< Bilowgii 13 >

1 Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.
Kwa hiyo Abram akaondoka akatoka Misri na akaenda Negebu, Yeye, mke wake, na vyote alivyokuwa navyo. Lutu pia akaenda pamoja naye.
2 Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.
Na sasa Abram alikuwa tajiri wa mifugo, fedha na dhahabu.
3 Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;
Aliendelea na safari yake kutoka Negebu hadi Betheli, mahali ambapo hema yake ilikuwa tangu mwanzo, kati ya Betheli na mji wa Ai.
4 ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.
Akaenda mahali ambapo madhabahu ilikuwa imejengwa mwanzoni. Hapa akaliitia jina la Yahwe.
5 Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.
aliyekuwa anasafiri na Abram, alikuwa pia na ngo'mbe, makundi ya mifugo, na mahema.
6 Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.
Nchi haikuwatosha wote kukaa pamoja karibu kwa sababu mali zao zilikuwa nyingi sana, kiasi kwamba hawakuweza kukaa pamoja.
7 Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.
Pia, kulikuwa na ugomvi kati ya wachunga wanyama wa Abram na wachunga wanyama wa Lutu. Wakanaani pamoja na Waperizi walikuwa wakiishi katika nchi ile wakati huo.
8 Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
Kwa hiyo Abram akamwambia Lutu, “Pasiwe na ugomvi kati yako na mimi, na kati ya wachunga wanyama wako na wachunga wanyama wangu; licha ya hayo sisi ni familia.
9 Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.
Je nchi hii yote haiko mbele yako? Nenda na ujitenge na mi. Ikiwa utakwenda kushoto, mimi nitakwenda kulia. au ikiwa utakwenda kulia, mimi nitakwenda kushoto.”
10 Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
Kwa hiyo Lutu akatazama, na akaona kuwa nchi yote tambarare ya Yorodani ilikuwa na maji kila mahali hadi Zoari, kama vile bustani ya Yahwe, na kama nchi ya Misri. Hii ilikuwa ni kabla Yahwe hajaiangamiza Sodoma na Gomora.
11 Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
Kwa hiyo Lutu akajichagulia yeye mwenyewe nchi tambarare ya Yorodani na akasafiri mashariki, na ndugu hawa wakatengana wao kwa wao.
12 Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.
Abram akaishi katika nchi ya Kanaani, na Lutu akaishi katika miji ya tambarare. Akatandaza hema zake hadi Sodoma.
13 Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.
Na sasa watu wa Sodoma walikuwa waovu na wenye dhambi nyingi dhidi ya Yahwe.
14 Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;
Yahwe akamwambia Abram baada ya Lutu kuondoka kwake, “Angalia kuanzia mahali ulipo simama hadi kaskazini, kusini, mashariki, na magharibi.
15 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.
Nchi yote hii uionayo, nitakupatia wewe pamoja na uzao wako milele.
16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
Nitawafanya uzao wako kuwa wengi kama mavumbi ya nchi, kiasi kwamba kama kuna mtu anaweza kuhesabu mavumbi ya nchi, ndipo na uzao wako pia utahesabika.
17 Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
Inuka, tembea katika urefu na upana wa nchi hii, kwa kuwa nitakupatia.”
18 Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.
Kwa hiyo Abram akachukua hema yake, akaja na kukaa katika mwaloni wa Mamre, ambao uko Hebroni, na pale akajenga Madhabahu ya Yahwe.

< Bilowgii 13 >