< Yexesqeel 45 >

1 Oo weliba markaad dhulka saami dhaxal ahaan ugu qaybsataan, waa inaad Rabbiga qurbaan ka siisaan, kaasoo ah dalka qaybtiisa quduuska ah. Meeshaas dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna waa inuu ahaadaa toban kun oo cawsduur. Oo meeshaas hareeraheeda ku wareegsan oo dhammu waa inay quduus wada ahaadaan.
Et lorsque vous commencerez à diviser la terre par le sort, séparez les prémices pour le Seigneur; un lieu de la terre sanctifié, d’une longueur de vingt-cinq mille coudées, et d’une largeur de dix mille; il sera sanctifié dans toute sa limite autour.
2 Oo waa in taas meesha quduuska ah looga yeelaa jago dhererkeedu yahay shan boqol, oo ballaadhkeeduna yahay shan boqol, oo afar gees ah, oo waa in konton dhudhun agagaarkeeda laga dhigaa.
Et il y aura de sanctifié de tout côté cinq cents coudées en carré tout autour, et cinquante coudées encore pour ses faubourgs aux environs.
3 Oo intaasna waa inaad ka qiyaastaa meel dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun, ballaadhkeeduna yahay toban kun, oo waxaa dhexdeeda ku oolli doona meesha quduuska ah taas oo ah meesha ugu wada quduusan.
Et d’après cette mesure, tu mesureras une longueur de vingt-cinq mille coudées, et une largeur de dix mille, et dans ce lieu même sera le temple, et le saint des saints.
4 Waa dalka qaybtiisa quduuska ah, oo waxaa iska leh wadaaddada ah kuwa meesha quduuska ah ka adeega oo u soo dhowaado inay Rabbiga u adeegaan. Oo waxay ahaan doontaa meel ay guryo ka dhistaan, iyo meel quduus ah oo ay daarta quduuska ahu ku dhex taal.
Ce qu’il y aura de sanctifié de cette terre sera pour les prêtres, ministres du sanctuaire, qui s’approchent du ministère du Seigneur; et ce lieu sera pour leurs maisons, et pour le sanctuaire de sainteté.
5 Oo meesha dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo ballaadhkeeduna yahay toban kun waa inay hanti ahaan u ahaataa reer Laawi oo daarta ka adeega, taas iyo labaatan qolladood.
Or, vingt-cinq mille coudées de longueur et dix mille de largeur seront pour les Lévites qui servent dans la maison; ils posséderont aussi eux-mêmes vingt chambres.
6 Oo hantida magaalada waa inaad doorataan, taasoo ah meel ballaadhkeedu yahay shan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ay ag taal qaybta quduuska ah, oo taasna waxaa iska lahaan doona reer binu Israa'iil oo dhan.
Et pour la possession de la cité, vous donnerez cinq mille coudées de largeur, et de longueur vingt-cinq mille, selon ce qui est séparé pour le sanctuaire; et ce sera pour toute la maison d’Israël.
7 Oo meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh.
Au prince aussi vous donnerez ce qui s’étendra de part et d’autre, le long de ce qui a été séparé pour le sanctuaire et pour la possession de la cité, vis-à-vis de ce qui a été séparé pour le sanctuaire, et vis-à-vis de la possession de la ville; depuis le côté de la mer jusqu’à la mer, et depuis le côté de l’orient jusqu’à l’orient; or la longueur de sa possession sera égale dans chacune de ses portions, depuis les bornes de l’occident jusqu’aux bornes de l’orient.
8 Oo taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.
Il aura une possession de la terre dans Israël, et les princes ne dépouilleront plus mon peuple, mais ils donneront la terre à la maison d’Israël, selon leurs tribus.
9 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirrada reer binu Israa'iilow, intaasu ha idinku filnaato. Dulmiga iyo dhicidda joojiya, oo garsoorid iyo caddaalad sameeya, oo baaddiinnana dadkayga ka fogeeya, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Voici ce que dit le Seigneur Dieu: Que cela vous suffise, princes d’Israël; cessez l’iniquité et les rapines; faites jugement et justice; séparez vos confins de ceux de mon peuple, dit le Seigneur Dieu.
10 Waa inaad kafado xaq ah iyo eefaah xaq ah iyo bad xaq ah lahaataan.
Vous aurez une balance juste, et un éphi juste, et un bat juste.
11 Oo eefaahda iyo badku waa inay isku qiyaas ahaadaan, eefaahdu waa inay qaaddaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo badkuna waa inuu qaadaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo qiyaastuna waa inay ahaataa sida xomeerka.
L’éphi et le bat seront égaux, et d’une même mesure; en sorte que le bat tiendra la dixième partie du cor, et l’éphi la dixième partie du cor; leur poids sera égal, par rapport à la mesure du cor.
12 Oo sheqelkuna waa inuu ahaadaa labaatan geeraah, oo maanehiinnuna waa inuu ahaadaa labaatan sheqel, shan iyo labaatan sheqel iyo shan iyo toban sheqel.
Mais le sicle a vingt oboles. Or vingt sicles, et vingt-cinq sicles, et quinze sicles, font la mine.
13 Oo qurbaanka aad bixinaysaanna waa kan: xomeer kasta oo sarreen ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed, oo haddana xomeer kasta oo shaciir ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed.
