< Yexesqeel 43 >

1 Oo markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday.
و مرا نزد دروازه آورد، یعنی به دروازه‌ای که به سمت مشرق متوجه بود.۱
2 Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.
واینک جلال خدای اسرائیل از طرف مشرق آمد و آواز او مثل آبهای بسیار بود و زمین از جلال او منور گردید.۲
3 Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay.
و مثل منظر آن رویایی بود که دیده بودم یعنی مثل آن رویا که در وقت آمدن من، برای تخریب شهر دیده بودم و رویاهامثل آن رویا بود که نزد نهر خابور مشاهده نموده بودم. پس به روی خود در‌افتادم.۳
4 Oo sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday.
پس جلال خداوند از راه دروازه‌ای که رویش به سمت مشرق بود به خانه درآمد.۴
5 Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay.
وروح مرا برداشته، به صحن اندرونی آورد و اینک جلال خداوند خانه را مملو ساخت.۵
6 Oo waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa.
و هاتفی راشنیدم که از میان خانه به من تکلم می‌نماید ومردی پهلوی من ایستاده بود.۶
7 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal.
و مرا گفت: «ای پسر انسان این است مکان کرسی من و مکان کف پایهایم که در آن در میان بنی‌اسرائیل تا به ابدساکن خواهم شد و خاندان اسرائیل هم خودایشان و هم پادشاهان ایشان بار دیگر به زناها ولاشهای پادشاهان خود در مکان های بلند خویش نام قدوس مرا بی‌حرمت نخواهند ساخت.۷
8 Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
ازاینکه آستانه های خود را نزد آستانه من وباهوهای خویش را به پهلوی باهوهای من برپاکرده‌اند و در میان من و ایشان فقط دیواری است، پس اسم قدوس مرا به رجاسات خویش که آنهارا بعمل آورده‌اند بی‌حرمت ساخته‌اند، لهذا من در خشم خود ایشان را تلف نموده‌ام.۸
9 Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.
حال زناهای خود و لاشهای پادشاهان خویش را از من دور بنمایند و من در میان ایشان تا به ابد سکونت خواهم نمود.۹
10 Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen.
و تو‌ای پسر انسان خاندان اسرائیل را از این خانه مطلع ساز تا از گناهان خودخجل شوند و ایشان نمونه آن را بپیمایند.۱۰
11 Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan.
واگر از هر‌چه بعمل آورده‌اند خجل شوند، آنگاه صورت خانه را و نمونه و مخرجها و مدخلها و تمامی شکلها و همه فرایض و جمیع صورتها وتمامی قانونهایش را برای ایشان اعلام نما و به نظر ایشان بنویس تا تمامی صورتش و همه فرایضش را نگاه داشته، به آنها عمل نمایند.۱۱
12 Kanu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta.
وقانون خانه این است که تمامی حدودش بر سرکوه از همه اطرافش قدس اقداس باشد. اینک قانون خانه همین است.۱۲
13 Oo kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda.
و پیمایشهای مذبح به ذراعها که هر ذراع یک ذراع و یک قبضه باشد این است. سینه‌اش یک ذراع و عرضش یک ذراع و حاشیه‌ای که گرداگرد لبش می‌باشد یک وجب و این پشت مذبح می‌باشد.۱۳
14 Oo salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun.
و از سینه روی زمین تا خروج پایینی دو ذراع و عرضش یک ذراع و از خروج کوچک تا خروج بزرگ چهار ذراع و عرضش یک ذراع.۱۴
15 Meesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees.
و آتش دانش چهار ذراع و از آتش دان چهار شاخ برآمده بود.۱۵
16 Oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah.
و طول آتش دان دوازده و عرضش دوازده و از هر‌چهار طرف مربع بود.۱۶
17 Oo qarka dhererkiisuna wuxuu ahaan doonaa afar iyo toban dhudhun, ballaadhkiisuna afar iyo toban dhudhun, oo weliba afar gees ah, oo darafka ku wareegsanuna wuxuu ahaan doonaa nus dhudhun, oo salkuna wuxuu ahaan doonaa dhudhun, jaranjarraduna waxay u sii jeedi doontaa xagga bari.
و طول خروج چهارده و عرضش چهارده برچهار طرفش بود و حاشیه‌ای که گرداگردش بودنیم ذراع و دایره سینه‌اش یک ذراع و پله هایش به سمت مشرق متوجه بود.۱۷
18 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwanu waa qaynuunnada meesha allabariga maalintay sameeyaan inay qurbaanno la gubo ku kor bixiyaan oo ay dhiig ku kor rusheeyaan.
و او مرا گفت: «ای پسر انسان خداوند یهوه چنین می‌فرماید: این است قانون های مذبح درروزی که آن را بسازند تا قربانی های سوختی برآن بگذرانند و خون بر آن بپاشند.۱۸
19 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddada reer Laawi oo ah farcankii Saadooq, oo iigu soo dhowaada inay ii adeegaan, waxaad siisaa dibi yar oo qurbaan dembi loo bixiyo.
و خداوندیهوه می‌فرماید که به لاویان کهنه که از ذریت صادوق می‌باشند و به جهت خدمت من به من نزدیک می‌آیند یک گوساله به جهت قربانی گناه بده.۱۹
20 Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.
و از خونش گرفته، بر چهار شاخش و برچهار گوشه خروج و بر حاشیه‌ای که گرداگردش است بپاش و آن را طاهر ساخته، برایش کفاره کن.۲۰
21 Oo weliba waxaad qaaddaa dibiga qurbaanka dembiga ah, oo isaga waa inuu ku gubaa meeshii loo amray ee daarta oo ah meesha quduuska ah dibaddeeda.
گوساله قربانی گناه را بگیر و آن را در مکان معین خانه بیرون از مقدس بسوزانند.۲۱
22 Oo maalinta labaadna waa inaad qurbaan dembi u bixisaa orgi yar oo aan iin lahayn, oo waa in meesha allabariga la nadiifiyo sidii dibigii loogu nadiifiyey oo kale.
و در روزدوم بز نر بی‌عیبی برای قربانی گناه بگذران تامذبح را به آن طاهر سازند چنانکه آن را به گوساله طاهر ساختند.۲۲
23 Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.
و چون از طاهر ساختن آن فارغ شدی گوساله بی‌عیب و قوچی بی‌عیب از گله بگذران.۲۳
24 Oo iyaga waa inaad u dhowaysaa Rabbiga hortiisa, oo wadaaddaduna waa inay cusbo ku kor shubaan, oo waa inay qurbaan la gubo Rabbiga ugu bixiyaan.
تو آن را به حضور خداوند نزدیک بیاور و کاهنان نمک بر آنها پاشیده، آنها را به جهت قربانی سوختنی برای خداوند بگذرانند.۲۴
25 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.
هر روز از هفت روز تو بز نری برای قربانی گناه بگذران و ایشان گوساله‌ای و قوچی از گله هر دوبی عیب بگذرانند.۲۵
26 Intii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa.
هفت روز ایشان کفاره برای مذبح نموده، آن را طاهر سازند و تخصیص کنند.۲۶
27 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.
و چون این‌روزها را به اتمام رسانیدند، پس درروز هشتم و بعد از آن کاهنان قربانی های سوختنی و ذبایح سلامتی شما را بر مذبح بگذرانند و من شما را قبول خواهم کرد. قول خداوند یهوه این است.»۲۷

< Yexesqeel 43 >