< Yexesqeel 43 >

1 Oo markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday.
Yule mtu kisha akanileta hata kwenye lango lililokuwa linaelekea mashariki.
2 Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.
Tazama! Utukufu wa Mungu wa Israeli ukaja kutoka mashariki; sauti yake ilikuwa kama sauti ya maji mengi, na nchi iling'aa kwa utukufu wake.
3 Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay.
Yalikuwa yanalingana na sura ya ono nililolona, kulingana na ono nililokuwa nimeliona wakati alipokuja kuuteketeza mji, na maono yalikuwa kama maono ambayo niliyokuwa nimeyaona Keberi Kanali nikaanguka kifudi fudi.
4 Oo sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday.
Hivyo utukufu wa Yahwe ukaja kwenye nyumba ya karibu na njia ya lango lililokuwa wazi kwa upande wa magharibi.
5 Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay.
Kisha Roho akanichukua na kunileta kwenye ua wa ndanni. Tazama! Utukufu wa Yahwe ulikuwa umeijaza nyumba.
6 Oo waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa.
Mtu alisimama karibu na mimi, na nikamsikia mtu mwingine akizungumza na mimi kutoka kwenye nyumba.
7 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal.
Akanambia, “Mwanadamu, hapa ndipo mahali pangu pa enzi na mahali kwa ajili ya ya miguu yangu, ambapo nitaishi kati ya watu wa Israeli milele. Nyumba ya Israeli haitalikufuru tena jina langu takatifu-wao au wafalme wao katika mahali patakatifu pao.
8 Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
Hawatalikufuru tena jina langu takatifu kwa kuweka kizingiti chao karibu na kizingiti changu, na nguzo yao ya lango karibu na nguzo yangu ya lango, bila kitu lakini ukuta kati yangu na wao. Wamelikufuru jina langu kwa matendo yao machafu, hivyo nimewala kwa hasira yangu.
9 Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.
Sasa waache waondoe udanganyifu wao na maiti za wafalme wao kutoka kwangu, na nitaishi katikati yao milele.
10 Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen.
Mwanadamu, wewe mwenyewe utaiambia nyumba ya Israeli kuhusu nyumba hii hivyo watajiskia aibu ya uovu wao. Wanaweza kutafakari kuhusu haya maelezo.
11 Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan.
Kwa kuwa wameaibika kwa yote waliyoyafanya, kisha waonyeshe mchoro wa nyumba, maelezo yake, matokeo yake, maingio yake, na mchoro wake, sheria zake zote na kanuni. Kisha andika hivi chini mbele ya macho yao ili waweze kutunza michoro yote na kanuni zake zote, hivyo kama wazitiivo.
12 Kanu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta.
Hii ndiyo sheria kwa ajili ya nyumba: Kutoka kwenye kilele cha mlima hata mpaka wote unaoizunguka, patakuwa patakatifu sana. Tazama! Hii ndiyo sheria kwa ajili ya nyumba.
13 Oo kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda.
Hivi vitakuwa vipimo vya madhabahu katika dhiraa-hiyo dhiraa kuwa dhiraa ya kawaida na urefu wa kiganja. Hivyo mfereji ulio uzunguka madhabahu utakuwa dhiraa moja chini, na upana wake pia utakuwa dhiraa moja. Mpaka wa karibu uizungukayo machinjio shubiri moja. Hii itakuwa kitako cha madhabahu.
14 Oo salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun.
Usawa wa kutoka kwenye mferji hadi kwenye machinijo ya chini ya madhabahu itakuwa dhiraa mbili, na hiyo machinjio yenyewe itakuwa dhiraa moja upana. Kisha kutoka machinjio madogo hadi kwenye machinjio makubwa ya madhabahu, itakuwa dhiraa nne, na machinjio makubwa yatakuwa dhraa moja upana.
15 Meesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees.
Meko juu ya madhabahu kwa ajili ya sadaka ya kuteketezwa ni dhiraa nne juu, na kuna pembe nne zilizoelekea juu kwenye meku.
