< Galatiya 2 >

1 Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.
ⲁ̅ⲙⲛ̅ⲛ̅ⲥⲁⲙⲛ̅ⲧⲁϥⲧⲉ ⲟⲛ ⲛ̅ⲣⲟⲙⲡⲉ ⲁⲓ̈ⲃⲱⲕ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲉⲑⲓⲉⲣⲟⲥⲟⲗⲩⲙⲁ ⲙⲛ̅ⲃⲁⲣⲛⲁⲃⲁⲥ. ⲉⲁⲓ̈ϫⲓ ⲙ̅ⲡⲕⲉⲧⲓⲧⲟⲥ ⲛⲙ̅ⲙⲁⲓ̈.
2 Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.
ⲃ̅ⲛ̅ⲧⲁⲓ̈ⲃⲱⲕ ⲇⲉ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲕⲁⲧⲁⲟⲩϭⲱⲗⲡ̅ ⲉⲃⲟⲗ. ⲁⲓ̈ⲕⲱ ⲛⲁⲩ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲙ̅ⲡⲉⲩⲁⲅⲅⲉⲗⲓⲟⲛ ⲉϯⲧⲁϣⲉⲟⲉⲓϣ ⲙ̅ⲙⲟϥ ϩⲛ̅ⲛ̅ϩⲉⲑⲛⲟⲥ. ⲛ̅ⲥⲁⲩⲥⲁ ⲇⲉ ⲛ̅ⲛⲉⲧϫⲱ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲁⲛⲟⲛ ⲡⲉ. ⲙⲏⲡⲱⲥ ⲉⲓ̈ⲡⲏⲧ ⲉⲡⲡⲉⲧϣⲟⲩⲉⲓⲧ. ⲏ̅ ⲛ̅ⲧⲁⲓ̈ⲡⲱⲧ.
3 Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo
ⲅ̅ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲕⲉⲧⲓⲧⲟⲥ ⲉⲧⲛⲙ̅ⲙⲁⲓ̈ ⲉⲩϩⲉⲗⲗⲏⲛ ⲡⲉ. ⲉⲙⲡⲟⲩⲁⲛⲁⲅⲕⲁⲍⲉ ⲙ̅ⲙⲟϥ ⲉⲥⲃ̅ⲃⲏⲏⲧϥ̅
4 walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.
ⲇ̅ⲉⲧⲃⲉⲛⲉⲥⲛⲏⲩ ⲛ̅ⲛⲟⲩϫ ⲛⲁⲓ̈ ⲉⲛⲧⲁⲩⲟϣⲟⲩ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲉⲛⲁⲩ ⲉⲧⲉⲛⲙⲛ̅ⲧⲣⲙ̅ϩⲉ ⲉⲧⲉⲩⲛ̅ⲧⲁⲛⲥ̅ ϩⲙ̅ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅ ⲓ̅ⲥ̅. ϫⲉ ⲉⲩⲉⲁⲁⲛ ⲛ̅ϩⲙ̅ϩⲁⲗ
5 In runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga.
ⲉ̅ⲛⲁⲓ̈ ⲉⲧⲉⲙ̅ⲡⲉⲛϣⲱⲡⲉ ⲛ̅ⲟⲩⲟⲩⲛⲟⲩ ⲛ̅ⲟⲩⲱⲧ ϩⲁⲧⲉⲩϩⲩⲡⲟⲧⲁⲅⲏ ϫⲉ ⲉⲣⲉⲧⲙⲉ ⲙ̅ⲡⲉⲩⲁⲅⲅⲉⲗⲓⲟⲛ ⲙⲟⲩⲛ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲁⲧⲛ̅ⲧⲏⲩⲧⲛ̅.
