< Bilowgii 13 >

1 Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.
アブラム其妻および其有る諸の物と偕にエジプトを出て南の地に上れりロト彼と共にありき
2 Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.
アブラム甚家畜と金銀に富り
3 Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;
彼南の地より其旅路に進てベテルに至りベテルとアイの間なる其以前に天幕を張たる處に至れり
4 ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.
即ち彼が初に其處に築きたる壇のある處なり彼處にアブラム、ヱホバの名を龥り
5 Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.
アブラムと偕に行しロトも羊牛および天幕を有り
6 Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.
其地は彼等を載て倶に居しむること能はざりき彼等は其所有多かりしに縁て倶に居ることを得ざりしなり
7 Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.
斯有かばアブラムの家畜の牧者とロトの家畜の牧者の間に競爭ありきカナン人とペリジ人此時其地に居住り
8 Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
アブラム、ロトに言けるは我等は兄弟の人なれば請ふ我と汝の間およびわが牧者と汝の牧者の間に競爭あらしむる勿れ
9 Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.
地は皆爾の前にあるにあらずや請ふ我を離れよ爾若左にゆかば我右にゆかん又爾右にゆかば我左にゆかんと
10 Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
是に於てロト目を擧てヨルダンの凡ての低地を瞻望みけるにヱホバ、ソドムとゴモラとを滅し給はざりし前なりければゾアルに至るまであまねく善く潤澤ひてヱホバの園の如くエジプトの地の如くなりき
11 Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
ロト乃ちヨルダンの低地を盡く撰とりて東に徙れり斯彼等彼此に別たり
12 Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.
アブラムはカナンの地に住り又ロトは低地の諸邑に住み其天幕を遷してソドムに至れり
13 Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.
ソドムの人は惡くしてヱホバの前に大なる罪人なりき
14 Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;
ロトのアブラムに別れし後ヱホバ、アブラムに言たまひけるは爾の目を擧て爾の居る處より西東北南を瞻望め
15 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.
凡そ汝が觀る所の地は我之を永く爾と爾の裔に與べし
16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
我爾の後裔を地の塵沙の如くなさん若人地の塵沙を數ふることを得ば爾の後裔も數へらるべし
17 Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
爾起て縱横に其地を行き巡るべし我之を爾に與へんと
18 Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.
アブラム遂に天幕を遷して來りヘブロンのマムレの橡林に住み彼處にてヱホバに壇を築けり

< Bilowgii 13 >