< Yexesqeel 38 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Awurade asɛm baa me nkyɛn sɛ,
2 Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg.
“Onipa ba, fa wʼani si Gog, a ɛwɔ Magog asase so no so, Mesek ne Tubal ɔberempɔn no; hyɛ nkɔm tia no
3 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
na ka sɛ: ‘Yei ne deɛ Otumfoɔ Awurade seɛ: Me ne wo anya, Gog, Mesek ne Tubal ɔberempɔn.
4 Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,
Mɛkyinkyim wo na mede nnarewa asosɔ wʼapantan mu, na mede wo ne wʼakodɔm nyinaa, wʼapɔnkɔ, wʼapɔnkɔtesofoɔ a wɔhyehyɛ akotaadeɛ ne ɛdɔm kɛseɛ a wɔkurakura akokyɛm akɛseɛ ne nketewa a wɔn nyinaa rehinhim wɔn akofena, apue.
5 iyagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita,
Persia, Kus ne Put a wɔn nyinaa kurakura akokyɛm na wɔhyehyɛ wɔn dadeɛ kyɛ bɛka wɔn ho,
6 iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira.
afei Gomer ne nʼasraafoɔ nyinaa ne Bet-Togarma a wɔfiri atifi fam akyirikyiri ne nʼasraafoɔ ne aman bebree bɛka wo ho.
7 Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.
“‘Siesie wo ho, yɛ krado, wo ne nipakuo a wɔaboaboa wɔn ho ano wɔ wo nkyɛn nyinaa na yɛ wɔn so hwɛfoɔ.
8 Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.
Nna bebree akyi no, wobɛtwe atuo. Mfeɛ bi akyi no wobɛko afa asase bi a wafiri ɔko mu afirie na wɔaboaboa ɛso nnipa afiri amanaman so aba Israel mmepɔ a ada mpan akyɛre no so. Wɔde wɔn fifiri amanaman no mu, na seesei wɔn nyinaa te asomdwoeɛ mu.
9 Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.
Wo ne wʼasraafoɔ nyinaa ne aman bebrebe a wɔwɔ wo nkyɛn no bɛforo akɔ mo anim sɛ ahum. Mobɛyɛ sɛ omununkum akata asase no so.
10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,
“‘Yei ne deɛ Otumfoɔ Awurade seɛ: Saa ɛda no, nsusuiɛ bi bɛba wo tirim na wobɛdwene nhyehyɛeɛ bɔne bi.
11 oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,
Wobɛka sɛ, “Mɛko afa asase a wɔntoo ɛso nkuraa ho fasuo. Mɛto ahyɛ nnipa a wɔwɔ asomdwoeɛ na wɔnnwene hwee ho, a wɔn mu biara nni ɔfasuo, apono ne akyi adaban.
12 inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.
Mɛfom na mawia na madane me nsa atia amanfo a nnipa abɛtena soɔ ne nnipa a wɔaboa wɔn ano afiri amanaman so, nnipa a ayɛmmoa ne adwadideɛ abu wɔn soɔ na wɔtete asase no mfimfini.”
13 Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?
Seba ne Dedan ne Tarsis adwadifoɔ ne ne nkuraase nyinaa bɛbisa wo sɛ, “Woaba sɛ worebɛfom anaa? Woaboa wo dɔm ano sɛ morebɛwia na moasoa dwetɛ ne sikakɔkɔɔ, ayɛmmoa ne adwadideɛ akɔ na moafa afodeɛ bebree abranso anaa?”’
14 Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?
“Ɛno enti, onipa ba hyɛ nkɔm kyerɛ Gog sɛ, ‘Yei ne deɛ Otumfoɔ Awurade seɛ: Saa ɛda no, ɛberɛ a me nkurɔfoɔ Israelfoɔ te hɔ asomdwoeɛ mu no, worennwene ho anaa?
15 Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.
Wobɛfiri wʼasase so wɔ atifi fam nohoa tɔnn, wo ne aman bebree a wɔn nyinaa tete apɔnkɔ soɔ, nipadɔm kɛseɛ, asraadɔm a ɛso.
16 Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.
Mobɛtu atene akɔtia me nkurɔfoɔ Israelfoɔ te sɛ omununkum a ɛkata asase no so. Nna a ɛbɛba no mu, Gog, mɛma woasɔre atia mʼasase, sɛdeɛ aman no bɛhunu me, ɛberɛ a menam wo so bɛda me ho adi sɛ ɔkronkronni wɔ wɔn anim.
17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono?
“‘Yei ne deɛ Otumfoɔ Awurade seɛ: Ɛnyɛ wo ne deɛ menam mʼasomfoɔ Israel adiyifoɔ so kaa wo ho asɛm nna a atwam no anaa? Saa ɛberɛ no, wɔde mfeɛ bebree hyɛɛ nkɔm sɛ mɛma wo so de atia wɔn.
18 Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Yei ne deɛ ɛbɛsi saa ɛda no. Sɛ Gog to hyɛ Israel asase so a, mʼabufuhyeɛ bɛsɔre, Otumfoɔ Awurade asɛm nie.
19 Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,
Mʼanem ne mʼabufuhyeɛ mu, mepae mu ka sɛ, saa ɛberɛ no asasewosoɔ kɛseɛ bɛba Israel asase so.
20 oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.
Ɛpo mu mpataa, ewiem nnomaa, wiram mmoa, abɔdeɛ biara a ɛwea asase soɔ ne nnipa a wɔwɔ asase so nyinaa ho bɛpopo wɔ mʼanim. Mmepɔ bɛtutu agu, abotan bɛdwiri na afasuo nyinaa abubu agu fam.
21 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis.
Mɛfrɛ akofena abɛtia Gog wɔ me mmepɔ nyinaa so, Otumfoɔ Awurade asɛm nie. Wɔde akofena bɛsɔre atia wɔn ho wɔn ho.
22 Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud.
Mede ɔyaredɔm ne mogyahwiegu bɛbu no atɛn, mɛhwie osubrane, ampariboɔ, ogya ne sɔfe a ɛdɛre agu ɔno ne nʼasraafoɔ ne aman bebree a wɔka ne ho no so.
23 Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Enti mɛda me kɛseyɛ ne me kronkronyɛ adi, na mama amanaman ahunu me. Afei wɔbɛhunu sɛ mene Awurade no.’

< Yexesqeel 38 >