6 Laakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin.
ⲋ̅ⲉⲃⲟⲗ ⲇⲉ ϩⲛ̅ⲛⲉⲧϫⲱ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲁⲛⲟⲛ ⲡⲉ. ⲛ̅ⲑⲉ ⲉⲧⲟⲩⲟ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ⲛ̅ⲥⲉϫⲓ ⲉⲣⲟⲓ̈ ⲁⲛ. ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲙⲉϥϫⲓϩⲟ ⲛ̅ⲣⲱⲙⲉ. ⲛⲉⲧϫⲱ ⲅⲁⲣ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲁⲛⲟⲛ ⲡⲉ ⲙ̅ⲡⲟⲩ(ⲟⲩ)ⲉϩⲗⲁⲁⲩ ⲉⲣⲟⲓ̈.
7 Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan,
ⲍ̅ⲁⲗⲗⲁ ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲛⲁⲩ ⲛ̅ⲧⲟϥ ϫⲉ ⲁⲩⲧⲁⲛϩⲟⲩⲧ ⲉⲡⲉⲩⲁⲅⲅⲉⲗⲓⲟⲛ ⲛ̅ⲧⲙⲛ̅ⲧⲁⲧⲥⲃ̅ⲃⲉ. ⲕⲁⲧⲁⲑⲉ ⲙ̅ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ⲉⲡⲥⲃ̅ⲃⲉ.
8 waayo, kii Butros kaga dhex shaqeeyey sii uu rasuul ugu ahaado kuwa gudan ayaa anna igaga dhex shaqeeyey sii aan dadka aan Yuhuudda ahayn rasuul ugu ahaado,
ⲏ̅ⲡⲉⲛⲧⲁϥⲉⲛⲉⲣⲅⲉⲓ ⲅⲁⲣ ⲙ̅ⲡⲉⲧⲣⲟⲥ ⲉⲧⲙⲛ̅ⲧⲁⲡⲟⲥⲧⲟⲗⲟⲥ ⲙ̅ⲡⲥⲃ̅ⲃⲉ. ⲁϥⲉⲛⲉⲣⲅⲉⲓ ϩⲱ ⲛⲁⲓ̈ ⲉⲛϩⲉⲑⲛⲟⲥ.
9 oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.
ⲑ̅ⲁⲩⲱ ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲉⲓⲙⲉ ⲉⲡⲉϩⲙⲟⲧ ⲉⲛⲧⲁⲩⲧⲁⲁϥ ⲛⲁⲓ̈ ⲛ̅ϭⲓⲓ̈ⲁⲕⲱⲃⲟⲥ. ⲙⲛ̅ⲕⲏⲫⲁⲥ. ⲙⲛ̅ⲓ̈ⲱϩⲁⲛⲛⲏⲥ ⲛⲉⲧⲟⲩϫⲱ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ⲉⲣⲟⲟⲩ ϫⲉ ⲛⲉⲥⲧⲩⲗⲟⲥ ⲛⲉ. ⲁⲩϯ ⲛⲁⲓ̈ ⲙⲛ̅ⲃⲁⲣⲛⲁⲃⲁⲥ ⲛ̅ϩⲉⲛⲇⲉⲝⲓⲁ ⲛ̅ⲕⲟⲓⲛⲱⲛⲓⲁ. ϫⲉⲕⲁⲁⲥ ⲁⲛⲟⲛ ⲉⲛϩⲉⲑⲛⲟⲥ ⲛ̅ⲧⲟⲟⲩ ⲇⲉ ⲉⲡⲥⲃ̅ⲃⲉ.
10 Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.
ⲓ̅ⲙⲟⲛⲟⲛ ⲛ̅ϩⲏⲕⲉ ϫⲉ ⲛ̅ⲛⲉⲣ̅ⲡⲉⲩⲙⲉⲉⲩⲉ. ⲡⲁⲓ̈ ⲣⲱ ⲡⲉⲛⲧⲁⲓ̈ⲥⲡⲟⲩⲇⲁⲍⲉ ⲉⲣⲟϥ ⲉⲁⲁϥ.