16 Oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah.
Meku ina dhiraa kumi na moja urefu na dhiraa kumi na mbili upana, za mraba.
17 Oo qarka dhererkiisuna wuxuu ahaan doonaa afar iyo toban dhudhun, ballaadhkiisuna afar iyo toban dhudhun, oo weliba afar gees ah, oo darafka ku wareegsanuna wuxuu ahaan doonaa nus dhudhun, oo salkuna wuxuu ahaan doonaa dhudhun, jaranjarraduna waxay u sii jeedi doontaa xagga bari.
Mpaka wake ni dhiraa kumi na nne urefu na dhiraa kumi na nne upana pande zake zote nne, na ukingo wake ni nusu dhiraa upana. Mfereji ni dhiraa moja upana kuzuka kote pamoja na ngazi zielekeazo mashariki.”
18 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwanu waa qaynuunnada meesha allabariga maalintay sameeyaan inay qurbaanno la gubo ku kor bixiyaan oo ay dhiig ku kor rusheeyaan.
Kisha akanambia, “Mwanadamu, Bwana Yahwe asema hivi: Hizi ndizo sheria kwa ajili ya madhabahu katika siku watakayoitengeza, kwa ajili kutoa sadaka ya kuteketezwa kwenye hiyo, na kwa jili ya kunyunyiza damu juu yake.
19 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddada reer Laawi oo ah farcankii Saadooq, oo iigu soo dhowaada inay ii adeegaan, waxaad siisaa dibi yar oo qurbaan dembi loo bixiyo.
Utatoa ng'ombe kutoka kwenye kundi kama sadaka ya dhambi kwa ajili ya Walawi makuhani ambao ni uzao wa Zadoki, wale wajao karibu nami kunitumikia-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.
20 Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.
Kisha utachukua baadhi ya damu yake na kuiweka juu pembe nne za madhabahu na pande nne za machinjio na kuuzunguka ukingo; utaitakasa na kufanya upatanisho kwa ajili yake.
21 Oo weliba waxaad qaaddaa dibiga qurbaanka dembiga ah, oo isaga waa inuu ku gubaa meeshii loo amray ee daarta oo ah meesha quduuska ah dibaddeeda.
Kisha chukua ng'ombe kama sadaka ya dhambi na iteketezwe katika eneneo lililotengwa la nje ya patakatifu.
22 Oo maalinta labaadna waa inaad qurbaan dembi u bixisaa orgi yar oo aan iin lahayn, oo waa in meesha allabariga la nadiifiyo sidii dibigii loogu nadiifiyey oo kale.
Kisha katika siku ya pili utatoa mbuzi dume asiyekuwa na dosari kutoka kundini kama sadaka ya dhambi; makuhani wataisafisha madhabahu kama walivyoisafisha kwa ng'ombe.
23 Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.
Utakapomaliza kusafisha, toa ng'ombe asiyekuwa na dosari kutoka kwenye mifugo na kondoo dume asiyekuwa na dosari kutoka kundini.
24 Oo iyaga waa inaad u dhowaysaa Rabbiga hortiisa, oo wadaaddaduna waa inay cusbo ku kor shubaan, oo waa inay qurbaan la gubo Rabbiga ugu bixiyaan.
Watoe mbele ya Yahwe; makuhani watanyunyiza chumvi juu yao na kuwainua juu kama sadaka ya kutekezwa kwa Yahwe.
25 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.
Utaandaa mbuzi dume kama sadaka ya dhambi kila siku kwa mda wa siku saba, na makuhani pia wataandaa ng'ombe asiye na dosari kutoka kwenye kundi na kondoo dume kutoka kwenye kundi.
26 Intii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa.
Wataipatanisha madhabahu kwa siku saba na kuitakasa, wataitakasa kwa njia hii.
27 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.
Watamaliza hizi siku saba, na katika siku ya nane na kuendelea itakuwa kwamba makuhani wataandaa sadaka za kuteketezwa na sadaka za amani kwenye madhabahu, ndipo nitakapowakubali-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.”

< Yexesqeel 43 >