< Yexesqeel 48 >
1 Haddana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.
眾支派按名所得之地記在下面:從北頭,由希特倫往哈馬口,到大馬士革地界上的哈薩‧以難。北邊靠着哈馬地(各支派的地都有東西的邊界),是但的一分。
2 Oo waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.
挨着但的地界,從東到西,是亞設的一分。
3 Oo waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.
挨着亞設的地界,從東到西,是拿弗他利的一分。
4 Oo waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.
挨着拿弗他利的地界,從東到西,是瑪拿西的一分。
5 Oo waxaa soohdinta reer Manaseh dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Efrayim.
挨着瑪拿西的地界,從東到西,是以法蓮的一分。
6 Oo waxaa soohdinta reer Efrayim dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Ruubeen.
挨着以法蓮的地界,從東到西,是呂便的一分。
7 Oo waxaa soohdinta reer Ruubeen dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Yahuudah.
挨着呂便的地界,從東到西,是猶大的一分。
8 Oo soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.
挨着猶大的地界,從東到西,必有你們所當獻的供地,寬二萬五千肘。從東界到西界,長短與各分之地相同,聖地當在其中。
9 Oo meesha aad Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixinaysaan dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna toban kun.
你們獻與耶和華的供地要長二萬五千肘,寬一萬肘。
10 Oo meeshaas ah qurbaanka quduuska ah waxaa iska lahaan doona wadaaddada. Dhankeeda woqooyi dhererkiisu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo dhankeeda galbeed ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda bari ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda koonfureed dhererkiisuna shan iyo labaatan kun, oo meesha quduuska ah ee Rabbiguna waa inay dhexdeeda ku taallaa.
這聖供地要歸與祭司,北長二萬五千肘,西寬一萬肘,東寬一萬肘,南長二萬五千肘。耶和華的聖地當在其中。
11 Oo meeshaas waxaa iska lahaan doona wadaaddada quduuska laga dhigay ee reer Saadooq oo adeegiddaydii xajiyey oo aan u baadiyoobin sidii ay reer Laawi u baadiyoobeen markay reer Israa'iil baadiyoobeen.
這地要歸與撒督的子孫中成為聖的祭司,就是那守我所吩咐的。當以色列人走迷的時候,他們不像那些利未人走迷了。
12 Oo meeshaasu waxay iyaga u ahaan doontaa dal qurbaan ah oo ka mid ah dhulka qurbaan ahaan loo bixiyey, oo soohdinta reer Laawi ku xigta.
這要歸與他們為供地,是全地中至聖的。供地挨着利未人的地界。
13 Oo meel soohdinta wadaaddada ku xigtana waxay reer Laawi ku lahaan doonaan dhul dhererkiisu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay toban kun, oo dhererka oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo ballaadhkuna waa inuu ahaadaa toban kun.
利未人所得的地要長二萬五千肘,寬一萬肘,與祭司的地界相等,都長二萬五千肘,寬一萬肘。
14 Oo iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.
這地不可賣,不可換,初熟之物也不可歸與別人,因為是歸耶和華為聖的。
15 Oo shanta kun oo ka hadhay ballaadhka ah shan iyo labaatanka kun waxay ahaan doontaa meel dadka ka dhexaysa oo ah magaalada la dego iyo agagaarkeeda, oo magaaladuna waa inay ku dhex taallaa.
這二萬五千肘前面所剩下五千肘寬之地要作俗用,作為造城蓋房郊野之地。城要在當中。
16 Oo kuwanuna waa inay qiyaasteeda ahaadaan: dhanka woqooyi waa inuu ahaadaa afar kun iyo shan boqol, dhanka koonfureedna afar kun iyo shan boqol, dhanka barina afar kun iyo shan boqol, dhanka galbeedna afar kun iyo shan boqol.
城的尺寸乃是如此:北面四千五百肘,南面四千五百肘,東面四千五百肘,西面四千五百肘。
17 Oo magaalada agagaarkeeduna xagga woqooyi waa inuu ahaadaa laba boqol iyo konton, xagga koonfureedna laba boqol iyo konton, xagga barina laba boqol iyo konton, xagga galbeedna laba boqol iyo konton.