11 Laakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa.
ⲓ̅ⲁ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲉⲕⲏⲫⲁⲥ ⲇⲉ ⲉⲓ ⲉⲧⲁⲛⲧⲓⲟⲭⲓⲁ. ⲁⲓ̈ⲁϩⲉⲣⲁⲧ ⲉⲣⲟϥ ϫⲉ ⲛⲉⲁⲩϭⲛ̅ⲁⲣⲓⲕⲉ ⲉⲣⲟϥ ⲡⲉ.
12 Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya.
ⲓ̅ⲃ̅ⲉⲙⲡⲁⲧⲉϩⲟⲓ̈ⲛⲉ ⲅⲁⲣ ⲉⲓ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲛ̅ⲓ̈ⲁⲕⲱⲃⲟⲥ ⲛⲉϥⲟⲩⲱⲙ ⲡⲉ ⲙⲛ̅ⲛ̅ϩⲉⲑⲛⲟⲥ. ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲉⲓ ⲇⲉ ⲁϥⲥⲉϩⲧϥ̅ ⲁϥⲥⲁϩⲱϥ ⲉⲃⲟⲗ ⲙ̅ⲙⲟⲟⲩ. ⲉϥⲣ̅ϩⲟⲧⲉ ϩⲏⲧⲟⲩ ⲛ̅ⲛⲁⲡⲥⲃ̅ⲃⲉ.
13 Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas.
ⲓ̅ⲅ̅ⲁⲩⲱ ⲁⲩϩⲩⲡⲟⲕⲣⲓⲛⲉ ⲛⲙ̅ⲙⲁϥ ⲛ̅ϭⲓⲡⲕⲉⲥⲉⲉⲡⲉ ⲛ̅ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈. ϩⲱⲥⲧⲉ ⲡⲕⲉⲃⲁⲣⲛⲁⲃⲁⲥ ⲁϥⲃⲱⲕ ϩⲛ̅ⲧⲉⲩϩⲩⲡⲟⲕⲣⲓⲥⲓⲥ.
14 Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?
ⲓ̅ⲇ̅ⲁⲗⲗⲁ ⲛ̅ⲧⲉⲣⲓⲛⲁⲩ ϫⲉ ⲛ̅ⲥⲉⲥⲟⲩⲧⲱⲛ ⲁⲛ ϩⲛ̅ⲧⲙⲉ ⲙ̅ⲡⲉⲩⲁⲅⲅⲉⲗⲓⲟⲛ ⲡⲉϫⲁⲓ̈ ⲛ̅ⲕⲏⲫⲁ ⲙ̅ⲡⲉⲩⲙ̅ⲧⲟ ⲉⲃⲟⲗ ⲧⲏⲣⲟⲩ. ϫⲉ ⲉϣϫⲉⲛ̅ⲧⲟⲕ ⲛ̅ⲧⲕ̅ⲟⲩⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈. ⲉⲕⲙⲟⲟϣⲉ ϩⲱⲥϩⲉⲑⲛⲟⲥ. ϩⲱⲥϩⲓⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲁⲛ. ⲛ̅ⲁϣ ⲛ̅ϩⲉ ⲕⲁⲛⲁⲅⲕⲁⲍⲉ ⲛ̅ⲛ̅ϩⲉⲑⲛⲟⲥ ⲉⲣ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈.
15 Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn,
ⲓ̅ⲉ̅ⲁⲛⲟⲛ ⲫⲩⲥⲓ ⲉⲁⲛⲟⲛϩⲉⲛⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈. ⲉⲁⲛⲟⲛϩⲉⲛⲣⲉϥⲣ̅ⲛⲟⲃⲉ ⲁⲛ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲛ̅ϩⲉⲑⲛⲟⲥ.
16 ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.
