< Cesraa 2 >

1 Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,
ואלה בני המדינה העלים משבי הגולה אשר הגלה נבוכדנצור (נבוכדנצר) מלך בבל לבבל וישובו לירושלם ויהודה איש לעירו
2 oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
אשר באו עם זרבבל ישוע נחמיה שריה רעליה מרדכי בלשן מספר בגוי--רחום בענה מספר אנשי עם ישראל
3 Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
בני פרעש--אלפים מאה שבעים ושנים
4 reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,
בני שפטיה שלש מאות שבעים ושנים
5 reer Aaraxna toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan,
בני ארח שבע מאות חמשה ושבעים
6 reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo laba iyo toban,
בני פחת מואב לבני ישוע יואב--אלפים שמנה מאות ושנים עשר
7 reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
בני עילם--אלף מאתים חמשים וארבעה
8 reer Satuuna sagaal boqol iyo shan iyo afartan,
בני זתוא תשע מאות וארבעים וחמשה
9 reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,
בני זכי שבע מאות וששים
10 reer Baaniina lix boqol iyo laba iyo afartan,
בני בני שש מאות ארבעים ושנים
11 reer Beebayna lix boqol iyo saddex iyo labaatan,
בני בבי שש מאות עשרים ושלשה
12 reer Casgaadna kun iyo laba boqol iyo laba iyo labaatan,
בני עזגד--אלף מאתים עשרים ושנים
13 reer Adoniiqaamna lix boqol iyo lix iyo lixdan,
בני אדניקם--שש מאות ששים וששה
14 reer Bigwayna laba kun iyo lix iyo konton,
בני בגוי אלפים חמשים וששה
15 reer Caadiinna afar boqol iyo afar iyo konton,
בני עדין ארבע מאות חמשים וארבעה
16 reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,
בני אטר ליחזקיה תשעים ושמנה
17 reer Beesayna saddex boqol iyo saddex iyo labaatan,
בני בצי שלש מאות עשרים ושלשה
18 reer Yooraahna boqol iyo laba iyo toban,
בני יורה מאה ושנים עשר
19 reer Xaashumna laba boqol iyo saddex iyo labaatan,
בני חשם מאתים עשרים ושלשה
20 reer Gibbaarna shan iyo sagaashan,
בני גבר תשעים וחמשה
21 reer Beytlaxamna boqol iyo saddex iyo labaatan,
בני בית לחם מאה עשרים ושלשה
22 reer Netofaahna lix iyo konton,
אנשי נטפה חמשים וששה
23 reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan,
אנשי ענתות מאה עשרים ושמנה
24 reer Casmaawedna laba iyo afartan,
בני עזמות ארבעים ושנים
25 reer Qiryad Caariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'irodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
בני קרית ערים כפירה ובארות שבע מאות וארבעים ושלשה
26 reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,
בני הרמה וגבע שש מאות עשרים ואחד
27 reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
אנשי מכמס מאה עשרים ושנים
28 reer Beytel iyo reer Aaciina laba boqol iyo saddex iyo labaatan,
אנשי בית אל והעי מאתים עשרים ושלשה
29 reer Nebona laba iyo konton,
בני נבו חמשים ושנים
30 reer Magbiishna boqol iyo lix iyo konton,
בני מגביש מאה חמשים וששה
31 reer Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
בני עילם אחר--אלף מאתים חמשים וארבעה
32 reer Haarimna saddex boqol iyo labaatan,
בני חרם שלש מאות ועשרים
33 reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo shan iyo labaatan,
בני לד חדיד ואונו שבע מאות עשרים וחמשה
34 reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,
בני ירחו שלש מאות ארבעים וחמשה
35 reer Senaacaahna saddex kun iyo lix boqol iyo soddon.
בני סנאה--שלשת אלפים ושש מאות ושלשים
36 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan,
הכהנים בני ידעיה לבית ישוע תשע מאות שבעים ושלשה
37 reer Immeerna kun iyo laba iyo konton,
בני אמר אלף חמשים ושנים
38 reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
בני פשחור--אלף מאתים ארבעים ושבעה
39 reer Haarimna kun iyo toddoba iyo toban.
