyey, oo Luud bay gurigii soo gashadeen, markaasay albaabkii xidheen.
Amma mutanen da suke ciki suka miƙa hannunsu, suka ja Lot zuwa cikin gida, suka rufe ƙofar.
11 Wayna indho tireen nimankii guriga albaabkiisa joogay, yar iyo weynba: oo saas daraaddeed way ka daaleen inay albaabkii helaan.
Sai suka bugi mutanen da suke a bakin ƙofar gidan da makanta, ƙanana da manya duka, har suka gajiyar da kansu, suna lalluba inda ƙofar take.
12 Oo nimankii waxay Luud ku yidhaahdeen, Intan mooyaane wax kale ma ku leedahay meeshan? Wiil aad soddog u tahay iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo ku alla kaad magaalada ku leedahay kala soo bax meeshan;
Mutanen nan biyun suka ce wa Lot, “Kana da wani a nan, ko surukai, ko’ya’ya maza ko mata, ko kuwa wani dai a cikin birni wanda yake naka? Ka fitar da su daga nan,
13 waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno.
gama za mu hallaka wannan wuri. Kukan da aka yi ga Ubangiji game da mutanen birnin nan ya yi yawa sosai, ya sa har ya aiko mu domin mu hallaka birnin.”
14 Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya.
Saboda haka Lot ya tafi ya yi magana da surukansa waɗanda suka yi alkawari za su aure’ya’yansa mata. Ya ce, “Ku yi sauri ku fita daga wannan wuri, gama Ubangiji yana gab da hallaka birnin.” Amma surukansa suka ɗauka wasa yake yi.
15 Oo markii waagii beryay ayaa malaa'igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba'daane.
Gari na wayewa, sai mala’ikun nan suka ƙarfafa Lot suna cewa, “Yi sauri! Ka ɗauki matarka da’ya’yanka biyu mata waɗanda suke a nan, don kada a shafe ku sa’ad da ake hukunta birnin.”
16 Laakiin markuu raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda.
Da yana jan jiki, sai mutanen suka kama hannunsa da hannuwan matarsa da na’ya’yansa biyu mata, suka kai su bayan birni, gama Ubangiji ya nuna musu jinƙai.
17 Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye.
Da suka fitar da su, sai ɗaya daga cikin mala’ikun ya ce, “Ku gudu domin ranku; kada ku duba baya, kada kuma ku tsaya ko’ina cikin kwarin! Ku gudu zuwa cikin duwatsu, don kada a hallaka ku!”
18 Luudna wuxuu ku yidhi iyagii, Sayidkaygiiyow, saas yaanay noqon.
Amma Lot ya ce musu, “A’a, ranka yă daɗe, ka yi haƙuri!
19 Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.
Bawanku ya riga ya sami tagomashi daga gare ku, kun kuma nuna mini alheri mai yawa. Ba zan iya in gudu zuwa duwatsu ba, wannan masifa za tă same ni, zan kuma mutu.
20 Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa.
Ga ɗan gari can ya fi kusa inda zan gudu in fake. Bari in gudu zuwa can, in tsirar da raina.”
21 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal eeg, waxanna waan kaa aqbalay inaanan rogi doonin magaaladii aad ka hadashay.
Sai ya ce masa, “Na yarda da abin da ka ce, ba zan hallakar da garin da ka ambata ba.
22 Dhaqso, oo halkaas u baxso; waayo, waxba ma aan samayn karo ilaa aad halkaas tagto. Sidaas daraaddeed magaalada magaceeda waxaa loo bixiyey Socar.
Gaggauta, ka gudu zuwa can, ba zan yi kome ba sai ka isa can.” (Domin haka ne ake kira garin Zowar.)
23 Markii Luud Socar yimid ayaa qorraxdu dhulka u soo baxday.
A lokacin da Lot ya isa Zowar, rana ta hau.
24 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sodom iyo Gomora ku soo daayay baruud iyo dab ka yimid xagga Rabbiga oo samada ka soo daatay;
Sai Ubangiji ya yi ta zuba kibiritu a bisa Sodom da Gomorra daga sama.
25 wuuna rogay magaalooyinkaas, iyo Bannaankii oo dhan, iyo dadkii degganaa magaalooyinkaas oo dhan, iyo wixii dhulka ka soo baxay oo dhan.
Haka ya hallakar da waɗannan birane da kuma kwarinsu gaba ɗaya, haɗe da dukan waɗanda suke zama a biranen, da kuma dukan shuke-shuke da suke cikin ƙasar.
26 Laakiinse naagtiisii oo daba socotay ayaa dib u eegtay, waxayna noqotay tiir cusbo ah.
Amma matar Lot ta waiwaya baya, ta kuma zama ginshiƙin gishiri.
27 Ibraahimna aroortii hore ayuu u kacay meeshii uu Rabbiga hor istaagay:
Da sassafe kashegari, Ibrahim ya tashi ya koma wurin da dā ya tsaya a gaban Ubangiji.
28 oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.
Ya duba ta wajen Sodom da Gomorra, da wajen dukan filayen ƙasar, sai ya ga hayaƙi baƙin ƙirin yana tashi daga ƙasar kamar hayaƙi daga matoya.
29 Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa.
Saboda haka sa’ad da Allah ya hallaka waɗannan biranen kwarin, ya tuna da Ibrahim, ya kuma fitar da Lot daga masifar da ta hallaka biranen da Lot ya zauna.
30 Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogayba; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socar degganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood.
Lot da’ya’yansa biyu mata suka bar Zowar suka kuma zauna a cikin duwatsu, gama ya ji tsoro yă zauna a Zowar. Shi da’ya’yansa biyu mata suka zauna a ciki wani kogo.
31 Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay.
Wata rana’yarsa babba ta ce wa ƙanuwarta, “Mahaifinmu ya tsufa, kuma babu wani mutum kusa a nan da zai yi mana ciki mu haifi’ya’ya; yadda al’ada take a ko’ina a duniya.
32 Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno.
Bari mu sa mahaifinmu yă sha ruwan inabi, sa’an nan sai mu kwana da shi, don kada zuriyar mahaifinmu ta ƙare.”
33 Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona.
A wannan dare, suka sa mahaifinsu ya sha ruwan inabi,’yar farin ta shiga ta kwana da shi. Shi kuwa bai san sa’ad da ta kwanta ko sa’ad da ta tashi ba.
34 Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee.
Kashegari,’yar farin ta ce wa ƙanuwar, “Jiya da dare na kwana da mahaifina. Bari mu sa yă sha ruwan inabi kuma yau da dare, ke ma ki shiga ki kwana da shi, domin kada zuriyar mahaifinmu ta ƙare.”
35 Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona.
Sai suka sa mahaifinsu ya sha ruwan inabi, a wannan dare ma, ƙanuwar ta shiga ta kwana da shi. Bai kuwa san sa’ad da ta kwanta ko sa’ad da ta tashi ba.
36 Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhoodba aabbahood uurka ugu lahaayeen.
Ta haka’ya’yan Lot biyu mata duk suka yi ciki daga mahaifinsu.
37 Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo'aab, isna waa reer Moo'aabka maanta joogo aabbahood.
’Yar farin ta haifi ɗa, ta kuma ba shi suna Mowab, shi ne mahaifin Mowabawa a yau.
38 Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.
’Yar ƙaramar ma ta haifi ɗa, ta kuwa ba shi suna Ben-Ammi, shi ne mahaifin Ammonawa a yau.

< Bilowgii 19 >