ⲓ̅ⲋ̅ⲉⲛⲥⲟⲟⲩⲛ ϫⲉ ⲙ̅ⲡⲣⲱⲙⲉ ⲛⲁⲧⲙⲁⲉⲓⲟ ⲁⲛ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛⲛⲉϩⲃⲏⲩⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ. ⲉⲓⲙⲏⲧⲉⲓ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲛ̅ⲧⲡⲓⲥⲧⲓⲥ ⲛ̅ⲓ̅ⲥ̅ ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅· ⲁⲛϫⲓⲃⲁⲡⲧⲓⲥⲙⲁ ϩⲱⲱⲛ ⲉⲓ̅ⲥ̅ ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅. ϫⲉⲕⲁⲁⲥ ⲉⲛⲉⲧⲙⲁⲉⲓⲟ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲧⲡⲓⲥⲧⲓⲥ ⲙ̅ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅. ⲉⲃⲟⲗ ⲁⲛ ϩⲛ̅ⲛⲉϩⲃⲏⲩⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ. ϫⲉ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲛⲉϩⲃⲏⲩⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲛ̅ⲗⲁⲁⲩ ⲛ̅ⲥⲁⲣⲝ̅ ⲛⲁⲧⲙⲁⲉⲓⲟ.
17 Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!
ⲓ̅ⲍ̅ⲉϣϫⲉⲉⲛϣⲓⲛⲉ ⲇⲉ ⲛ̅ⲥⲁⲧⲙⲁⲉⲓⲟ ϩⲙ̅ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅ ⲛ̅ⲥⲉϩⲉ ⲉⲣⲟⲛ ϩⲱⲱⲛ ⲛ̅ⲣⲉϥⲣ̅ⲛⲟⲃⲉ. ⲁⲣⲁ ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅ ⲡⲇⲓⲁⲕⲟⲛⲟⲥ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲡⲉ ⲛ̅ⲛⲉⲥϣⲱⲡⲉ.
18 Waayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay.
ⲓ̅ⲏ̅ⲉϣϫⲉⲛⲉⲛⲧⲁⲓ̈ϣⲣ̅ϣⲱⲣⲟⲩ ⲅⲁⲣ ⲛⲁⲓ̈ ⲟⲛ ⲛⲉϯⲕⲱⲧ ⲙ̅ⲙⲟⲟⲩ. ϯⲥⲩⲛϩⲓⲥⲧⲁ ⲙ̅ⲙⲟⲓ̈ ⲙ̅ⲡⲁⲣⲁⲃⲁⲧⲏⲥ.
19 Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.
ⲓ̅ⲑ̅ⲁⲛⲟⲕ ⲅⲁⲣ ϩⲓⲧⲛⲟⲩⲛⲟⲙⲟⲥ ⲁⲓ̈ⲙⲟⲩ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲉⲓ̈ⲉⲱⲛϩ̅ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ. ⲁⲩⲥ̅xⲟ̅ⲩ̅ ⲙ̅ⲙⲟⲓ̈ ⲙⲛ̅ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅.
20 Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.
ⲕ̅ⲁⲛⲟⲕ ϭⲉ ϯⲟⲛϩ̅ ⲁⲛ. ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅ ⲇⲉ ⲟⲛϩ̅ ⲛ̅ϩⲏⲧ. ⲑⲉ ⲇⲉ ⲉϯⲟⲛϩ̅ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϩⲛ̅ⲧⲥⲁⲣⲝ̅ ⲉⲉⲓⲟⲛϩ̅ ϩⲛ̅ⲧⲡⲓⲥⲧⲓⲥ ⲙ̅ⲡϣⲏⲣⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲡⲁⲓ̈ ⲉⲛⲧⲁϥⲙⲉⲣⲓⲧ ⲁⲩⲱ ⲁϥⲧⲁⲁϥ ϩⲁⲣⲟⲓ̈.
21 Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.
ⲕ̅ⲁ̅ⲛ̅ϯⲁⲑⲉⲧⲉⲓ ⲁⲛ ⲙ̅ⲡⲉϩⲙⲟⲧ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ. ⲉϣϫⲉⲉⲣⲉⲧⲇⲓⲕⲁⲓⲟⲥⲩⲛⲏ ⲅⲁⲣ ϣⲟⲟⲡ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ̅ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ. ⲉⲓ̈ⲉ ⲛ̅ⲧⲁⲡⲉⲭ̅ⲥ̅ ⲙⲟⲩ ⲉⲡϫⲓⲛϫⲏ·

< Galatiya 2 >