< Yexesqeel 46 >

1 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.
Thus says the Lord GOD; The gate of the inner court that looks toward the east shall be shut the six working days; but on the sabbath it shall be opened, and in the day of the new moon it shall be opened.
2 Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin.
And the prince shall enter by the way of the porch of that gate without, and shall stand by the post of the gate, and the priests shall prepare his burnt offering and his peace offerings, and he shall worship at the threshold of the gate: then he shall go forth; but the gate shall not be shut until the evening.
3 Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan.
Likewise the people of the land shall worship at the door of this gate before the LORD in the sabbaths and in the new moons.
4 Oo qurbaanka la gubo oo uu amiirku maalmaha Sabtida ah Rabbiga u bixin doono waa inuu ahaadaa lix wan oo yaryar oo aan iin lahayn iyo wan weyn oo aan iin lahayn.
And the burnt offering that the prince shall offer unto the LORD in the sabbath day shall be six lambs without blemish, and a ram without blemish.
5 Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa.
And the food offering shall be an ephah for a ram, and the food offering for the lambs as he shall be able to give, and an hin of oil to an ephah.
6 Oo maalinta bishu dhalatona waa in la bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn, iyo lix wan oo yaryar iyo wan weyn, oo waa inay kulligood wada ahaadaan kuwo aan iin lahayn.
And in the day of the new moon it shall be a young bullock without blemish, and six lambs, and a ram: they shall be without blemish.
7 Oo dibi kasta waa inuu la diyaariyaa eefaah ah qurbaan hadhuudh oo wan kastana waa inuu eefaah la diyaariyaa, oo wananka yaryarna waa inuu in alla intay gacantiisu karto la diyaariyaa, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
And he shall prepare a food offering, an ephah for a bullock, and an ephah for a ram, and for the lambs according as his hand shall attain unto, and an hin of oil to an ephah.
8 Oo amiirku markuu galo waa inuu jidka balbalada oo iriddaas ka soo galaa, oo haddana waa inuu isla iriddaas jidkeeda ka baxaa.
And when the prince shall enter, he shall go in by the way of the porch of that gate, and he shall go forth by the way thereof.
9 Laakiinse dadka dalka degganu markay iidaha Rabbiga hortiisa yimaadaan, kii jidka iridda woqooyi ka soo galaa, waa inuu jidka iridda koonfureed ka baxaa, oo kii jidka iridda koonfureed ka soo galaana waa inuu jidka iridda woqooyi ka baxaa, oo waa inuusan jidkii iriddii uu ka soo galay dib ugu noqon, laakiinse waa inuu dhanka isaga ku toosan ka baxaa.
But when the people of the land shall come before the LORD in the solemn feasts, he that enters in by the way of the north gate to worship shall go out by the way of the south gate; and he that enters by the way of the south gate shall go forth by the way of the north gate: he shall not return by the way of the gate whereby he came in, but shall go forth opposite to it.
10 Oo amiirku waa inuu iyaga dhex galaa markay galaan, oo markii ay baxaanna waa inuu baxaa.
And the prince in the midst of them, when they go in, shall go in; and when they go forth, shall go forth.
11 Oo iidaha iyo maalmaha waaweyn ee la amray qurbaanka hadhuudhku waa inuu ahaadaa dibigiiba eefaah, iyo wankiiba eefaah, oo wananka yaryarna waa inuu la bixiyaa intuu bixin karo, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
And in the feasts and in the solemnities the food offering shall be an ephah to a bullock, and an ephah to a ram, and to the lambs as he is able to give, and an hin of oil to an ephah.
12 Haddaba amiirku markuu diyaariyo qurbaan ikhtiyaar ah ha ahaatee qurbaan la gubo amase qurbaanno nabaadiino oo Rabbiga ikhtiyaar loo siiyo, waa in iridda xagga bari u sii jeedda loo furaa, oo isagana waa inuu qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiino u diyaariyaa siduu maalinta sabtida yeelo oo kale, oo markaas waa inuu baxaa, oo markuu baxo dabadeed waa in iridda la soo xidhaa.
Now when the prince shall prepare a voluntary burnt offering or peace offerings voluntarily unto the LORD, one shall then open him the gate that looks toward the east, and he shall prepare his burnt offering and his peace offerings, as he did on the sabbath day: then he shall go forth; and after his going forth one shall shut the gate.
13 Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa.
You shall daily prepare a burnt offering unto the LORD of a lamb of the first year without blemish: you shall prepare it every morning.
14 Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah.
And you shall prepare a food offering for it every morning, the sixth part of an ephah, and the third part of an hin of oil, to temper with the fine flour; a food offering continually by a perpetual ordinance unto the LORD.
15 Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.
Thus shall they prepare the lamb, and the food offering, and the oil, every morning for a continual burnt offering.
16 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin.
Thus says the Lord GOD; If the prince give a gift unto any of his sons, the inheritance thereof shall be his sons'; it shall be their possession by inheritance.
17 Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.
But if he give a gift of his inheritance to one of his servants, then it shall be his to the year of liberty; after it shall return to the prince: but his inheritance shall be his sons' for them.
18 Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.
Moreover the prince shall not take of the people's inheritance by oppression, to thrust them out of their possession; but he shall give his sons inheritance out of his own possession: that my people be not scattered every man from his possession.
19 Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed.
After he brought me through the entry, which was at the side of the gate, into the holy chambers of the priests, which looked toward the north: and, behold, there was a place on the two sides westward.
20 Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin.
Then said he unto me, This is the place where the priests shall boil the trespass offering and the sin offering, where they shall bake the food offering; that they bear them not out into the utter court, to sanctify the people.
21 Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil.
Then he brought me forth into the utter court, and caused me to pass by the four corners of the court; and, behold, in every corner of the court there was a court.
22 Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen.
In the four corners of the court there were courts joined of forty cubits long and thirty broad: these four corners were of one measure.
23 Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo.
And there was a row of building round about in them, round about them four, and it was made with boiling places under the rows round about.
24 Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.
Then said he unto me, These are the places of them that boil, where the ministers of the house shall boil the sacrifice of the people.

< Yexesqeel 46 >