Et voici quelles seront les prémices que vous prendrez: la sixième partie de l’éphi sur un cor de froment; et la sixième partie de l’éphi sur un cor d’orge.
14 Oo amarka saliidduna waa kan: kor kastaba waa inaad ka bixisaan bad toban meelood loo dhigay meeshiis. Korkuna waa toban bad, sida xomeer oo kale.
Voici aussi la mesure de l’huile: le bat d’huile est la dixième partie du cor; et les dix bats font un cor, parce que les dix bats remplissent un cor.
15 Oo labadii tiro oo ido ahba waa inaad ka bixisaan wan laga soo kaxeeyey daaqa barwaaqaysan oo reer binu Israa'iil, oo waa inaad u bixisaan qurbaan hadhuudh ah, iyo qurbaan la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, si aad iyaga ugu kafaaragguddaan aawadeed, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Et ils offriront un bélier d’un troupeau de deux cents bêtes de celles que le peuple d’Israël nourrit pour le sacrifice, et pour l’holocauste, et pour les oblations pacifiques, afin d’expier leurs fautes, dit le Seigneur Dieu.
16 Oo dadka dalka deggan oo dhammu waa inay qurbaankaas amiirka reer binu Israa'iil siiyaan.
Tout le peuple du pays sera obligé à ces prémices pour le prince en Israël.
17 Oo amiirka qaybtiisu waxay ahaan doontaa inuu qurbaannada la gubo, iyo qurbaannada hadhuudhka, iyo qurbaannada cabniinka bixiyo ayaamaha iidaha iyo wakhtiga ay biluhu dhashaan, iyo maalmaha sabtiyada, iyo iidaha reer binu Israa'iil oo dhan. Isagu waa inuu qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinada, diyaariyaa, si reer binu Israa'iil loogu kafaaraggudo.
Et à la charge du prince seront les holocaustes, et le sacrifice, et les libations dans les solennités, et dans les calendes et dans les sabbats, et dans toutes les solennités de la maison d’Israël; c’est lui qui offrira le sacrifice pour le péché, l’holocauste et les victimes pacifiques pour l’expiation de la maison d’Israël.
18 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bishii kowaad maalinteedii kowaad waa inaad dibi yar oo aan iin lahayn soo wadataa, oo waa inaad meesha quduuska ah nadiifisaa.
Voici ce que dit le Seigneur Dieu: Au premier mois, et au premier jour de ce mois, tu prendras d’un troupeau un veau sans tache, et tu expieras le sanctuaire.
19 Oo wadaadku waa inuu qaar ka soo qaadaa dhiigga qurbaanka dembiga, oo waa inuu mariyaa daarta tiirarkeeda, iyo meesha allabariga saldhiggeeda afartiisa gees, iyo tiirarka iridda barxadda gudaha.
Et le prêtre prendra du sang qui sera pour le péché, et il en mettra aux poteaux de la maison, aux quatre coins du rebord de l’autel, et aux poteaux de la porte du parvis intérieur.
20 Oo waa inaad bisha maalinteeda toddobaad saas oo kale u samaysaa mid kasta oo qalad ama aqoonla'aan ku dembaaba. Oo waa inaad sidaas daarta ugu kafaaragguddaan.
Et ainsi tu feras au septième jour du mois pour quiconque a péché par ignorance, et a été trompé par une erreur humaine, et tu expieras ainsi la maison.
21 Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.
Au premier mois, et au quatorzième jour de ce mois, sera pour vous la solennité de la Pâque; sept jours durant, on mangera des azymes.
22 Oo maalintaas amiirku waa inuu nafsaddiisa iyo dadka dalka oo dhanba dibi qurbaan dembi ah u diyaariyaa.
Et le prince offrira en ce jour-là pour lui-même et pour tout le peuple du pays, un veau en sacrifice pour le péché;
23 Oo toddobada maalmood oo iiddana waa inuu Rabbiga u diyaariyaa qurbaan la gubo, kaasoo ah toddoba dibi iyo toddoba wan oo aan iin lahayn oo uu toddobada maalmoodba maalin kasta diyaariya, oo maalin kastana waa inuu orgi qurbaan dembi u bixiyaa.
Et pendant la solennité des sept jours, il offrira en holocauste au Seigneur sept veaux et sept béliers sans tache, chaque jour durant les sept jours, et pour le péché, un bouc de chèvres chaque jour.
24 Oo waa inuu qurbaan hadhuudh oo ah eefaah dibiba iyo eefaah wanba diyaariyaa, oo eefah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
Et il offrira en sacrifice un éphi de farine par veau, et un éphi par bélier, et un hin d’huile par chaque éphi.
25 Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaadna waa inuu sidaas oo kale sameeyaa iidda toddobada maalmood ah; waa inuu sameeyaa siduu qurbaanka dembigu yahay, iyo siduu qurbaanka la gubo yahay, iyo siduu qurbaanka hadhuudhku yahay, iyo siday saliiddu tahayba.
Au septième mois, au quinzième jour de ce mois, pendant la solennité, il fera sept jours de suite les mêmes choses qui ont été dites auparavant, tant pour l’expiation du péché, que pour l’holocauste, et pour le sacrifice des oblations et pour l’huile.

< Yexesqeel 45 >