< Yexesqeel 40 >
1 Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.
И бысть во двадесять пятое лето пленения нашего, перваго месяца, в десятый день месяца, в четвертоенадесять лето но пленении града, в той день бысть на мне рука Господня: и веде мя тамо,
2 Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.
в видении Божии веде мя на землю Израилеву и постави мя на горе высоце зело, на нейже яко сограждение града прямо (полудне),
3 Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.
и введе мя тамо: и се, муж, и зрак его бяше, яко видение меди блещащияся, и в руце его бяше вервь зиждущих и трость мерителная. Той же стояше у врат
4 Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.
и рече ко мне: видел ли еси, сыне человечь? Виждь очима твоима и ушима твоима слыши, и учини в сердцы твоем вся, елика аз показую тебе, зане того ради вшел еси семо, да покажу тебе, и покажеши ты вся, елика видиши, дому Израилеву.
5 Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.
И се, ограда внеуду окрест храма, и в руце мужа мера тростяна шести лакот в лакоть шестодланный, и измери предстение ширину равно трости, и высоту его равно трости.
6 Oo wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur.
И вниде во врата зрящая на восток седмию степеньми, и измери фее, шесть о сию страну, шесть же об ону, и елам дверный равно трости.
7 Oo qollad kastaba dhererkeedu wuxuu ahaa cawsduur, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa cawsduur, oo qolladahana waxaa u dhexeeyey shan dhudhun, oo marinka iridda oo balbalada iridda u dhowayd dhankiisa guduhu wuxuu ahaa cawsduur.
И фее равно трости в долготу и равно трости в широту, и аилам среде феилаф шести лакот. И фее второе равно трости в широту и равно трости в долготу, елам же пяти лакот.
8 Haddana wuxuu qiyaasay iriddii balbaladeedii oo daarta u jeedday, waxayna ahayd cawsduur.
И фее третие равно трости в долготу и равно трости в широту,
9 Oo haddana wuxuu qiyaasay balbaladii iridda, waxayna ahayd siddeed dhudhun, tiirarkeeduna waxay ahaayeen laba dhudhun, oo iridda balbaladeeduna daartay u jeedday.
елам же вратный, иже близ елама двернаго осми лакот, аилев же двою лактей: и елам дверный внутрьуду.
10 Oo iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen.
И фее дверныя прямо фее, три о сию страну и три об ону, мера же едина трием: и мера едина аилам сюду и сюду.
11 Oo haddana wuxuu qiyaasay kadinkii iridda ballaadhkiisii, wuxuuna ahaa toban dhudhun, oo iridda dhererkeeduna wuxuu ahaa saddex iyo toban dhudhun.
И размери широту входа вратнаго десяти лактей, широту же вратную тринадесяти лактей,
12 Oo qolladaha darafkii ka horreeyey dhinaciisuna wuxuu ahaa dhudhun oo darafkii dhinaciisa kalena wuxuu ahaa dhudhun, oo qolladaha dhinacooduna wuxuu ahaa lix dhudhun oo dhinaca kalena wuxuu ahaa lix dhudhun.
и лакоть един сводимь прямо фееим лактя единаго и лактя единаго, предел сюду и сюду, и фее шести лактей о сию страну и шести лактей об ону страну.
13 Oo haddana iridda qollad saqafkeed ilaa qollad kale saqafkeed ayuu qiyaasay, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun albaab ilaa albaab.
И размери врата от стены фее до стены фее, широта двадесяти и пяти лактей: сия врата ко вратом,
14 Oo haddana wuxuu qiyaasay tiirarkii oo ahaa lixdan dhudhun, kuwaas oo gaadhay tiirkii barxaddii iridda ku wareegsanayd.
и непокровенное елама врат шестидесяти лактей, (двадесяти пяти) и фее двора окрест,
15 Oo kadinka iridda laga soo galo hortiisa iyo ilaa barxadda iridda hoose inta u dhaxaysaa waxay ahayd konton dhudhun.
и непокровенное врат отвне в непокровенное (врат) елама врат внутрьуду пятьдесят лактей.
16 Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed.
И оконца сокровена фееим и в аилам внутрь врат двора окрест: такожде и елам оконца внутрьуду окрест, и на аилам финики сюду и сюду (изваяны).
