< Yexesqeel 44 >

1 Markaasuu dib igu soo celiyey iriddii dibadda ee meesha quduuska ah oo xagga bari u sii jeedday, oo way xidhnayd.
Kisha yule mtu akanirudisha hata lango la nje la patakatifu linaloelekea mashariki; lilikuwa limefungwa kwa kukazwa.
2 Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Albaabkanu waa xidhnaanayaa, oo lama furi doono, oo ciduna kama soo geli doonto, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa ka galay, oo sidaas daraaddeed buu u xidhnaanayaa.
Yahwe akanambia, “Hili lango litakuwa limefungwa; halitafunguliwa. Hakuna mtu atakaye pitia hapo, kwa kuwa Yahwe, Mungu wa Israeli ameingia kwa hilo, hivyo lilikuwa limefungwa kwa kukazwa.
3 Xagga amiirka amiir ahaan buu ugu fadhiisan doonaa oo Rabbiga hortiisa kibis ugu cuni doonaa. Wuxuu ka soo geli doonaa jidka balbalada ee iridda, oo isla jidkaas ayuu ka bixi doonaa.
Mtawala wa Israeli atakaa katika hilo kula chakula mbele ya Yahwe. Ataingia kwa njia ya varanda na kutoka kwa njia hiyo hiyo.”
4 Markaasuu i keenay jidkii iridda woqooyi ee daarta ku hor yiil, oo waan fiiriyey oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii Rabbiga ka buuxsantay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
Kisha akaniletea kwa njia ya lango la kaskazini linaloelekea kwenye nyumba. Hivyo nikaona na kutazama, utukufu wa Yahwe umejaa kwenye nyumba ya Yahwe, nikaanguka kifudifudi.
5 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Wiilka Aadamow, aad u fiirso, oo bal indhaha ku arag, oo bal dhegaha ku maqal waxa aan kugu leeyahay ee ku saabsan qaynuunnada daarta Rabbiga oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo aad u fiirso daarta iridda laga soo galo, iyo meesha quduuska ah meelaheeda laga baxo oo dhan.
Kisha Yahwe akanambia, “Mwanadamu, andaa moyo wako na tazama kwa macho yako na sikiliza kwa masikio yako kwa yote yale nikuambiayo, kwa amri zote za nyumba ya Yahwe na maagizo yote. Fikiri kuhusu malango ya nyumba na na matokeo ya malango.
6 Oo waxaad caasiyiinta reer binu Israa'iil ah ku tidhaahdaa, Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa ee hore ha idinku filnaadeen,
Kisha waambie wale walioasi, nyumba ya Israeli, 'Bwana Yahwe asema hivi: Acheni matendo yenu maovu kwenu, nyumba ya Israeli-
7 waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.
ambayo mmewaleta wageni pamoja na wasiotahiriwa mioyo na wasiotahiriwa mwili kuwa katika patakatifu pangu, kuikufuru nyumba yangu, wakati mlipokuwa mnanitolea chakula, mafuta na damu-mmevunja agano langu kwa matendo yenu maovu.
8 Oo idinku ma aydaan dhawrin adeegiddii waxyaalahayga quduuska ah, laakiinse waxaad meeshayda quduuska ah dhigateen kuwo adeegidda idiin dhawra.
Hamkumaliza kazi zenu zinazohusiana na vitu vitakatifu, lakini mmewateua wengine kuchukua kazi zenu, na mmewatuma kupaangalia mahali patakatifu pangu.
9 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shisheeyaha reer binu Israa'iil ku dhex jira oo ah shisheeye aan qalbiga ka gudnayn oo aan jidhka ka gudnayn toona waa inuusan meeshayda quduuska ah gelin.
Bwana Yahe asema hivi: hakuna mgeni, ambaye hajatahiriwa kwenye moyo wake na mwili, kutoka yeyote wa hao waishio miongoni mwa watu wa Israeli, awezaye kuingia patakatifu pangu.
10 Oo markay reer binu Israa'iil baadiyoobeen kuwii reer Laawi oo iga fogaaday, oo intay iga fogaadeen sanamyadoodii ka daba galay, waxay sidan doonaan xumaantooda.
