< Cesraa 4 >
1 Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
И услышаша врази Иудины и Вениамини, яко сынове преселения созидают церковь Господу Богу Израилеву,
2 ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.
и приступиша к Зоровавелю и ко князем отечеств и рекоша им: созиждем с вами, понеже, якоже и вы, ищем Бога вашего и Ему мы жрем жертву от дний Асарадана царя Ассурска приведшаго ны семо.
3 Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.
И рече им Зоровавель и Иисус и прочии князи отечеств Израилевых: несть нам и вам создати дом Богу нашему, понеже мы сами особно созиждем Господу Богу нашему, якоже повеле нам Кир царь Персский.
4 Markaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen,
И быша людие земли (тоя) ослабляюще руки людий Иудейских, и препинаху им в созидании,
5 oo waxay u soo kiraysteen taliyayaal si ay qasdigoodii uga xumeeyaan, Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris wakhtigiisii oo dhan, iyo tan iyo xataa dowladnimadii Daariyus oo ahaa boqorkii Faaris.
и наимаху на них советников, да разорят совет их, во вся дни Кира царя Персскаго и даже до царства Дариа царя Персскаго.
6 Oo waagii Ahashwerus boqortooyada qabsaday markii dowladnimadiisu bilaabatay ayay ashtako ka soo qoreen dadkii degganaa Yahuudah iyo Yeruusaalem.
В царство же Ассуира, (иже есть Артаксеркс, ) в начале царства его, написаша свиток на живущих во Иудеи и во Иерусалиме.
7 Oo wakhtigii Artaxshasta ayaa Bishlaam, Mitredaad, Taabeel, iyo saaxiibbadiisii kale arji u soo qoray Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris, oo warqadda farteedu waxay ahayd tan Suuriya, waxaana lagu micneeyey afka Suuriya.
И во дни Арфасафана написа в мире Мифридат и Тавеил со прочими сослужители ко Артаксерксу царю Персскому: написа писмоносец писание Сирским языком и претолковано.
8 Taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa ayaa sidan warqad Yeruusaalem ka gees ah ugu soo qoray Boqor Artaxshasta.
Реум Валтаам и Сампса книгочий написаста послание едино на Иерусалим ко Артаксерксу царю:
9 Markaasaa waxaa qoray taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo saaxiibbadoodii kale oo ahaa reer Diinaayee, iyo reer Afarsatkaayee, iyo reer Tarfelaayee, iyo reer Afaarsaayee, iyo reer Arkewaayee, iyo reer Baabuloon, iyo reer Shuushankaayee, iyo reer Dehaayee, iyo reer Ceelaam,
тако судил Реум Валтаам и Сампса книгочий и прочии сослужителие наши, Динее, Афарсафахее, Тарфалее, Арфасее, Архиее, Вавилоняне, Сусанахее, Савее, Еламите
10 iyo quruumaha intoodii kale oo boqorkii weynaa oo gobta ahaa Aasnafar u soo gudbiyey oo dejiyey magaalada Samaariya iyo dalka intiisa kaloo webiga ka shishaysa iyo wixii la mid ah.
и прочии от язык, ихже преведе Ассенафар великий и преславный и всели их во градех Самарийских и прочих об он пол реки.
11 Kanu waa naqilkii warqaddii ay Boqor Artaxshasta u direen: Dadka webiga ka shisheeya, oo addoommadaada ahu waxay leeyihiin,
Сие есть сказание послания, еже послаша к нему, ко Артаксерксу царю: раби твои, мужие, иже за рекою:
12 Boqorow, bal ogow, in Yuhuuddii kaa soo kacday ay Yeruusaalem noogu yimaadeen, oo ay dhisayaan magaaladii caasiga ahayd oo xumayd, oo derbiyadii way dhammeeyeen, aasaaskiina way hagaajiyeen.
ведомо да будет царю, яко Иудее, иже взыдоша от тебе к нам, приидоша во Иерусалим град отступный и лукавый, егоже созидают: и стены его состроены суть, и основание его возвысиша:
13 Haddaba boqorow bal ogow, in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, ayan iyagu markaas bixin doonin gabbaro, canshuur, amase baad, ugudambaystana boqorraday wax yeeli doontaa.
