< Bilowgii 10 >

1 Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.
ואלה תולדת בני נח שם חם ויפת ויולדו להם בנים אחר המבול
2 Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
בני יפת--גמר ומגוג ומדי ויון ותבל ומשך ותירס
3 Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah.
ובני גמר--אשכנז וריפת ותגרמה
4 Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim.
ובני יון אלישה ותרשיש כתים ודדנים
5 Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
מאלה נפרדו איי הגוים בארצתם איש ללשנו--למשפחתם בגויהם
6 Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan.
ובני חם--כוש ומצרים ופוט וכנען
7 Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan.
ובני כוש--סבא וחוילה וסבתה ורעמה וסבתכא ובני רעמה שבא ודדן
8 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod: wuxuuna bilaabay inuu noqdo mid dhulka xoog weyn ku leh.
וכוש ילד את נמרד הוא החל להיות גבר בארץ
9 Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa.
הוא היה גבר ציד לפני יהוה על כן יאמר כנמרד גבור ציד לפני יהוה
10 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
ותהי ראשית ממלכתו בבל וארך ואכד וכלנה בארץ שנער
11 Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,
מן הארץ ההוא יצא אשור ויבן את נינוה ואת רחבת עיר ואת כלח
12 iyo Resen oo u dhexeeyey Nineweh iyo Kaalah, (taasuna waxay tahay magaalada weyn).
ואת רסן בין נינוה ובין כלח--הוא העיר הגדלה
13 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim iyo Naftuxiim,
ומצרים ילד את לודים ואת ענמים ואת להבים--ואת נפתחים
14 iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim.
ואת פתרסים ואת כסלחים אשר יצאו משם פלשתים--ואת כפתרים
15 Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo ahaa curadkiisii, iyo Xeed;
וכנען ילד את צידן בכרו--ואת חת
16 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash;
ואת היבוסי ואת האמרי ואת הגרגשי
17 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini;
ואת החוי ואת הערקי ואת הסיני
18 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen.
ואת הארודי ואת הצמרי ואת החמתי ואחר נפצו משפחות הכנעני
19 Oo soohdintii reer Kancaan waxay ka bilaabmaysay Siidoon, markii loo kaco xagga Geraar, ilaa Gaasa, oo markii loo kaco xagga Sodom iyo Gomora iyo Admah iyo Seboyim, ilaa Laashac.
ויהי גבול הכנעני מצידן--באכה גררה עד עזה באכה סדמה ועמרה ואדמה וצבים--עד לשע
20 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Xaam, sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
אלה בני חם למשפחתם ללשנתם בארצתם בגויהם
21 Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.
ולשם ילד גם הוא אבי כל בני עבר--אחי יפת הגדול
22 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.
בני שם עילם ואשור וארפכשד ולוד וארם
23 Wiilashii Araamna waxay ahaayeen Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mash.
ובני ארם--עוץ וחול וגתר ומש
24 Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.
וארפכשד ילד את שלח ושלח ילד את עבר
25 Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
ולעבר ילד שני בנים שם האחד פלג כי בימיו נפלגה הארץ ושם אחיו יקטן
26 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;
ויקטן ילד את אלמודד ואת שלף ואת חצרמות ואת ירח
27 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;
ואת הדורם ואת אוזל ואת דקלה
28 iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa;
ואת עובל ואת אבימאל ואת שבא
29 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
ואת אופר ואת חוילה ואת יובב כל אלה בני יקטן
30 Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari.
ויהי מושבם ממשא באכה ספרה הר הקדם
31 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
אלה בני שם למשפחתם ללשנתם בארצתם לגויהם
32 Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.
אלה משפחת בני נח לתולדתם בגויהם ומאלה נפרדו הגוים בארץ--אחר המבול

< Bilowgii 10 >