בני חרם אלף ושבעה עשר
40 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.
הלוים בני ישוע וקדמיאל לבני הודויה שבעים וארבעה
41 Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan.
המשררים--בני אסף מאה עשרים ושמנה
42 Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay, kulligood waxay isku ahaayeen boqol iyo sagaal iyo soddon.
בני השערים בני שלום בני אטר בני טלמן בני עקוב בני חטיטא בני שבי--הכל מאה שלשים ותשעה
43 Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,
הנתינים בני ציחא בני חשופא בני טבעות
44 iyo reer Qeeros, iyo reer Siicahaa, iyo reer Faadoon,
בני קרס בני סיעהא בני פדון
45 iyo reer Lebaanaah, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Caquub,
בני לבנה בני חגבה בני עקוב
46 iyo reer Xagaab, iyo reer Shalmay, iyo reer Xaanaan,
בני חגב בני שמלי (שלמי) בני חנן
47 iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar, iyo reer Re'aayaah,
בני גדל בני גחר בני ראיה
48 iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa, iyo reer Gasaam,
בני רצין בני נקודא בני גזם
49 iyo reer Cuusaa, iyo reer Faasee'ax, iyo reer Beesay,
בני עזא בני פסח בני בסי
50 iyo reer Asnaah, iyo reer Mecuuniim, iyo reer Nefuusiim,
בני אסנה בני מעונים בני נפיסים (נפוסים)
51 iyo reer Baqbuuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur,
בני בקבוק בני חקופא בני חרחור
52 iyo reer Basluud, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa,
בני בצלות בני מחידא בני חרשא
53 iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,
בני ברקוס בני סיסרא בני תמח
54 iyo reer Nesiyax, iyo reer Xatiifaa.
בני נציח בני חטיפא
55 Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Hasofered, iyo reer Feruudaa,
בני עבדי שלמה בני סטי בני הספרת בני פרודא
56 iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel,
בני יעלה בני דרקון בני גדל
57 iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim iyo reer Aamii.
בני שפטיה בני חטיל בני פכרת הצביים-- בני אמי
58 Reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.
כל הנתינים--ובני עבדי שלמה שלש מאות תשעים ושנים
59 Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addaan, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii iyo jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,
ואלה העלים מתל מלח תל חרשא כרוב אדן אמר ולא יכלו להגיד בית אבותם וזרעם--אם מישראל הם
60 oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo konton.
בני דליה בני טוביה בני נקודא--שש מאות חמשים ושנים
61 Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay.
ומבני הכהנים--בני חביה בני הקוץ בני ברזלי אשר לקח מבנות ברזלי הגלעדי אשה ויקרא על שמם
62 Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.
אלה בקשו כתבם המתיחשים--ולא נמצאו ויגאלו מן הכהנה
63 Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha quduuska ah wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.
ויאמר התרשתא להם אשר לא יאכלו מקדש הקדשים--עד עמד כהן לאורים ולתמים
64 Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,
כל הקהל כאחד--ארבע רבוא אלפים שלש מאות ששים
65 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya.
מלבד עבדיהם ואמהתיהם אלה--שבעת אלפים שלש מאות שלשים ושבעה ולהם משררים ומשררות מאתים
66 Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon; baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,
סוסיהם שבע מאות שלשים וששה פרדיהם מאתים ארבעים וחמשה
67 geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.
גמליהם--ארבע מאות שלשים וחמשה חמרים--ששת אלפים שבע מאות ועשרים
68 Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso.
ומראשי האבות בבואם לבית יהוה אשר בירושלם--התנדבו לבית האלהים להעמידו על מכונו
69 Iyagu intay awoodeen ayay khasnaddii shuqulka siiyeen kow iyo lixdan kun oo dirham oo dahab ah, iyo shan kun oo mina oo lacag ah, iyo boqol khamiis oo ah dhar wadaadood.
ככחם נתנו לאוצר המלאכה זהב דרכמונים שש רבאות ואלף וכסף מנים חמשת אלפים וכתנת כהנים מאה
70 Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.
וישבו הכהנים והלוים ומן העם והמשררים והשוערים והנתינים--בעריהם וכל ישראל בעריהם

< Cesraa 2 >