17 Markaasuu barxaddii dibadda i geeyey, oo bal eeg, waxaa ku yiil qollado iyo dhul sallax ah oo barxadda ku wareegsan loo sameeyey. Soddon qolladood ayaa dhulka sallaxa ah ku tiil.
И введе мя во двор внутренний, и се, преграждения и междустолпия окрест двора, преграждений же тридесять в междустолпиих,
18 Oo dhulka sallaxa ah oo irdaha dhinacooda ku yiil oo irdaha ka soo hor jeeday wuxuu ahaa dhulka sallaxa ah oo hoose.
и притворы противу задней стране врат, по долготе врат междустолпие нижнее.
19 Markaasuu qiyaasay ballaadhkii iridda hoose horteeda iyo tan iyo barxadda hoose horteeda dibadda ah, xagga bari iyo xagga woqooyi, oo wuxuu ahaa boqol dhudhun.
И размери широту двора от непокровенаго врат внешних внутрь ко непокровеному врат зрящих вне, лактей сто зрящих на восток: и введе мя на север,
20 Oo barxaddii dibadda iriddeedii xagga woqooyi u sii jeeddayna wuxuu qiyaasay dhererkeedii iyo ballaadhkeediiba.
и се, врата зрящая на север двору внешнему, и размери я, долготу их и широту.
21 Oo qolladaheeduna waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo tiirarkooda iyo meelahooda dedan waxay la qiyaas ahaayeen iridda kowaad. Dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
И фее три о сию страну, три же об ону, и аилев, и еламы, и финики их: и бысть по мере врат зрящих на восток, пятидесяти лактей долгота их, а широта их двудесяти и пяти лактей:
22 Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.
и оконца их, и еламы, и финики их, якоже врата зрящая на восток: и седмию восходами восхождаху на ня, и еламы внутрьуду.
23 Oo barxadda hoose iriddeeduna waxay ka soo hor jeedday iriddii kale oo xagga woqooyi iyo xagga bari jirtay, oo irid ilaa iridda kale ayuu qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
И врата двору внутреннему зрящая ко вратом северным, якоже врата зрящая на восток: и размери двор от врат до врат лактей сто.
24 Oo haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale.
И веде мя к югу, и се, врата зрящая на юг, и размери я, и фее, и аилева, и еламы, по темжде мерам.
25 Oo iyada iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo waxay u ekaayeen daaqadahaas kale; dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
И оконца их и еламы окрест якоже и оконца елаг, пятидесяти лактей долгота их, а широта двудесяти и пяти лактей,
26 Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.
и седмь восходов им, и еламы внутрьуду, и финики их, един о сию страну, а другий об ону над аилев.
27 Oo barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
И врата прямо вратом двора внутренняго на юг: и размери двор от врат до врат на юг, сто лактей в широту.
28 Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.
И введе мя во двор внутренний врат, яже на юг, и размери врата, яже на юг, по темжде мерам:
29 Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba sidaas oo kaluu u qiyaasay, oo iyada, iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
и фее, и аилев, и еламы по темжде мерам.
30 Oo meelaha dedan oo ku wareegsan dhererkoodu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan dhudhun.
И оконца их и еламы окрест, пятидесяти лактей долгота их, а широта двудесяти и пяти лактей.
31 Oo meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
Еламы же во двор внешний, и финики аилев, и осмь восходов.
32 Oo haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale.
И введе мя во врата зрящая на восток, и размери я по темжде мерам, и фее и аилев и еламы по темжде мерам.
33 Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba waxay wada lahaayeen qiyaastaas oo kale, oo iyada iyo meelaheedii dednaa oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
И оконца им, и еламы и окрест, пятидесяти лактей долгота их, а широта их двудесяти и пяти лактей.
34 Oo meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
И еламы во двор внутренний, и финики на аилев сюду и сюду, и осмь восходов им.
35 Markaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay
И введе мя во врата яже на север, и размери по темжде мерам,
36 qolladaheeda, iyo tiirarkeeda, iyo meelaheeda dedan, oo waxay lahayd daaqado ku wareegsan, oo dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
и фее и аилев и еламы, и оконца им окрест, пятидесяти лактей долгота их, а широта двудесяти и пяти лактей,
37 Oo tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
и еламы во внешний двор, и финики аилеву сюду и сюду, и осмь восходов им.
