< Yexesqeel 7 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
ヱホバの言また我にのぞみて言ふ
2 Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dalka reer binu Israa'iil ku leeyahay, Waa kaa dhammaadkii, dalka afartiisa geesood dhammaadkii baa gaadhay.
汝人の子よ主ヱホバかくいふイスラエルの地の末期いたる此國の四方の境の末期來れり
3 Dhammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan.
今汝の末期いたる我わが忿怒を汝に洩らし汝の行にしたがひて汝を鞫き汝の諸の憎むべき物のために汝を罰せん
4 Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
わが目は汝を惜み見ず我なんぢを憫まず汝の行の爲に汝を罰せん汝のなせし憎むべき事の報汝の中にあるべし是によりて汝等はわがヱホバなるを知らん
5 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye!
主ヱホバかくいひ給ふ視よ災禍あり非常災禍きたる
6 Dhammaad baa yimid, dhammaadkii waa yimid, bal eeg, wuu kugu soo toosayaa, oo haddana waa soo socdaaye!
末期きたる其末期きたる是起りて汝に臨む視よ來る
7 Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.
此地の人よ汝の命數いたる時いたる日ちかし山々には擾亂のみありて喜樂の聲なし
8 Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.
今我すみやかに吾憤恨を汝に蒙らせわが怒氣を汝に洩しつくし汝の行爲にしたがひて汝を鞫き汝の諸の憎むべきところの事のために汝を罰せん
9 Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.
わが目は汝を惜み見ず我汝をあはれまず汝の行のために汝を罰せん汝の爲し憎むべき事の果報汝の中にあるべし是によりて汝等は我ヱホバの汝を撃なるを知ん
10 Bal maalinta eega, bal eega way imanaysaa, masiibadaadii waa soo baxday, ushii way magooshay, oo kibir waa ubxiyey.
視よ日きたる視よ來れり命數いたりのぞむ杖花咲き驕傲茁す
11 Dulmigii wuxuu u kacay sidii ul shareed. Midkoodna ma hadhi doono badnaantooda iyo maalkooda badan toona, oo looma barooran doono.
暴逆おこりて惡の杖と成る彼等もその群衆もその驕奢も皆失んかれらの中には何も殘る者なきにいたるべし
12 Wakhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.
時きたる日ちかづけり買者は喜ぶなかれ賣者は思ひわづらふなかれ怒その群衆におよぶべければなり
13 Waayo, kan wax iibiyey uma uu soo noqon doono wixii uu iibiyey in kastoo uu weli kuwa noolnool ku dhex jiro, waayo, waxyaalihii la tusay waxay ku saabsan yihiin dadkooda badan oo dhan, oo midkoodna innaba sooma noqon doono, xumaanta noloshiisana kuma xoogaysan doono.
賣者は假令その生命ながらふるともその賣たる者に歸ることあたはじ此地の全の群衆をさすところの預言は廢らざるべければなり其惡の中にありて生命を全うする者なかるべし
14 Turumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.
人衆ラツパを吹て凡て預備をなせども戰にいづる者なし其はわが怒その全の群衆におよべばなり
15 Seeftii dibadday joogtaa, oo belaayadii iyo abaartiina gudahay ku jiraan. Kii berrinka joogaa seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada joogaana abaar iyo belaayo ayaa baabbi'in doona.
外には劍あり内には疫病と饑饉あり田野にをる者は劍に死なん邑の中にをる者は饑饉と疫病これをほろぼすべし
16 Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.
その中の逃るる者は逃れて谷の鴿のごとくに山の上にをりて皆その罪のために悲しまん
17 Gacmaha oo dhammu way taag gabi doonaan, oo jilbaha oo dhammuna sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan.
手みな弱くなり膝みな水となるべし
18 Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.
彼等は麻の衣を身にまとはん恐懼かれらを蒙まん諸の面には羞あらはれ諸の首は髮をそりおとされん
19 Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.
彼等その銀を街にすてん其金はかれらに塵芥のごとくなるべしヱホバの怒の日にはその金銀もかれらを救ふことあたはざるなり是等はその心魂を滿足せしめず其腹を充さず唯彼等をつまづかせて惡におとしいるる者なり
20 Quruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale.
彼の美しき飾物を彼等驕傲のために用ひ又これをもてその憎べき偶像その憎むべき物をつくれり是をもて我これを彼らに芥とならしむ
21 Oo booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan.
我これを外國人にわたして奪はしめ地の惡人にわたして掠めしめん彼等すなはちこれを汚すべし
22 Oo weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.
我かれらにわが面を背くべければ彼等わが密たる所を汚さん強暴人其處にいりてこれを汚すべし
23 Silsilad samee, waayo, dalka waxaa ka buuxda gacankudhiiglenimo, oo magaaladana waxaa ka buuxa dulmi.
汝鏈索を作れよ死にあたる罪國に滿ち暴逆邑に充たり
24 Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.
我國々の中の惡き者等を招きて彼らの家を奪しめん我強者の驕傲を止めんその聖所は汚さるべし
25 Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.
滅亡きたれり彼等平安を求むれども得ざるなり
26 Belaayaba belaayay ku soo kor degi doontaa, war belef ahuna war belef ah buu ka kor iman doonaa, oo markaasay wax nebi la tuso doondooni doonaan, laakiinse sharcigu wadaaddada wuu ka baabbi'i doonaa, oo taladuna odayaasha way ka dhammaan doontaa.
災害に災害くははり注進に注進くははる彼等預言者に默示を求めん律法は祭司の中に絕え謀略は長老の中に絕べし
27 Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
王は哀き牧伯は驚惶を身に纏ひ國の民の手は慄へん我その行爲に循ひて彼らを處置ひその審判に循ひて彼らを罰せん彼等は我ヱホバなるを知にいたるべし

< Yexesqeel 7 >