< Galatiya 5 >
1 Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.
Ni kwa sababu Kristo alitupa uhuru ili tuwe huru. Hivyo, simameni imara wala msinaswe tena katika kongwa la utumwa.
2 Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.
Tazama, Mimi Paulo, ninawaambia kwamba ikiwa mtatahiriwa, Kristo hatawafaidia kwa njia yoyote ile.
3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.
Tena, namshuhudia kila mwanaume aliyetahiriwa kwamba anapaswa kuwajibika kwa sheria yote.
4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.
Mmetengwa mbali na Kristo, wale wote “mnaohesabiwa haki” kwa sheria. Mmeanguka mbali na neema.
5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.
Maana kwa njia ya Roho, kwa imani tunasubiri ujasiri wa haki.
6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
Katika Kristo Yesu kutahiriwa au kutokutahiriwa hakuna maana yoyote. Ni imani pekee inayofanya kazi kupitia upendo ndiyo humaanisha kitu.
7 Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?
Mlikuwa mnapiga mbio vizuri. Nani aliwazuia kutokuitii kweli?
8 Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya.
Ushawishi wa kufanya hivyo hautoki kwake yeye anayewaita ninyi.
9 In yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa.
Chachu kidogo huathiri donge zima.
10 Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.
Nina matumaini na ninyi katika Bwana kwamba hamtafikiri kwa njia nyingine yoyote. Yeyote yule atakayewapotosha atabeba hukumu yake yeye mwenyewe, yeyote yule.
11 Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.
Ndugu, kama naendelea kutangaza tohara, kwanini bado ninateswa? Kwa suala hilo kile ambacho ni kizuizi cha msalaba kitaweza kuharibiwa.
12 Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.
Ni matakwa yangu kuwa wale wanaowaongoza vibaya watajihasi wenyewe.
13 Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.
Mungu amewaiteni ninyi, ndugu, kwenye uhuru. Ila msiutumie uhuru wenu kama fursa kwa mwili. Badala yake kwa upendo mhudumiane ninyi kwa ninyi.
14 Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
Kwa kuwa sheria yote imekamilika katika amri moja; nayo ni “Ni lazima umpende jirani yako kama wewe mwenyewe.”
15 Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.
Lakini kama mkiumana na kulana, jiangalieni kwamba msijiharibu ninyi kwa ninyi.
16 Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.
Nasema, tembeeni kwa roho, na wala hamtazitimiza tamaa za mwili.
17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.
Kwa kuwa mwili una tamaa kubwa dhidi ya Roho, na Roho ina tamaa kubwa dhidi ya mwili. Hizi zinapingana kila moja na nyingine. Matokeo ni kwamba hamfanyi vitu mnavyotamani kuvifanya.
18 Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.
Lakini kama Roho anawaongoza ninyi, hamko chini ya sheria.
19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,
Sasa matendo ya mwili yanaonekana. Nayo ni uasherati, uchafu, ufisadi,
20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,
ibada ya sanamu, uchawi, uadui, ugomvi, husuda, kuwaka hasira, ushindani, faraka, mgawanyiko wa madhehebu,
21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
wivu, ulevi, ulafi na mambo mengine kama haya. Nawaonya ninyi, kama nilivyowaonya mwanzoni, kwamba wale wanaofanya mambo kama hayo hawataurithi ufalme wa Mungu.
22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,
Lakini tunda la Roho ni upendo, furaha, amani, uvumilivu, ukarimu, utu wema, imani,
23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
upole, na kiasi. Hakuna sheria dhidi ya mambo kama hayo.
24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
Wale walio wa Kristo Yesu wameusulubisha mwili pamoja na shauku na tamaa zao mbaya.
25 Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.
Kama tukiishi kwa Roho, pia tutembee kwa Roho.
26 Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.
Tusiwe wa kujivuna, tusichokozane kila mmoja na mwenzake, wala tusioneane wivu.