< Galatiya 4 >
1 Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,
Now I say, [That] the heir, as long as he is a child, differeth nothing from a servant, though he is lord of all;
2 laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.
But is under tutors and governors until the time appointed by the father.
3 Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;
Even so we, when we were children, were in bondage under the elements of the world:
4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,
But when the fullness of the time was come, God sent forth his Son, born of a woman, born under the law,
5 inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.
To redeem them that were under the law, that we might receive the adoption of sons.
6 Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.
And because ye are sons, God hath sent forth the Spirit of his Son into your hearts, crying, Abba, Father.
7 Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.
Wherefore thou art no more a servant, but a son; and if a son, then an heir of God through Christ.
8 Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.
However then, when ye knew not God, ye did service to them which by nature are no gods.
9 Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?
But now, after ye have known God, or rather are known by God, how turn ye again to the weak and beggarly elements, to which ye desire again to be in bondage?
10 Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado.
Ye observe days, and months, and times, and years.
11 Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.
I am afraid of you, lest I have bestowed upon you labor in vain.
12 Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.
Brethren, I beseech you, be as I am; for I [am] as ye [are]: ye have not injured me at all.
13 Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.
Ye know that in infirmity of the flesh I preached the gospel to you at the first.
14 Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix.
And my temptation which was in my flesh ye despised not, nor rejected; but received me as an angel of God, [even] as Christ Jesus.
15 Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.
What then was the blessedness ye spoke of; for I bear you testimony, that, if [it had been] possible, ye would have plucked out your own eyes, and have given them to me.
16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?
Am I therefore become your enemy because I tell you the truth?
17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.
They zealously affect you, [but] not well; for, they would exclude you, that ye may affect them.
18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya.
But [it is] good to be zealously affected always in [a] good [thing], and not only when I am present with you.
19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.
My little children, of whom I travail in birth again, until Christ be formed in you,
20 Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.
I desire to be present with you now, and to change my voice; for I stand in doubt of you.
21 Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?
Tell me, ye that desire to be under the law, do ye not hear the law?
22 Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.
For it is written, that Abraham had two sons; the one by a bond-maid, the other by a free-woman.
23 Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.
But he [who was] of the bond-woman, was born according to the flesh; but he of the free-woman [was] by promise.
24 Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar.
Which things are an allegory: for these are the two covenants; the one from the mount Sinai, which gendereth to bondage, which is Agar.
25 Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.
For this Agar is mount Sinai in Arabia, and answereth to Jerusalem which now is, and is in bondage with her children.
26 Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen.
But Jerusalem which is above is free, which is the mother of us all.
27 Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.
For it is written, Rejoice, [thou] barren that bearest not; break forth and cry, thou that travailest not: for the desolate hath many more children than she who hath a husband.
28 Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.
Now we, brethren, as Isaac was, are the children of promise.
29 Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.
But as then he that was born according to the flesh persecuted him [that was born] according to the Spirit, even so [it is] now.
30 Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.
Nevertheless, what saith the scripture? Cast out the bond-woman and her son: for the son of the bond-woman shall not be heir with the son of the free-woman.
31 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.
So then, brethren, we are not children of the bond-woman, but of the free.