< Bilowgii 17 >
1 Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.
And when Abram was ninety years old and nine, the LORD appeared to Abram, and said unto him, I am the Almighty God; walk before me, and be you perfect.
2 Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.
And I will make my covenant between me and you, and will multiply you exceedingly.
3 Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,
And Abram fell on his face: and God talked with him, saying,
4 Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.
As for me, behold, my covenant is with you, and you shall be a father of many nations.
5 Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood.
Neither shall your name any more be called Abram, but your name shall be Abraham; for a father of many nations have I made you.
6 Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.
And I will make you exceeding fruitful, and I will make nations of you, and kings shall come out of you.
7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.
And I will establish my covenant between me and you and your seed after you in their generations for an everlasting covenant, to be a God unto you, and to your seed after you.
8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
And I will give unto you, and to your seed after you, the land wherein you are a stranger, all the land of Canaan, for an everlasting possession; and I will be their God.
9 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.
And God said unto Abraham, You shall keep my covenant therefore, you, and your seed after you in their generations.
10 Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.
This is my covenant, which all of you shall keep, between me and you and your seed after you; Every male child among you shall be circumcised.
11 Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.
And all of you shall circumcise the flesh of your foreskin; and it shall be a token of the covenant between me and you.
12 Kii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn.
And he that is eight days old shall be circumcised among you, every male child in your generations, he that is born in the house, or bought with money of any stranger, which is not of your seed.
13 Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.
He that is born in your house, and he that is bought with your money, must essentially be circumcised: and my covenant shall be in your flesh for an everlasting covenant.
14 Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.
And the uncircumcised male child whose flesh of his foreskin is not circumcised, that soul shall be cut off from his people; he has broken my covenant.
15 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.
And God said unto Abraham, As for Sarai your wife, you shall not call her name Sarai, but Sarah shall her name be.
16 Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan.
And I will bless her, and give you a son also of her: yea, I will bless her, and she shall be a mother of nations; kings of people shall be of her.
17 Markaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa?
Then Abraham fell upon his face, and laughed, and said in his heart, Shall a child be born unto him that is an hundred years old? and shall Sarah, that is ninety years old, bear?
18 Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado!
And Abraham said unto God, O that Ishmael might live before you!
19 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.
And God said, Sarah your wife shall bear you a son indeed; and you shall call his name Isaac: and I will establish my covenant with him for an everlasting covenant, and with his seed after him.
20 Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa.
And as for Ishmael, I have heard you: Behold, I have blessed him, and will make him fruitful, and will multiply him exceedingly; twelve princes shall he brought forth, and I will make him a great nation.
21 Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale.
But my covenant will I establish with Isaac, which Sarah shall bear unto you at this set time in the next year.
22 Oo kolkuu hadalkii u dhammeeyey, Ilaah waa ka tegey Ibraahim.
And he left off talking with him, and God went up from Abraham.
23 Markaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga.
And Abraham took Ishmael his son, and all that were born in his house, and all that were bought with his money, every male among the men of Abraham's house; and circumcised the flesh of their foreskin in the very same day, as God had said unto him.
24 Oo Ibraahim wuxuu jiray sagaal iyo sagaashan sannadood markii laga guday buuryadiisii.
And Abraham was ninety years old and nine, when he was circumcised in the flesh of his foreskin.
25 Wiilkiisii Ismaaciilna wuxuu jiray saddex iyo toban sannadood markii buuryadiisii laga guday.
And Ishmael his son was thirteen years old, when he was circumcised in the flesh of his foreskin.
26 Oo isla maalintaas baa la guday Ibraahim iyo wiilkiisii Ismaaciil.
In the very same day was Abraham circumcised, and Ishmael his son.
27 Oo raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.
And all the men of his house, born in the house, and bought with money of the stranger, were circumcised with him.