城必有郊野,向北二百五十肘,向南二百五十肘,向東二百五十肘,向西二百五十肘。
18 Oo dhererka ka hadhay oo ku xiga dalka qurbaanka ee quduuska ah dhankiisa bari waa inuu ahaadaa toban kun, oo dhankiisa galbeedna waa inuu ahaadaa toban kun, oo waa inuu ku xigaa dalka qurbaanka ee quduuska ah; oo waxa dhulkaas ka baxaana cunto bay u ahaan doonaan kuwa magaalada ku hawshooda.
靠着聖供地的餘地,東長一萬肘,西長一萬肘,要與聖供地相等;其中的土產要作城內工人的食物。
19 Oo dhulkaas waxaa beeri doona kuwa magaalada ku hawshooda ee qabiilooyinka reer binu Israa'iil ka soo baxa oo dhan.
所有以色列支派中,在城內做工的,都要耕種這地。
20 Oo dhulka qurbaanka ah oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo dherer ah iyo shan iyo labaatan kun oo ballaadh ah. Dalka qurbaanka ee quduuska ah oo aad bixinaysaan waa inuu ahaadaa afar gees iyadoo hantida magaaladu ku taal.
你們所獻的聖供地連歸城之地,是四方的:長二萬五千肘,寬二萬五千肘。
21 Oo inta hadhana waxaa iska lahaan doona amiirka, dhinacan iyo dhinacaas oo dalka qurbaanka ee quduuska ah, iyo meesha ay magaaladu ku taalloba, oo ka soo hor jeedda shan iyo labaatanka kun oo dalka qurbaanka ah oo xagga soohdinta bari, iyo dhanka galbeed oo ka soo hor jeeda shan iyo labaatanka kun oo xagga soohdinta galbeed, oo ku xiga qaybaha. Oo intaas waxaa lahaan doona amiirka, oo dalka qurbaanka ee quduuska ah iyo meesha quduuska ah ee daartana waa inay ku dhex yaallaan.
聖供地連歸城之地,兩邊的餘地要歸與王。供地東邊,南北二萬五千肘,東至東界,西邊南北二萬五千肘,西至西界,與各分之地相同,都要歸王。聖供地和殿的聖地要在其中,
22 Oo weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.
並且利未人之地,與歸城之地的東西兩邊延長之地(這兩地在王地中間),就是在猶大和便雅憫兩界中間,要歸與王。
23 Oo qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan.
論到其餘的支派,從東到西,是便雅憫的一分。
24 Oo waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon.
挨着便雅憫的地界,從東到西,是西緬的一分。
25 Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.
挨着西緬的地界,從東到西,是以薩迦的一分。
26 Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.
挨着以薩迦的地界,從東到西,是西布倫的一分。
27 Oo waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad.
挨着西布倫的地界,從東到西,是迦得的一分。
28 Oo xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn.
迦得地的南界是從他瑪到米利巴‧加低斯的水,延到埃及小河,直到大海。
29 Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
這就是你們要拈鬮分給以色列支派為業之地,乃是他們各支派所得之分。這是主耶和華說的。
30 Oo kuwanuna waa meelaha magaalada laga baxo, xagga dhanka woqooyi waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur.
城的北面四千五百肘。出城之處如下;
31 Oo magaalada irdaheedana waa in lagu magacaabaa qabiilooyinka reer binu Israa'iil magacyadooda. Saddexda irdood oo xagga woqooyi irid waa in reer Ruubeen lagu magacaabaa, iridna reer Yahuudah, iridna reer Laawi.
城的各門要按以色列支派的名字。北面有三門,一為呂便門,一為猶大門,一為利未門;
32 Oo xagga dhanka barina waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo xagga barina irid waa in reer Yuusuf lagu magacaabaa, iridna reer Benyaamiin, iridna reer Daan.
東面四千五百肘,有三門,一為約瑟門,一為便雅憫門,一為但門;
33 Oo xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun.
南面四千五百肘,有三門,一為西緬門,一為以薩迦門,一為西布倫門;
34 Oo xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali.
西面四千五百肘,有三門,一為迦得門,一為亞設門,一為拿弗他利門。
35 Oo magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.
城四圍共一萬八千肘。從此以後,這城的名字必稱為「耶和華的所在」。