< Yexesqeel 41 >

1 Markaasuu macbudkii i geeyey, oo tiirarkuu qiyaasay, oo dhinacan ballaadhku wuxuu ahaa lix dhudhun, oo dhinaca kale ballaadhkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kaasuna wuxuu ahaa taambuugga ballaadhkiisii.
Sai mutumin ya kawo ni wuri mai tsarki da yake waje ya kuma auna madogaransa; fāɗin gefe-gefen kamu shida ne a kowane gefe.
2 Oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kadinka dhinacyadiisuna waxay ahaayeen shan dhudhun oo dhinaca iyo shan dhudhun oo dhinaca kale ah, oo dhererkiisuu qiyaasay oo wuxuu ahaa afartan dhudhun oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.
Faɗin ƙofar shiga kamu goma ne, fāɗin bangaye a kowane madogararta kamu biyar-biyar ne. Ya kuma auna wuri mai tsarkin da yake waje; tsawonsa kamu arba’in fāɗinsa kuma kamu ashirin.
3 Oo haddana guduhuu galay oo wuxuu qiyaasay tiir kasta oo kadinka oo wuxuu ahaa laba dhudhun, oo kadinkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toddoba dhudhun.
Sa’an nan ya shiga wuri mai tsarki da yake can ciki ya auna madogarar ƙofar shigar; fāɗin kowanne kamu biyu ne. Faɗin ƙofar shigan kamu shida ne, fāɗin bangayen a kowane gefenta kamu bakwai-bakwai ne.
4 Oo haddana wuxuu qiyaasay dhererkiisii oo ahaa labaatan dhudhun, iyo ballaadhkiisii oo ahaa labaatan dhudhun oo macbudka hortiisa ku yiil; oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ugu wada quduusan.
Ya kuma auna tsawon wuri mai tsarki da yake can ciki; tsawon kamu ashirin ne, fāɗinsa kuma kamu ashirin daga ƙurewa wuri mai tsarki da yake waje. Ya ce mini, “Wannan shi ne Wuri Mafi Tsarki.”
5 Markaasuu qiyaasay daarta derbigeedii oo ahaa lix dhudhun, oo qollad kasta ballaadhkeedu wuxuu ahaa afar dhudhun oo daarta dhinac kasta kaga wareegsan.
Sa’an nan ya auna bangon haikalin; kaurinsa kamu shida ne, kuma kowane ɗakin da yake a gefe kewaye da haikalin fāɗinsa kamu huɗu ne.
6 Oo qolladahana waxay ahaayeen saddex dabaqadood oo midba mid ka sarrayso, oo dabaqad kastaaba waxay ahayd soddon qolladood, oo waxay ku yiilleen derbigii qolladaha ee daarta ku wareegsanaa, si ay u qabsadaan aawadeed, laakiinse iyagu daarta derbigeeda kuma ay oollin.
Ɗakunan da suke gefe masu hawa uku ne, wani bisa wani, guda talatin a kowane hawa. Akwai katanga kewaye da bangayen haikalin don ta tokare ɗakunan, domin ba a so ɗakunan su jingina da bangon haikalin.
7 Oo qolladuhuna way sii ballaadheen inay daarta kor ugu sii wareegayeen, waayo, wareegga daarta kor buu u sii kacay isagoo daarta ku wareegsan, sidaas daraaddeed daarta ballaadhkeedu xagga saruu u sii socday, oo waxaa qowladda ugu hoosaysa iyo tan ugu sarraysa lagaga fuulay qowladda dhexe.
Faɗin ɗakunan da suke gefe kewaye da haikalin ya yi ta ƙaruwa daga hawa zuwa hawa. Ginin da aka yi kewaye da haikalin ya yi ta ƙaruwa daga hawa zuwa hawa, don haka ɗakunan suka yi ta ƙara fāɗi yayinda suka ƙara bisa. Akwai mataki daga ɗaki na ƙasa zuwa ɗaki na bisa ta hanya hawa ɗaki na tsakiya.
