< Cesraa 10 >

1 Haddaba intii Cesraa tukanayay oo uu wax qiranayay isagoo ooyaya oo isku tuuraya guriga Ilaah hortiisa, waxaa isagii reer binu Israa'iil uga soo ururay shir aad u weyn oo rag iyo dumar iyo carruurba leh, waayo, dadkii aad bay u ooyeen.
Wakati Ezra akiomba na kutubu, akalia na kujirusha chini mbele ya nyumba ya Mungu, kusanyiko kubwa la wanaume Israel, wanawake na watoto wakakusanyika kwake, kwa kuwa watu walikuwa wakilia sana.
2 Oo Shekaanyaah oo ahaa ina Yexii'eel oo ahaa reer Ceelaam wuxuu u jawaabay Cesraa, oo ku yidhi, Annagu waxaannu ku xadgudubnay Ilaahayo, oo naago qalaad ayaannu ka guursannay dadyowgii dalka; laakiinse reer binu Israa'iil weli waxay leeyihiin rajo xaalkan ku saabsan.
Shekania mtoto wa Yehieli, mwana wa Elamu akamwambia Ezra, “Tumekuwa sio waaminifu kwa Mungu na tumeoa wanawake wa kigeni kutoka nchi nyingine. Lakini pamoja na hilo, bado kuna tumaini kwa Israel.
3 Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.
sasa natuweke agano pamoja na Mungu wetu kuwaondoa wanawake wote na watoto wao kulingana na maelekezo ya Bwana, na maelekezo ya wale wanaotetemeka kutokana na amri za Mungu wetu. na hii ifanyike kutokana na sheria.
4 Haddaba kac, waayo, xaalkan adiguu ku dul saaran yahay, oo annana waannu kula jirnaa; si wanaagsan u dhiirranow, oo samee.
Simama, jambo hili linakuhusu wewe, na sisis tuko pamoja na wewe, Uwe imara na kufanya hili.
5 Markaasaa Cesraa kacay oo wuxuu wadaaddadii sare iyo reer Laawi iyo reer binu Israa'iil oo dhan ku wada dhaariyey inay sameeyaan sida eraygaasu leeyahay. Oo iyana saasay ku wada dhaarteen.
Hivyo Ezra akasimama na kufanya makuhani na walawi na waisrael wote wakaahidi kufanya kwa njia hiyo. Hivyo wote wakatoa kiapo.
6 Markaasaa Cesraa ka kacay gurigii Ilaah hortiisa, oo wuxuu galay qolkii Yehooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib, oo markuu halkaas yimid waxba kibis ma uu cunin, biyona ma uu cabbin, waayo, wuxuu u baroortay xadgudubkii ay sameeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
Ndipo Ezra akainuka kutoka mbele ya nyumba ya Mungu na kwenda kwenye chumba ya Yehohanani mtoto wa Eliashibu, Yeye hakula mkate au kunywa maji. Tangu alipokuwa akiomboleza kuhusiana na wale wenye imani haba waliokuwa uhamishoni.
7 Markaasay ka dhex naadiyeen dalka reer Yahuudah iyo Yeruusaalem oo ogeysiis gaadhsiiyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan inay dhammaantood Yeruusaalem ku soo wada ururaan.
Hivyo wakatuma neno katika Yuda na Yerusalem kwa watu wote waliorudi kutoka utumwani kukusanyika Yerusalem.
8 Oo waxay yidhaahdeen, Ku alla kii aan intii saddex maalmood ah iman, sida ay ku taliyeen amiirrada iyo odayaashu, maalkiisa oo dhan waa laga xaaraamayn doonaa, oo isaga qudhiisana gooni baa looga sooci doonaa ururka dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
Yeyote ambaye hakuja katika siku tatu kutokana na maelekezo kutoka kwa wakuu na viongozi atachukuliwa mali zote na atatengwa na kusanyiko kuu la watu ambao walikuja kutoka uhamisho.
9 Markaasaa raggii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhammu intii saddex maalmood ah ku soo wada urureen Yeruusaalem, oo taasu waxay ahayd bishii sagaalaad maalinteedii labaatanaad, kolkaasaa dadkii oo dhammu wuxuu fadhiistay bannaankii guriga Ilaah hortiisa ahaa, iyagoo gariiraya xaalkan aawadiis iyo roobkii weynaa daraaddiis.
Hivyo watu wote wa Yuda na Benjamini wakakusanyika Yerusalem kwa siku tatu. Ilikuwa ni mwezi wa tisa na siku ya ishirini ya mwezi. watu wote wakasimama mbele ya nyumba ya Mungu na wakatetemeka kwa sababu ya neno na mvua.
10 Markaasaa waxaa istaagay wadaadkii Cesraa ahaa oo wuxuu dadkii ku yidhi, Idinku waad xadgudubteen oo waxaad guursateen naago qalaad, oo sidaasaad reer binu Israa'iil xujada ugu sii kordhiseen.
Ezra kuhani akasimama na kusema, “Ninyi wenyewe mmefanya uasi, ninyi mmeishi na wanawake wa kigeni na kuongeza makosa ya Israel.
