< Yexesqeel 6 >
1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,
上主的話傳給我說:「
2 Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.
人子,你要面對以色列的群山,講預言攻斥他們,
3 Oo waxaad tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha, iyo kuraha, iyo webiyada, iyo dooxooyinkaba, Bal ogaada, aniga qudhaydu seef baan idinku soo dayn doonaa, oo waxaan wada baabbi'in doonaa meelihiinna sarsare.
說以色列的群山,請聽吾主上主的話:吾主上主這樣對高山、丘陵、山溪、山谷說:看,我要使刀兵臨於你們,蕩平你們的丘壇;
4 Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.
破壞你們的祭壇,打碎你們的太陽柱,並使你們被殺的人倒在你們的偶像之前。
5 Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.
我還要把以色列屍體放在他們的偶像前,把你們的骨頭散在你們的祭壇周圍。
6 Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.
在你們居住的地方,城池變為荒野,丘壇遭受破壞,為叫你們的祭壇也成為荒涼,變為廢墟,偶像被粉碎,被消滅,太陽柱被打碎,你們所製造的東西都剷除淨盡。
7 Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
被殺的人橫臥在你們中間:如此你們要承認我是上主。」「
8 Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.
當我把你們分散到各國時,我還要把一些倖免於刀兵的人,殘留在異民中。
9 Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
你們被擄到異民中的遺民,必要想念我,因為我擊碎了他們好淫而背棄我的心,也擊碎了他們好淫而隨從偶像的眼睛,那時他們必要為了一切邪神所行的事而自怨自艾。
10 Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.
如此,他們會承認,我上主說要對他們施行懲罰,並非空話。」
11 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.
吾主上主這樣說:「我要拍手頓足地說:禍哉! 以色列家,因了一切醜惡的罪行,她必要亡於刀兵、饑荒和瘟疫:
12 Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.
遠處的要死於瘟疫,近處的要喪身刀下,剩餘而被圍困的,要死於饑餓,我必要這樣對他們發洩我的怒火。
13 Oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii raggooda la laayay ay ku ag daadsanaadaan sanamyadooda ku hareeraysan meelahooda allabariga, oo kor saaran kur kasta oo dheer, iyo buuraha dhaladooda oo dhan, iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa, iyo geed kasta oo alloon la yidhaahdo oo weyn, kuwaasoo ah meelaha ay carafta udgoon ugu bixiyeen sanamyadooda oo dhan.
幾時被殺的人橫臥在他們的祭壇四周,在他們的偶像中間,在各高山,各山頂,在各綠樹下,在密茂的樟樹下,即在他們給各偶像獻香的地方,那時,你們必承認我是上主。
14 Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
我要伸手打擊他們,凡他們所居之地,我要使田地變為沙漠和荒野,自曠野直到黎貝拉:這樣,他們必承認我是上主。」