8 Haddana waxaan arkay inay daartu ku dhisnayd meel sallax ah oo sare oo ku wareegsanayd, oo aasaaska qolladaha dhererkiisu wuxuu ahaa cawsduur kaamil ah oo ah lix dhudhun oo dhaadheer.
Na ga cewa haikalin yana da ɗagaggen tushe kewaye da shi, wanda ya zama harsashin ɗakunan da suke gefe. Tsawonsa kara guda ne mai tsawon kamu shida.
9 Oo qolladaha derbigooda dibadda ah qaradiisuna waxay ahayd shan dhudhun, oo intii hadhayna waxay ahayd meeshii qolladaha ee daarta.
Kaurin bangon waje na ɗakunan da suke gefe kamu biyar ne. Faɗin filin da yake tsakanin ɗakunan da suke gefen haikalin
10 Oo qolladaha dhexdoodana waxaa ku tiil meel ballaadhkeedu labaatan dhudhun yahay oo daarta dhinac kasta kaga wareegsan.
da ɗakunan firistoci kamu ashirin ne kewaye da haikalin.
11 Oo qolladaha albaabbadooduna waxay u sii jeedeen meesha hadhay xaggeeda, albaab woqooyi buu u sii jeeday oo mid kalena koonfur buu u sii jeeday, oo meesha hadhay ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun oo hareeraheeda ku wada wareegsan.
Akwai ƙofofin shiga daga fili, ɗaya a arewa ɗaya kuma a kudu; fāɗin tushen da ya yi kusa da filin kamu biyar ne kewaye.
12 Oo dhismihii meesha goonida ka horreeyey oo galbeedka ku tiil ballaadhkiisu wuxuu ahaa toddobaatan dhudhun, oo dhismaha derbigiisa ku wareegsan qaradiisuna waxay ahayd shan dhudhun, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa sagaashan dhudhun.
Faɗin ginin da yake fuskantar filin haikali a wajen yamma kamu saba’in ne. Kaurin bangon ginin kamu biyar ne kewaye, tsawonsa kuma kamu tasa’in ne.
13 Oo daartii buu qiyaasay, oo dhererkeedii wuxuu ahaa boqol dhudhun, oo dhismihii meesha goonida ahayd iyo derbiyadiisiina dhererkoodii waxay ahaayeen boqol dhudhun.
Sa’an nan ya auna haikalin; tsawonsa kamu ɗari ne, tsawon filin haikalin da ginin tare da bangayensa su ma kamu ɗari ne.
14 Oo ballaadhka daarta horteeda iyo meeshii goonida ahayd ee xagga bari u jeedday waxay ahaayeen boqol dhudhun.
Faɗin filin haikalin a wajen gabas, haɗe da gaban haikalin, kamu ɗari ne.
15 Oo haddana wuxuu qiyaasay dhererkii dhismihii ka soo hor jeeday meeshii goonida ahayd oo xagga dambe jirtay, iyo balbalooyinkeedii dhinacan iyo dhinacaasba ka xigay, oo waxay ahaayeen boqol dhudhun, oo waxaa weheliyey macbudkii hoose iyo balbalooyinkii barxadda,
Sa’an nan ya auna tsawon ginin da yake fuskantar filin a bayan haikalin, haɗe da rumfunansa a kowane gefe, kamu ɗari. Wuri mai tsarki da yake waje, wuri mai tsarki da yake can ciki da shirayin da yake fuskantar filin,
16 iyo marinnadii albaabbada, iyo daaqadihii cidhiidhsanaa, iyo balbalooyinkii ku wareegsanaa saddexdooda dabaqadoodba, oo marinka albaabka ka soo hor jeedayba waxaa lagu dahaadhay alwaax ku wareegsan tan iyo dhulka iyo ilaa daaqadaha inta ka dhex leh, (oo daaqaduhuna way dednaayeen),
da madogaran ƙofa da matsattsun tagogi da rumfuna kewaye da su ukun, har da kome da yake gaba haɗe da madogarar ƙofa, an rufe su da katako. An rufe bangon haikalin daga ƙasa har zuwa tagogi, tagogin kuwa an rufe su.
