< Bilowgii 18 >

1 Oo Rabbigaa u muuqday isaga oo ag jooga dhirtii Mamre, isagoo iridda teendhada fadhiya markii maalinta ugu kululayd.
And Jehovah appeared to him by the oaks of Mamre, as he sat in the tent door in the heat of the day.
2 Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday,
And he lifted up his eyes and looked, and, lo, three men stood by him. And when he saw them, he ran to meet them from the tent door, and bowed himself to the earth,
3 oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.
and said, My lord, if now I have found favor in thy sight, pass not away, I pray thee, from thy servant.
4 Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta:
Let now a little water be fetched, and wash your feet, and rest yourselves under the tree.
5 oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.
And I will fetch a morsel of bread, and strengthen ye your heart. After that ye shall pass on, inasmuch as ye came to your servant. And they said, Do so as thou have said.
6 Ibraahimna dhaqsuu u galay teendhadii, oo Saarah u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Saddex koombo oo bur ah degdeg u diyaari, oo cajiin, oo kibis ka samee.
And Abraham hastened into the tent to Sarah, and said, Make ready quickly three measures of fine meal, knead it, and make cakes.
7 Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey.
And Abraham ran to the herd, and fetched a calf tender and good, and gave it to the servant. And he hastened to dress it.
8 Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.
And he took butter, and milk, and the calf which he had dressed, and set it before them. And he stood by them under the tree, and they ate.
9 Oo waxay ku yidhaahdeen, Meeday bilcantaadii Saarah? Markaasuu yidhi, Waa taa; teendhaday ku jirtaa.
And they said to him, Where is Sarah thy wife? And he said, Behold, in the tent.
10 Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga.
And he said, I will certainly return to thee when the season comes round, and, lo, Sarah thy wife shall have a son. And Sarah heard in the tent door, which was behind him.
11 Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay.
Now Abraham and Sarah were old, and well stricken in age. It had ceased to be with Sarah after the manner of women.
12 Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay?
And Sarah laughed within herself, saying, After I have become old shall I have pleasure, my lord also being old?
13 Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay?
And Jehovah said to Abraham, Why did Sarah laugh, saying, Shall I who am old certainly bear a child?
14 Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.
Is anything too hard for Jehovah? At the set time I will return to thee, when the season comes round, and Sarah shall have a son.
15 Markaasaa Saarah dafirtay oo tidhi, Ma aan qoslin; maxaa yeelay, way cabsatay. Oo isna wuxuu yidhi, Maya, laakiin waad qososhay.
Then Sarah denied, saying, I did not laugh, for she was afraid. And he said, No, but thou did laugh.
16 Nimankiina halkaas way ka kaceen, oo waxay u jeesteen xagga Sodom: Ibraahimna wuu raacay inuu sagootiyo iyaga.
And the men rose up from there, and looked toward Sodom. And Abraham went with them to bring them on the way.
17 Rabbiguna wuxuu yidhi, Miyaan Ibraahim ka qariyaa waxaan samaynayo,
And Jehovah said, Shall I hide from Abraham that which I do,
18 Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?
since Abraham shall surely become a great and mighty nation, and all the nations of the earth shall be blessed in him?
19 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
For I have known him, to the end that he may command his children and his household after him, that they may keep the way of Jehovah, to do righteousness and justice, to the end that Jehovah may bring upon Abraham that which he has spoken of him.
20 Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.
And Jehovah said, Because the cry of Sodom and Gomorrah is great, and because their sin is very grievous,
21 Haddaba waan degi doonaa, oo waxaan arki doonaa inay wada sameeyeen sida qayladu ii soo gaadhay iyo in kale; haddaanay wada samaynna, waan ogaan doonaa.
I will go down now, and see whether they have done altogether according to the cry of it, which comes to me. And if not, I will know.
22 Oo nimankii halkaasay ka noqdeen oo waxay tageen xagga Sodom: laakiinse Ibraahim weli wuxuu hor taagnaa Rabbiga.
And the men turned from there, and went toward Sodom, but Abraham yet stood before Jehovah.
23 Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala?
And Abraham drew near, and said, Will thou consume righteous men with wicked men?
24 Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?
Perhaps there are fifty righteous men within the city. Will thou consume and not spare the place for the fifty righteous men that are in it?
25 Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?
That be far from thee to do after this manner, to slay a righteous man with a wicked man, that so the righteous man should be as the wicked man. Far be it from thee. Shall not the Judge of all the earth do right?
26 Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood.
And Jehovah said, If I find in Sodom fifty righteous men within the city, then I will spare all the place for their sake.
27 Oo Ibraahimna wuu jawaabay oo yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo, anoo ciid iyo dambas ah.
And Abraham answered and said, Behold now, I have taken upon me to speak to the Lord, who am but dust and ashes.
28 Mindhaa kontonka xaqa ah shan baa ka dhiman; miyaad magaalada oo dhan u baabbi'in hadday shanu ka dhiman tahay? Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan meeshaas shan iyo afartan ka helo.
Perhaps there shall lack five of the fifty righteous men. Will thou destroy all the city for lack of five? And he said, I will not destroy it, if I find there forty-five.
29 Kolkaasuu mar kale la hadlay, oo yidhi, Mindhaa waxaa halkaas laga heli afartan. Markaasuu yidhi, Afartanka aawadood ayaanan u baabbi'inayn.
And he spoke to him yet again, and said, Perhaps there shall be forty found there. And he said, I will not do it for the forty's sake.
30 Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, waan la hadlayaaye. Mindhaa waxaa halkaas laga heli soddon. Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan soddon halkaas ka helo.
And he said, Oh let not the Lord be angry, and I will speak. Perhaps there shall be thirty found there. And he said, I will not do it, if I find thirty there.
31 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo: mindhaa waxaa halkaas laga heli labaatan. Markaasuu yidhi, Labaatanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.
And he said, Behold now, I have taken upon me to speak to the Lord. Perhaps there shall be twenty found there. And he said, I will not destroy it for the twenty's sake.
32 Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, oo weli waan la hadlayaaye, waase markan keliya. Mindhaa waxaa halkaas laga heli toban. Wuxuuna yidhi, Tobanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.
And he said, Oh let not the Lord be angry, and I will speak yet but this once. Perhaps ten shall be found there. And he said, I will not destroy it for the ten's sake.
33 Rabbiguna wuu iska tegey markuu Ibraahim la dhammeeyey hadalkii, Ibraahimna meeshiisii buu ku noqday.
And Jehovah went his way as soon as he had left off conversing with Abraham, and Abraham returned to his place.

< Bilowgii 18 >