Kisha Walawi wakaenda mbali nami-wakapotea mbali nami, kwenda kwenye sanamu zao-lakini watalipa kwa ajili ya dhambi yao.
11 Laakiinse iyagu waxay ka dhex adeegi doonaan meeshayda quduuska ah, iyagoo daarta irdaheeda u taliya, oo daarta ka adeegaya, oo waxay dadka u gowraci doonaan qurbaanka la gubo iyo allabariga, oo hortooday u istaagi doonaan inay iyaga u adeegaan.
Wao ni watumishi katika patakatifu pangu, waangalizi wa malango ya nyumba na kutumika kwenye nyumba na kuchinja sadaka za kuteketezwa na dhabihu za watu, na watasimama mbele za watu na kuwatumikia.
12 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay iyaga ugu hor adeegeen sanamyadooda, oo waxay reer binu Israa'iil u noqdeen xumaan ay ku turunturoodaan, sidaas daraaddeed ayaan gacantayda ugu qaaday, oo waxay sidan doonaan xumaantoodii.
Lakini kwa sababu wamefanya dhabihu mbele ya sanamu zao, wamekuwa kikwazo kwa dhambi ya nyumba ya Israeli. Kwa hiyo nitainua mkono wangu kuapa kiapo dhidi yao-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo-watabeba adhabu yao.
13 Oo iyagu iima ay soo dhowaan doonaan inay ii sameeyaan shuqulkii wadaadnimada, oo waxyaalahayga quduuska ahna uma ay soo dhowaan doonaan kuwaasoo ah waxyaalaha ugu quduusan, laakiinse iyagaa sidan doona ceebtoodii iyo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen.
Hawatakuja karibu nami kufanya kama makuhani au kukaribiakila vitu vyangu vitakatifu, vitu vitakatifu sana. Badala yake, watabeba lawama zao na hatia zao kwa ajili ya matendo yao ya karaha waliyoyafanya.
14 Laakiinse waxaan iyaga ka dhigi doonaa kuwo daarta taladeeda haya, oo sameeya hawsheeda oo dhan, iyo waxa gudaheeda lagu samayn doono oo dhan.
Lakini nitawaweka kama watunzaji wa kazi katika nyumba, kwa kazi zote na kila kitu kitakachofanyika ndani yake.
15 Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddadii reer Laawi oo ah farcankii Saadooq oo adeegiddii meeshayda quduuska ah xajiyey markay reer binu Israa'iil iga baadiyoobeen, iyagu way ii soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan aawadeed, oo hortayday u soo istaagi doonaan inay baruurta iyo dhiigga ii soo bixiyaan.
Kisha makuhani walawi, hao wana wa Zadoki ambao waliokamilisha kazi ya patakatifu pangu wakati wana wa Israeli walipotea mbali nami-watakuja karibu nami kuniambudu. Watasimama mbele yangu kunitolea mafuta na damu-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.
16 Meeshayda quduuska ah way soo geli doonaan, oo miiskayga way ugu soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan, oo adeegiddaydana way xajin doonaan.
Watakuja hata patakatifu pangu; wataikaribia meza yangu kuniabudu na kukamilisha kazi zao kwangu.
17 Oo markay irdaha barxadda gudaha soo galaan waa inay dhar linen ah xidhaan, oo intay irdaha barxadda gudaha iyo daarta gudaheeda ka adeegayaan waa inaan wax dhogor ahu korkooda taaban.
Hivyo itakuwa kwamba watakapokuja kwenye malango ya ua wa ndani, watatakiwa kuvaa mavazi ya kitani, kwa kuwa hawatakuja na sufu ndani ya lango la ua wa ndani na nyumba yake.
18 Waa inay madaxa ku duubtaan cimaamado linen ah, oo dhexdana waa inay surwaallo linen ah ku xidhaan, oo innaba waa inayan wax ka dhididiya guntaan.
Kutakuwa na vilemba juu ya vichwa vyao na kitani ndani ya viuno vyao. Ndani wasivae nguo ambayo itawafanya watoke jasho.