17 iyo albaabka dushiisa, iyo xataa daarta gudaheeda iyo dibaddeeda, iyo derbiga ku wareegsan gudaha iyo dibaddaba, qiyaas buu ku qiyaasay.
A filin da yake bisan ƙofar shiga na waje zuwa wuri mai tsarki na can ciki da kuma a bangayen da aka daidaita tsakani kewaye da wuri mai tsarki na can ciki da kuma na can waje
18 Oo waxaa lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo geed timireedba wuxuu ku dhex yiil laba keruub, oo keruub kastaaba wuxuu lahaa laba weji.
an zāna siffofin kerubobi da na itatuwan dabino. Zānen siffar itacen dabino yana a tsakanin kerub da kerub. Kowane kerub yana da fuska biyu,
19 Oo mid nin wejigiis u egu wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinacan ku yaal xaggiisa, oo mid aaran libaax wejigiis u eguna wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinaca kale ku yaal xaggiisa, oo daarta hareereheeda oo dhanna saasaa lagu wada sameeyey.
fuskar ɗaya kamar ta mutum tana fuskantar zānen siffar itacen dabino a wannan gefe, ɗaya fuskar kamar ta zaki tana fuskantar zānen siffar itacen dabino na wancan gefe. Haka aka zāna su dukan a jikin bangon haikalin kewaye.
20 Oo dhulka iyo albaabka korkiisa inta ka dhex leh waxaa lagu sameeyey keruubiim iyo geedo timireed, oo derbiga macbudkana sidaas oo kale waa loo sharraxay.
Daga ƙasa zuwa daurin ƙofa, an zāna siffofin kerubobi da na itatuwan dabino a waje na wuri mai tsarki.
21 Oo macbudka tiirarkiisuba waxay ahaayeen afar gees, oo meesha quduuska ah horteeduna way u ekayd.
Wuri mai tsarki da yake waje yana da madogarar ƙofa murabba’i, haka ma wadda take a gaban Wuri Mafi Tsarki.
22 Meesha allabariga alwaax bay ahayd, oo sarajooggeedu wuxuu ahaa saddex dhudhun, dhererkeeduna laba dhudhun, oo geeseheeda, iyo dhererkeeda, iyo dhinacyadeeduba waxay wada ahaayeen alwaax. Markaasuu igu yidhi, Kanu waa miiska Rabbiga hortiisa yaal.
Akwai bagaden katako mai tsayi kamu uku, fāɗinsa kamu biyu da kuma tsawonsa kamu biyu; kusurwansa, tushensa da kuma gefe-gefensa duk katako ne. Sai mutumin ya ce mini, “Wannan shi ne tebur da yake a gaban Ubangiji.”
23 Oo macbudka iyo meesha quduuska ahu waxay lahaayeen laba albaab.
A wuri mai tsarki da yake waje da kuma Wuri Mafi Tsarki suna da ƙofa biyu a haɗe.
24 Oo labada albaab midkiiba wuxuu lahaa laba qaybood, kuwaasoo ah laba qaybood oo isku laalaaban. Albaab wuxuu lahaa laba qaybood, oo albaabka kalena wuxuu lahaa laba qaybood.
Kowace ƙofa tana da murfi biyu masu buɗewa ciki da waje.
25 Oo waxaa albaabbada macbudka lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo u ekaa kuwii derbiyada lagu sharraxay, oo balbalada dibadda horteedana waxaa ku yiil looxaan qaro weyn.
A ƙofofin wuri mai tsarki da yake waje an zāna siffofin kerubobi da na itatuwan dabino kamar yadda aka zāna a bangayen, akwai kuma rumfar da aka yi da itace a gaban shirayin.
26 Oo balbalada dhinacyadeeda waxaa ku yiil daaqado cidhiidhsan iyo geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba ku yaal oo daarta qolladeheeduna saasoo kalay ahaayeen, iyo looxaantii qarada weynayd.
A bangayen da suke gefen shirayin akwai matsattsun tagogi da aka zāna siffar itatuwan dabino a kowane gefe. Gefe-gefen ɗakunan haikalin ma suna da rumfuna.

< Yexesqeel 41 >