< Bilowgii 11 >

1 Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.
And the whole earth was of one language and of one speech.
2 Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.
And it came to pass, as they journeyed east, that they found a plain in the land of Shinar, and they dwelt there.
3 Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.
And they said one to another, Come, let us make brick, and burn them thoroughly. And they had brick for stone, and they had slime for mortar.
4 Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.
And they said, Come, let us build a city for us, and a tower, and its top in the heavens. And let us make a name for us, lest we be scattered abroad upon the face of the whole earth.
5 Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.
And Jehovah came down to see the city and the tower, which the sons of men built.
6 Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.
And Jehovah said, Behold, they are one people, and they have all one language, and this is what they begin to do. And now nothing will be withheld from them, which they propose to do.
7 Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.
Come, let us go down, and there confound their language, that they may not understand each other's speech.
8 Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.
So Jehovah scattered them abroad from there upon the face of all the earth, and they left off building the city.
9 Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
Therefore the name of it was called Babel, because Jehovah there confounded the language of all the earth, and from there Jehovah scattered them abroad upon the face of all the earth.
10 Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.
These are the generations of Shem. Shem was a hundred years old, and begot Arphaxad two years after the flood.
11 Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Shem lived five hundred years after he begot Arphaxad, and begot sons and daughters.
12 Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:
And Arphaxad lived a hundred and thirty-five years, and begot Cainan.
13 Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Arphaxad lived after he had begotten Cainan, four hundred years, and begot sons and daughters, and died. And Cainan lived a hundred and thirty years and begot Shelah; and Cainan lived after he had begotten Shelah, three hundred and thirty years, and begot sons and daughters, and died.
14 Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.
And Shelah lived thirty years, and begot Eber.
15 Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Shelah lived four hundred and three years after he begot Eber, and begot sons and daughters.
16 Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:
And Eber lived thirty-four years, and begot Peleg.
17 Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Eber lived four hundred and thirty years after he begot Peleg, and begot sons and daughters.
18 Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:
And Peleg lived thirty years, and begot Reu.
19 Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Peleg lived two hundred and nine years after he begot Reu, and begot sons and daughters.
20 Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.
And Reu lived thirty-two years, and begot Serug.
21 Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Reu lived two hundred and seven years after he begot Serug, and begot sons and daughters.
22 Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:
And Serug lived thirty years, and begot Nahor.
23 Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Serug lived two hundred years after he begot Nahor, and begot sons and daughters.
24 Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;
And Nahor lived twenty-nine years, and begot Terah.
25 Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
And Nahor lived a hundred and nineteen years after he begot Terah, and begot sons and daughters.
26 Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.
And Terah lived seventy years, and begot Abram, Nahor, and Haran.
27 Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.
Now these are the generations of Terah: Terah begot Abram, Nahor, and Haran. And Haran begot Lot.
28 Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.
And Haran died before his father Terah in the land of his nativity, in Ur of the Chaldees.
29 Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.
And Abram and Nahor took wives to themselves. The name of Abram's wife was Sarai, and the name of Nahor's wife, Milcah, the daughter of Haran, the father of Milcah, and the father of Iscah.
30 Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.
And Sarai was barren; she had no child.
31 Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.
And Terah took Abram his son, and Lot the son of Haran, his son's son, and Sarai his daughter-in-law, his son Abram's wife. And they went forth with them from Ur of the Chaldees, to go into the land of Canaan. And they came to Haran, and dwelt there.
32 Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.
And the days of Terah were two hundred and five years, and Terah died in Haran.

< Bilowgii 11 >