19 Oo markay barxadda dibadda u soo baxaan taasoo ah barxadda dibadda ee uu dadku joogo waa inay dharkii ay ku adeegeen iska bixiyaan, oo waa inay qolladaha quduuska ah dhigaan, oo waa inay dhar kale gashadaan si ayan dadka kale dharkooda quduus ugaga dhigin.
Wakati watakapotoka nje ya ua wa nje, hata kwenye ua wa ndani ili kwenda kwa watu, watavua nguo zao walizokuwa wamezivaa kisha wakatumika; watazivua na kuziweka chini katika chumba kitakatifu, hivyo wasiwafanye wengine watakatifu kwa kugusana na nguo zao maalumu.
20 Oo waa inayan madaxooda xiirin ama ayan timahoodu inay dheeraadaan u oggolaan, waase inay timahooda jaraan.
Hawatanyoa vichwa vyao wala kuruhusu nywele zao kuwa ndefu, watapunguza nywele za vichwa vyao.
21 Oo markay barxadda gudaha soo galaanna wadaadna waa inuusan innaba khamri cabbin.
Hakuna kuhani atakaye ruhusiwa kunywa mvinyo wakati atakapoingia kwenye uwa wa ndani,
22 Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.
hakuna kuchukua mjane au mwanamke aliyetalikiwa kama mke kwa ajili yake, lakini mwali kutoka safu ya nyumba ya Israeli au mjane aliyekuwa ameolewa na kuhani aliyepita.
23 Oo waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah.
Kwa kuwa watawafundisha watu wangu tofauti kati ya utakatifu na kukufuru; watawafanya kujua uchafu kutoka usafi.
24 Oo markay dacwo timaadona waa inay garsoorid u istaagaan, oo waa inay si xukummadayda waafaqsan wax u xukumaan, oo iidahayga oo dhanna waa inay sharciyadayda iyo qaynuunnadaydaba ku dhawraan, oo sabtiyadaydana waa inay quduus ka dhigaan.
Katika kubishana watasimama kwenye hukumu pamoja na amri yangu; watakuwa waadilifu. Watashika sheria yangu na amri zangu katika sikukuu, na watasherekea siku yangu ya Sabato.
25 Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.
Hawataenda kwa mtu aliyekufa ili wasiwe najisi, vinginevyo awe ni baba au mama yao, mwana wa kiume au binti, kaka au dada ambaye hajawahi kulala na mtu; vinginevyo, watakuwa najisi.
26 Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.
Baada ya kuhani kuwa najisi, watahesabu mda wa siku saba kwa ajili yake.
27 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu meesha quduuska ah iyo barxadda gudaha ah galo, si uu meesha quduuska ah uga dhex adeego aawadeed, waa inuu qurbaankiisii dembiga bixiyaa.
Katika siku atakayoingia mahali patakatifu, ndani kwenye uzio kutumika katika mahali patakatifu, ataleta sadaka ya dhambi kwa ajili yake mwenyewe-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.
28 Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
Hapa patakuwa urithi wao: Mimi ndiyo urithi wao, na usiwapatie mali katika Israeli; nitakuwa mali yao!
29 Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.
Watakula chakula cha sadaka, sadaka za dhambi, sadaka za hatia, na kila kitakachotolewa kwa ajili ya Yahwe katika Israeli, vitakuwa vyao.
30 Oo wax kasta oo midhaha ugu horreeya cayn kastaba, iyo qurbaannadiinna oo dhan cayn kasta oo ay yihiinba waxaa iska leh wadaaddada. Oo cajiinkiinna cadka ugu horreeyana waa inaad wadaadka siisaan si ay barako reerkiinna ugu soo degto.
Malimbuko ya kwanza ya vitu na kila sadaka, kila kitu kitokanacho na sadaka zenu vitakuwa mali ya makuhani, mtatoa sadaka ya chakula kizuri kwa makuhani ili kwamba baraka iweze kukaa katika nyumba zenu.
31 Wadaaddadu waa inayan wax iska bakhtiyey, ama wax bahal dilay haad iyo dugaag midu yahayba cunin.
Makuhani hawatakula mzoga au mnyama aliyeraruliwa, iwe ni ndege au mnyama.

< Yexesqeel 44 >