< Yexesqeel 47 >

1 Oo haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed.
Kisha yule mtu akanirudisha nyuma kwenye lango la kuingia la hekalu, na kulikuwa na maji yakitiririka nje kutoka chini ya hekalu kizingiti cha nyumba kuelekea masharikii-kwa mbele ya hekalu kulekea mashariki-na maji yalikuwa yakitiririka chini upande wa kusini mwa hekalu, kuelekea upande wa kuume wa madhabahu.
2 Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay.
Hivyo akanileta kwenye lango la kaskazini na kuniongoza kuzunguka lango kuelekea mashariki, na hapo maji yalikuwa yakitiririka kutoka lango hili kwa upande wa kusini yake.
3 Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.
Yule mtu alipokuwa akienda mashariki, kulikuwa na kamba ya kupimia kwenye mkono wake; akapima dhiraa elfu moja akanivusha kwenye maji hata maji yakafika kwenye magoti.
4 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.
Kisha akapima dhiraa elfu moja ten akanivusha kwenye yale maji yaliyofika kwenye magoti; akapima dhiraa elfu kumi nyingine na kunivusha maji yakafika hata kwenye nyonga.
5 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin.
Tena akapima dhiraa elfu moja nyingine, lakini ulikuwa mto ambao sikuweza kuuvuka kwa sababu maji yalizidi na yalijaa maji ya kuogelea ndani-yalikuwa mto usiovukika
6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.
Yule mtu akanambia, “Mwanadamu, unaona hii?” akanipeleka na kunirudisha karibu na ukingo wa mto.
7 Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal.
Nilipokuwa nikirudi, hapo kwenye ukingo wa mto kulikuwa na miti mingi katika huu upande na upande mwingine pia.
8 Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.
Yule mtu akanambia, “Haya maji yanatoka kwenda pande za nchi ya mashariki na chini hata Araba; haya maji hutiririka kwenye Bahari ya Chumvi itaifanya kuwa mpya.
9 Oo meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba.
Itakuwa kwamba kila kiumbe hai kisongamanacho kitaishi mahali maji yanapoelekea; kutakuwa na samaki wengi, kwenye hayo maji yatiririkayo huko. Itafanya maji ya chumvi kuwa mapya. Kila kitu kitaishi popote mto utakapoelekea.
10 Oo kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan.
Kisha itatokea kwamba wavuvi wa En Gedi watasimama karibu na maji, na kutakuwa na sehemu ya kutandazia nyavu za samaki karibu na En Eglaimu. Kutakuwa na samaki nyingi za aina tofauti tofauti katika Bahari ya Chumvi, kama samaki kwenye Bahari Kuu kwa wingi wao.
11 Laakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan.
Lakini Bahari ya Chumvi ikajaa maji na matope hayataachwa mapya; yataachwa yawe kwa ajili ya kutengeneza chumvi.
12 Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.
Karibu na huo mto juu ya ukingo wake, pande zote, aina zote za miti utazaa chakula. Majani yake hayatanyauka na matunda yake hayataacha kukua. Kila mwezi miti itazaa matunda, kwa sababu maji kutoka patakatifu yatatirirka kwenda kwenye hiyo miti. Matunda yake yatakuwa kwa ajili ya chakula, na majani yake yatakuwa kwa ajili ya dawa.
13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.
Bwana Yahwe asema hivi: Hii itakuwa njia ambayo mtaigawanya nchi kwa ajili ya kabila kumi na mbili za Israeli: Yusufu atakuwa na mafungu mawili.
14 Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.
Mtaigawa kila mtu sawa sawa ambayo niliinua mkono wangu na kuapa kuwapa baba zenu. Hii nchi itakuja kuwa urithi kwenu.
15 Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,
Huu utakuwa mpaka wa nchi upande wa kaskazini kutoka Bahari Kubwa kwa njia ya Hethloni, na kisha kuelekea Zedada.
16 iyo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan.
Kisha mpaka utaenda hata Berotha, hadi Sibraimu, iliyopo kati ya Damaskasi na Hamathi, na kisha hata Hazer-hatikoni, iliyopo karibu na mpaka wa Haurani.
17 Oo soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi.
Hivyo mpaka utaenda kutoka kwenye bahari hadi Hazar-enoni kwenye mpaka wa Damaskasi na Hamathi hata kaskazini. Huu utakuwa upande wa kaskazini.
18 Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.
Kwa upande wa mashariki, kati ya Haurani na Damaskasi na kati ya Geliadi na nchi ya Israeli kutakuwa na mto Yordani. Mtapima kutoka kwenye mpaka hata kwenye bahari ya mashariki; huo wote utakuwa mpaka wa mashariki.
19 Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed.
Kisha upande wa kusini: kusini mwa Tamari hadi kwenye maji ya Meriba Kadeshi, kijito cha Misri hata Bahari Kuu, na upande wa kusini kuelekea kusini.
20 Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.
Kisha mpaka wa magharibi utakuwa Bahari Kuu utaelekea hata nyuma ya Hamathi. Huu utakuwa upande wa mgharibi.
21 Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.
Kwa njia hii mtaigawanya hii nchi kwa ajili yenu wenyewe, kwa kabila za Israeli.
22 Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.
Hivyo mtagawana urithi kwa ajili yenu wenyewe na kwa ajili ya wageni walio kati yenu, wale watakaozaa watoto kati yenu na waliokuwa, kati yenu, kama wazaliwa wa watu wa Israeli. Mtapewa urithi miongoni mwa makabila ya Israeli.
23 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
Kisha itatokea kwamba wageni watakuwa pamoja na kabila miongoni mwa yule anayeishi. Mtapatia urithi-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.”

< Yexesqeel 47 >