ныне убо ведомо да будет царю, яко, аще град сей создан будет, и стены его совершатся, дани не будут тебе, ниже (летняго воздаяния) дадут: и сие царем зло творит,
14 Haddaba annagu waxaannu cunnaa cusbada hoygaaga, boqorow, oo naguma habboona inaannu aragno adigoo lagu ciso jebiyey, oo sidaas daraaddeed ayaan kuugu soo cid dirnay oo kuu ogeysiinnay, boqorow,
и посрамощения царева не леть нам видети: сего ради послахом и возвестихом царю,
15 si loo baadho buugaggii taariikhda oo awowayaashaa, oo sidaasaad buugagga taariikhda uga heli doontaa oo u ogaan doontaa in magaaladanu tahay magaalo caasi ah, oo ay u waxyeello badan tahay boqorrada iyo gobolladaba, iyo in iyada waagii hore fallaagada laga kiciyey, oo sababtaas aawadeed baa magaaladan loo dumiyey.
да разсмотрено будет в книзе памятописней отцев твоих, и обрящеши в книзе памятописней и познаеши, яко град он отступный есть и обидящь царей и страны, и убежища слуг бывают посреде его от дний древних, сего ради и град той опустошен есть:
16 Boqorow, waxaannu ku ogeysiinaynaa in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, aadan sababtaas aawadeed waxba qayb ku yeelan doonin inta webiga ka shishaysa.
ведомо убо творим царю, яко, аще град той создан будет и стены его совершатся, то не будет ти мира.
17 Markaasaa boqorkii wuxuu warqad jawaab ah u soo diray taliyihii Rexuum ahaa, iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo intii kaloo saaxiibbadooda ahayd oo Samaariya degganaa, iyo dadkii kaloo webiga shishadiisa degganaa, oo wuxuu yidhi, Nabad iyo wax la mid ahu korkiinna ha ahaadeen.
И посла царь ко Реуму Валтааму и Сампсаю книгочию и ко прочым сослужителем их обитающым в Самарии и прочым за рекою Мир
18 Warqaddii aad noo soo dirteen bayaan ayaa hortayda loogu akhriyey.
и рече: писмоносец, егоже посласте к нам, призван пред мене,
19 Oo anna amar baan bixiyey, oo buugaggii baa la baadhay, oo waxaa la helay in magaaladanu waagii hore boqorro ku kici jirtay, iyo in dhexdeeda lagu caasiyoobi jiray oo lagu fallaagoobi jiray.
и от мене повелено есть, и соглядахом и обретохом, яко град той от дний древних на царей возносится, отступления и убежища бывают в нем:
20 Oo weliba Yeruusaalem waxaa xukumi jiray boqorro xoog badan, oo waxay u talin jireen inta webiga ka shishaysa oo dhan, oo gabbaro, iyo canshuur, iyo baadba waa la siin jiray.
и царие крепцы быша во Иерусалиме и обладаху всею страною, яже за рекою, дани же многи и часть давашеся им:
21 Haddaba idinku waxaad amar ku bixisaan in nimankaasu shuqulka joojiyaan iyo inaan magaaladaas la dhisin ilaa aan amar bixiyo.
и ныне повелите мужем оным престати от дела, и град оный да не созидается ктому:
22 Oo idinku iska jira inaydnaan xaalkaas daynin, waayo, bal maxaa khasaare ugu sii kordhaya in waxyeello boqorrada gaadho?
яко да от повеления сего опасни будете нерадение творити о сем, да не когда умножится погибель на зло царем.
23 Oo markii Boqor Artaxshasta warqaddiisii naqilkeedii lagu hor akhriyey Rexuum iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo saaxiibbadood, haddiiba waxay degdeg ugu tageen Yuhuuddii Yeruusaalem joogtay, oo waxay ku joojiyeen qasab iyo xoog.
Тогда писмоносец Артаксеркса царя прочте свиток пред Реумом Валтаамом и Сампсаем книгочием и сослужителми их: и идоша тщателно во Иерусалим и во Иудею, и удержаша их мышцею сильною.
24 Oo markaasuu joogsaday shuqulkii guriga Ilaah Yeruusaalem ku yaal; oo wuxuu joogsaday ilaa sannaddii labaad oo dowladnimadii Daariyus oo boqorkii Faaris ahaa.
Тогда преста дело дому Божия, еже во Иерусалиме, и не творяшеся даже до лета втораго царства Дариа царя Персскаго.