11 Haddaba sidaas daraaddeed dembigiinna u qirta Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo sameeya wax isaga ka farxiya; oo gooni isaga sooca dadyowga dalka deggan, iyo naagaha qalaadba.
Lakini sasa mpeni sifa Yahwe, Mungu wa watangulizi wenu, na mfanye mapenzi yake, mjitenge na watu wa nchi na wanawake wa kigeni.
12 Markaasaa ururkii oo dhammu isku mar jawaabeen oo cod dheer ku yidhaahdeen, Waa inaannu samaynaa sidaad xaalkayaga ka tidhi.
Kusanyiko lote likajibu kwa sauti. “Tutatenda kama ulivyosema,
13 Laakiinse dadku wuu badan yahay, oo wakhtiganna waxaa jira roob badan, oo annana dibadda ma taagnaan karno, tanuna ma aha shuqul lagu qaban karo maalin iyo laba toona, waayo, annagu xaalkan aad baannu ugu xadgudubnay.
haijalishi, kuna watu wengi na ni kipindi cha mvua. Hatuna nguvu ya kusimama nje na hii si siku moja au mbili za kufanya kazi, kwa kuwa tumekosea katika jambo hili.
14 Haddaba amiirradayadu ururka oo dhan ha isu taageen oo kulli inta naagaha qalaad guursatay oo magaalooyinkayaga jooga oo dhammu wakhti la ballamay ha yimaadeen, oo iyaga ha soo raaceen magaalo kasta odayaasheeda iyo xaakinnadeedu, jeeray cadhada kulul oo Ilaahayo ee xaalkan ku saabsan naga rogmato.
Hivyo wakuu wetu wawakilishe kusanyiko lote, iwe kwamba wote walioruhusu wanawake wa kigeni kuishi katika miji yetu waje katika muda uliopangwa na viongozi wa mji na waamuzi wa mji hadi hapo hasira ya Mungu itakapoondoka kutoka kwetu.
15 Laakiinse xaalkan waxaa keliyahu hor istaagay Yoonaataan ina Casaaheel iyo Yaxaasyaah ina Tiqwaah; waxaana caawiyey Meshullaam iyo Shabbetay oo ahaa reer Laawi.
Yonathan mtoto Asaheli na Yazeya mwana wa Tikwa wakapinga hili, Meshulamu na Shabethai mlawi wakawaunga mkono wao.
16 Oo dadkii maxaabiisnimada ka soo noqdayna saasay yeeleen. Oo waxaa gooni ahaan loo soocay wadaadkii Cesraa ahaa, iyo kuwo madax ah oo ka socda qolooyinkoodii, oo kulligoodna magacyadooda loogu wada yeedhay, oo iyana bishii tobnaad maalinteedii kowaad ayay u fadhiisteen inay xaalkan soo baadhaan.
Hivyo watu waliotoka uhamishoni wakafanya hivi, Ezra kuhani akachagua wanaume, viongozi watamgulizi wa ukoo na nyumba, wao wote kwa majina na wakaliangalia suala hili siku ya kwanza ya mwezi wa kumi.
17 Oo waxay xaalka ku saabsan raggii naagaha qalaad guursaday oo dhan dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii kowaad.
Siku ya kwanza ya mwezi wa kwanza wakawa wamemaliza kuchunguza wale wanaume walioishi na wanawake wa kigeni.
18 Oo wiilashii wadaaddada waxaa laga dhex helay kuwo naago qalaad guursaday; waxayna ahaayeen wiilashii Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq iyo walaalihiis oo ahaa Macaseeyaah, iyo Eliiceser, iyo Yaariib iyo Gedalyaah.
Miongoni mwa wana wa kikuhani kuna wale walioishi na wanawake wa kigeni. Miongoni mwa wana wa Yoshua mtoto wa Yosadaki na kaka zake ambao walikuwa Maasela, Eliazeri, na Yaribu na Gedalia.
19 Oo iyana waxay gacantooda ku dhiibeen oo ku ballanqaadeen inay naagahooda eryaan, oo iyagoo xujo leh waxay xujadooda ugu bixiyeen wan idaha laga soo qabtay.
Hivyo wakaamua kuwaondoa wake zao. kwa kuwa walikuwa na makosa, wakatoa sadaka ya kondoo kwenye mifugo kwa ajili ya makosa yao.
20 Wiilashii Immeerna waxaa laga helay Xanaanii iyo Sebadyaah.
Miongoni mwa wana wa Imeri, Hanani, na Zebadia.
21 Wiilashii Xaarimna, Macaseeyaah, iyo Eliiyaah, iyo Shemacyaah, iyo Yexii'eel, iyo Cusiyaah.
Miongoni mwa wana wa Harimu, Maaseya, na Eliya na Shemaya, na Yehieli na Uzia.
22 Wiilashii Fashxuurna, Eliyooceenay, iyo Macaseeyaah, iyo Ismaaciil, iyo Netaneel, iyo Yoosaabaad, iyo Elcaasaah.
Miongoni mwa wana wa Pashuri, Elasa
23 Oo reer Laawina, Yoosaabaad, iyo Shimcii, iyo Qeelaayaah (kaasu waa Qeliitaa), iyo Fetaxyaah, iyo Yahuudah, iyo Eliiceser.
