< Bilowgii 16 >

1 Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar.
To, Saira, matar Abram, ba tă haifa masa’ya’ya ba. Amma tana da wata baiwa mutuniyar Masar mai suna Hagar,
2 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.
saboda haka sai ta ce wa Abram, “Ubangiji ya hana mini haihuwar’ya’ya. Tafi ka kwana da baiwata; wataƙila in sami iyali ta wurinta.” Abram kuwa ya yarda da abin da Saira ta faɗa.
3 Saaray oo ahayd naagtii Aabraam waxay kaxaysay Haagaar tii Masriyadda ahayd, oo midiidinteeda ahayd, markii Aabraam toban sannadood joogay dalkii Kancaan ka dib, oo waxay iyadii siisay ninkeedii Aabraam inay naagtiisii u noqoto.
Saboda haka bayan Abram ya yi zama a Kan’ana shekaru goma, Saira matarsa ta ɗauki Hagar baiwarta ta ba wa mijinta tă zama matarsa.
4 Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay.
Abram kuwa ya kwana da Hagar, ta kuma yi ciki. Sa’ad da Hagar ta gane tana da ciki, sai ta fara rena uwargijiyarta.
5 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo.
Sai Saira ta ce wa Abram, “Kai ne da alhakin wahalan nan da nake sha. Na sa baiwata a hannunka, yanzu da ta sani tana da ciki, sai ta fara rena ni. Bari Ubangiji yă shari’anta tsakanina da kai.”
6 Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda.
Abram ya ce, “Baiwarki tana a hannunki? Ki yi da ita yadda kika ga ya fi kyau.” Sai Saira ta wulaƙanta Hagar; saboda haka ta gudu daga gare ta.
7 Oo malaa'igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur.
Mala’ikan Ubangiji ya sami Hagar kusa da maɓulɓula a jeji, ita ce maɓulɓular da take gefen hanya zuwa Shur.
8 Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa.
Ya kuma ce mata, “Hagar, baiwar Saira, daga ina kika fito, kuma ina za ki?” Ta amsa ta ce, “Ina gudu ne daga wurin uwargijiyata Saira.”
9 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig.
Sai mala’ikan Ubangiji ya ce mata, “Koma wurin uwargijiyarki Saira, ki yi mata biyayya.”
10 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed.
Mala’ikan ya ƙara da cewa, “Zan ƙara zuriyarki har su yi yawan da ba wanda zai iya lasafta su.”
11 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii.
Mala’ikan Ubangiji ya kuma ce mata, “Ga shi kina da ciki za ki kuwa haifi ɗa. Za ki ba shi suna Ishmayel, gama Ubangiji ya ga wahalarki.
12 Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda.
Zai zama mutum mai halin jakin jeji. Hannunsa zai yi gāba da kowa, hannun kowa kuma zai yi gāba da shi. Zai yi zama gāba ga dukan’yan’uwansa.”
13 Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka?
Sai ta ba wa Ubangiji wanda ya yi magana da ita, wannan suna. “Kai Allah ne wanda yake ganina,” gama ta ce, “Yanzu na ga wanda yake ganina.”
14 Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyeyBi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered.
Shi ya sa ake kira rijiyar Beyer-Lahai-Royi tana nan har yanzu, tsakanin Kadesh da Bered.
15 Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil.
Haka fa Hagar ta haifa wa Abram ɗa, Abram kuwa ya ba da suna Ishmayel ga ɗan da ta haifa.
16 Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.
Abram yana da shekaru 86 sa’ad da Hagar ta haifa masa Ishmayel.

< Bilowgii 16 >