38 Oo waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay.
И преграды их, и двери их, и еламы их пред враты их вторыми сток, тамо измывают всесожжения.
39 Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.
Во еламе же врат, две трапезы о сию страну, две же об ону, еже закалати на них всесожжения, яже за грехи и яже за неведение.
40 Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.
И созади стока всесожжений дверий зрящих на север две трапезы на восток противу задней стране (дверий) вторых, и противу елама врат две трапезы на восток.
41 Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.
Четыри о сию страну, четыри же об ону противу задней стране врат, на тех закалают заколения: прямо осми трапез заколений:
42 Oo waxaa jiray afar miis oo dhagax la qoray laga sameeyey oo allabariga la gubo lagu dul diyaariyo, oo dhererkoodu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, ballaadhkooduna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggooduna wuxuu ahaa dhudhun, oo korkoodana waxaa la saari jiray alaabta qurbaanka la gubo iyo allabariga lagu qalo.
четыри же трапезы всесожжений каменны истесаны, в широту лактя единаго и пол, в долготу двух лактей и пол, а в высоту лакоть един: на тыя возлагают орудия, имиже закалают тамо всесожжения и заколения.
43 Oo waxaa gudaha ugu xidhnaa qabatooyin ballaadhkoodu taako yahay oo hareerahooda oo dhan kaga wareegsan, oo miisaskii korkoodana waxaa saarnaa hilibkii qurbaanka.
И имеют ограждение мало истесано на длань внутрьуду окрест, верху же трапезы покров, еже покрыватися им от дождя и зноя.
44 Oo iridda hoose dibaddeedana waxaa ku yiil qolladihii kuwa gabya oo barxadda hoose ku yiil, oo mid waxay ku ag tiil iridda woqooyi oo waxay u sii jeedday xagga koonfureed, oo tanna waxay ag tiil iridda bari oo waxay u sii jeedday xagga woqooyi.
И введе мя во двор внутреннейший, и се, две преграды во внутреннейшем дворе, едина противу задней стране врат зрящих на север, вводящая на юг, а другая противу задней стране врат сущих на юг, зрящих же к северу.
45 Oo wuxuu igu yidhi, Qolladdan xagga koonfureed u sii jeedda waxaa iska leh wadaaddada daarta taladeeda haya.
И рече ко мне: преграда сия, яже зрит на юг, жерцем есть, иже стрегут стражбу храма:
46 Oo qowladda xagga woqooyi u sii jeeddana waxaa iska leh wadaaddada meesha allabariga taladeeda haya, oo kuwaasu waa reer Saadooq oo reer Laawi ka mid ah, oo Rabbiga ugu soo dhowaada inay isaga u adeegaan.
а преграда, яже зрит к северу, жерцем есть стрегущым стражу требника: тии суть сынове Садуковы, приступающии от Левиа ко Господеви, еже служити Ему.
47 Oo haddana wuxuu qiyaasay barxaddii oo dhererkeedu yahay boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna yahay boqol dhudhun, oo afar gees ah, oo meeshii allabariguna daartay ka horraysay.
И размери двор ста лактей в долготу и в широту ста лактей, на четыри страны его, и требник прямо храму.
48 Markaasuu balbaladii daarta i geeyey, oo wuxuu qiyaasay balbalada tiirarkeedii, oo dhinacan wuxuu ahaa shan dhudhun, dhinacaasna wuxuu ahaa shan dhudhun; oo iridda ballaadhkeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhinacan ah iyo saddex dhudhun oo dhinacaas ah.
И введе мя во елам храма: и размери аил елама пяти лактей широту о сию страну, пяти же лактей об ону, широта же дверная четырехнадесяти лактей, и бока дверная елама три лакти о сию страну, три же об ону.
49 Oo balbalada dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa kow iyo toban dhudhun, oo jaranjarro baa loogu fuuli jiray, oo tiirarka waxaa ku ag yiil tiirar waaweyn, mid dhinacan kaga yaal, midka kalena dhinacaas kaga yaal.
Долгота же елама двадесять лактей, а широта дванадесять лактей: и десятию степеньми восхождаху к нему, и столпи бяху у аилама, един о сию страну, а другий об ону.