Miongoni mwa walawi: Yozabadi na Shimei na Kelaya (ndiye Kelita) na Pethaia, na Yuda na Eliezeri. Miongoni mwa waimbaji Eliashibu na. Miongoni mwa walinzi Shalumu, Telemu na Uri.
24 Raggii gabayaaga ahaana waxaa laga helay Eliyaashiib; irid-dhawryadiina waxaa laga helay Shalluum, iyo Telem, iyo Uurii.
Miongoni mwa Israel waliobaki -
25 Oo reer binu Israa'iilna waxaa laga helay wiilashii Farcosh oo ahaa Ramyaah, iyo Yisyaah, iyo Malkiiyaah, iyo Miyaamin, iyo Elecaasaar, iyo Malkiiyaah, iyo Benaayaah.
Miongoni mwa wana wa Paroshi, Ramia na Izia na Malkiya na Miyamini na Eliazari na Malkiya na Benaya
26 Wiilashii Ceelaamna, Matanyaah, iyo Sekaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Cabdii, iyo Yereemood, iyo Eliiyaah.
Miongoni mwa wana wa Elamu Mataniana Zekaria, na yeehieli, na Abdi na Yeremothi na Eliya.
27 Wiilashii Satuuna, Eliyooceenay, iyo Eliyaashiib, iyo Matanyaah, iyo Yereemood, iyo Saabaad, iyo Casiisaa.
Miongoni mwa wana wa Zatu: Elionai, na Eliashibu, na Matania na Yeremothi na Zabadi na Aziza.
28 Wiilashii Beebayna, Yehooxaanaan, iyo Xananyaah, iyo Sabbay, iyo Catlay.
Miongoni mwa wana wa Bebai Yehohanani, na Hanania na Zakai na Athlai.
29 Wiilashii Baaniina, Meshullaam, iyo Malluug, iyo Cadaayaah, iyo Yaashuub, iyo She'aal, iyo Yereemood.
Miongoni mwa wana wa bani: Meshulami na Maluki, na Adaya na Yashubu na Sheali na Yeremothi.
30 Wiilashii Faxad Moo'aabna, Cadnaa, iyo Kelaal, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matanyaah, iyo Besaleel, iyo Binnuwii, iyo Manaseh.
Miongoni mwa wana wa Pahath-Moabu, Adna, na kelali, na Benaya na Maaseya, na Matania, na Besaleli na Binti na Manase.
31 Wiilashii Haarimna, Eliiceser, iyo Yishiyaah, iyo Malkiiyaah, iyo Shemacyaah, iyo Shimcoon,
Na miongoni mwa wana wa Harimu: Eliezeri na Ishiya, na Malkiya na Shemaya na Shimeoni, na
32 Benyaamiin, iyo Malluug, iyo Shemaryaah.
Benyamini na Maluki na Shemaria
33 Wiilashii Xaashumna, Matenay, iyo Matataah, iyo Saabaad, iyo Eliifeled, iyo Yereemay, iyo Manaseh, iyo Shimcii.
Miongoni mwa wana Hashumu: Matenai, na Matatana Zabadi, na Elifereti na Yeremai, na Manase, na Shimei.
34 Wiilashii Baaniina, Macaday, iyo Camraam, iyo Uu'eel,
Miongoni mwa wana wa Bani: Maadai, na Amramu na Aueli, na
35 iyo Benaayaah, iyo Beedyaah, iyo Keluux,
Benaya, na Bedeya na Keluhi, na
36 iyo Wanyaah, iyo Mereemood, iyo Eliyaashiib,
wania, na Meremothi, Eliashibu,
37 iyo Matanyaah, iyo Matenay, iyo Yacasay,
Matania, na Matenai. na
38 iyo Baanii, iyo Binnuwii, iyo Shimcii,
Yaasi. Miongoni mwa wana wa Binui: Shimei,
39 iyo Shelemyaah, iyo Naataan, iyo Cadaayaah,
Sheremia, na Nathani, na Adaya, na
40 Maknadbay, iyo Shaashay, iyo Shaaray,
Maknadebai, na Shashai, na Sharai
41 iyo Casareel, iyo Shelemyaah, iyo Shemaryaah,
Azareri, na Sheremia, na Shemaria, na
42 iyo Shalluum, iyo Amaryaah, iyo Yuusuf.
Shalumu, na Amaria, na Yusufu.
43 Wiilashii Nebona, Yecii'eel, iyo Matityaah, iyo Saabaad, iyo Sebiinaa, iyo Iddo, iyo Yoo'eel, iyo Benaayaah.
Miongoni wa wana wa Nebo: Yeieli, na Mathiana zabadi, na Zebina, na Ido, na Yoeli na Benaya.
44 Oo kulli intaasoo dhammu waxay wada guursadeen naago qalaad, oo qaarkood waxay qabeen naago ay carruur ka dhaleen.
Hawa wote walikuwa wameoa wanawake wa kigeni na walikuwa wamezaa watoto baadhi yao.

< Cesraa 10 >