< Yexesqeel 36 >

1 Oo weliba Wiilka Aadamow, buuraha reer binu Israa'iil wax u sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Rabbiga maqla.
“Ɗan mutum, ka yi annabci wa duwatsun Isra’ila ka ce, ‘Ya duwatsun Isra’ila, ku ji maganar Ubangiji.
2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadowgu wuxuu idinku yidhi, Ahaa, xataa meelihii sarsare oo hore annagaa hanti ahaan u leh.
Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa abokin gāba yana magana game da ku cewa, “Yauwa! Tsofaffin tuddai sun zama mallakarmu yanzu.”’
3 Sidaas daraaddeed wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyagu cidla bay idinka dhigeen, oo dhinac kastaba way idinka liqeen, si aad quruumaha kale hanti ugu noqotaan, oo waxaa laydinku hadal hayaa bushimaha waranwarrowyada, oo dadyowgaad ceeb u tihiin.
Saboda haka ka yi annabci ka ce, ‘Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa domin sun lalace ku suka kuma maishe ku kufai marar amfani a kowane gefe saboda ku zama mallakar sauran al’ummai da kuma abin magana da tsegumi ga mutane,
4 Sidaas daraaddeed buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Sayidka Rabbiga ah maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha iyo kuraha, iyo webiyaasha, iyo dooxooyinka, iyo meelaha cidlada ah, iyo magaalooyinka laga tegey oo quruumaha kale ee ku wareegsan wax la dhaco oo la quudhsado u noqday,
saboda haka, ya duwatsun Isra’ila, ku ji maganar Ubangiji Mai Iko Duka, ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana faɗa wa duwatsu da tuddai, wa kwazazzabai da kwaruruka, wa kufai da garuruwan da suka zama kango waɗanda aka washe aka wulaƙanta suka zama ganimar sauran al’ummai da suke kewaye da ku,
5 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.
ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa cikin kishina mai ƙuna na yi magana gāba da sauran al’ummai, da kuma gāba da Edom, gama da farin ciki da reni a zukatansu suka mai da ƙasata mallakarsu don su washe wuraren kiwonta.’
6 Sidaas daraaddeed dalka reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg, oo waxaad buuraha iyo kuraha iyo webiyaasha iyo dooxooyinkaba ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, masayrkaygii iyo cadhadaydii ayaan ku hadlay, maxaa yeelay, idinku waxaad sidateen ceebtii quruumaha.
Saboda haka ka yi annabci game da ƙasar Isra’ila ka kuma ce wa duwatsu da tuddai, wa kwazazzabai da kwaruruka, ‘Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa ga shi, na yi magana da kishina da hasalata saboda sun sha zargi wurin al’ummai.
7 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacan taagan ayaan ku dhaartay oo idhi, Hubaal quruumaha idinku wareegsanu ceebtooday sidan doonaan.
Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa na ɗaga hannuna sama na rantse cewa al’ummai da suke kewaye da ku za su sha ba’a.
8 Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.
“‘Amma ku, ya duwatsun Isra’ila, za ku miƙa rassanku ku ba da amfani ga mutanena Isra’ila, gama ba da daɗewa ba za su komo gida.
9 Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa.
Na damu da ku kuma zan dube ku da tausayi; za ku nome ku kuma shuka,
10 Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa.
zan kuma riɓaɓɓanya mutane a kanku, dukan gidan Isra’ila ke nan. Za a zauna a birane a kuma sāke gina rusassun wurare.
11 Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Zan sa mutane da dabbobi su yi yawa a kanku, za su kuma ba da’ya’ya su kuma yi yawa. Zan zaunar da mutane a kanku kamar dā zan kuma sa ku wadaita fiye da dā. Sa’an nan za ku san cewa ni ne Ubangiji.
12 Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid.
Zan sa mutanena Isra’ila su yi tafiya a kanku. Za su mallake ku, za ku kuma zama gādonsu; ba za ku ƙara sa su rasa’ya’yansu ba.
13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa lagu yidhaahdaa, Dalyahow, dadka waad baabbi'isaa oo quruuntaadiina waad gablamisay,
“‘Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa domin mutane suna magana game da ku cewa, “Kun cinye mutane kuka kuma sa al’ummarku ta rasa’ya’yanta,”
14 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid.
saboda haka ba za ku ƙara cinye mutane ko ku sa al’ummarku ta rasa’ya’ya ba, in ji Ubangiji Mai Iko Duka.
15 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa inaan mar dambe ceebtii quruumaha dhexdaada laga maqal, oo mar dambena caydii dadyowga siima aad sidan doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad turunturayn doontid.
Ba zan ƙara bari ku ji maganar banza ta al’ummai ba, ba kuwa za ku ƙara shan ba’ar mutane ko in sa al’ummarku ta fāɗi ba, in ji Ubangiji Mai Iko Duka.’”
16 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Maganar Ubangiji ta sāke zuwa mini cewa,
17 Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.
“Ɗan mutum, sa’ad da mutanen Isra’ila suke zama a ƙasarsu, sun ƙazantar da ita ta wurin halinsu da kuma ayyukansu. Halinsu ya yi kamar rashin tsarkin mace a lokacin al’adarta a gabana.
18 Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.
Saboda haka na husata da su domin sun yi kisankai a ƙasar kuma domin sun ƙazantar da ita da gumakansu.
19 Oo markaasaan iyagii quruumaha ku kala dhex firdhiyey, oo waddammaday ku kala firidhsanaayeen. Waxaan iyaga u xukumay siduu socodkoodu ahaa iyo siday falimahoodu ahaayeen.
Na warwatsa su cikin al’ummai, suka kuwa warwatsu cikin dukan ƙasashe; na hukunta su gwargwadon halinsu da ayyukansu.
20 Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.
Kuma ko’ina da suka tafi a cikin al’ummai sun ɓata sunana mai tsarki, gama an yi magana a kansu cewa, ‘Waɗannan mutanen Ubangiji ne, duk da haka dole su bar ƙasarsa.’
21 Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.
Na damu saboda sunana mai tsarki, wanda gidan Isra’ila ya ɓata a cikin al’ummai inda suka tafi.
22 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.
“Saboda haka ka faɗa musu cewa, ‘Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa ba dominku ba ne, ya gidan Isra’ila da nake yin waɗannan abubuwa, amma saboda sunana ne mai tsarki, wanda kuka ɓata a cikin al’ummai inda kuka tafi.
23 Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.
Zan nuna tsarkin girman sunana, wanda aka ɓata a cikin al’umma, sunana da kuka ɓata a cikinsu. Sa’an nan al’ummai za su san cewa ni ne Ubangiji, in ji Ubangiji Mai Iko Duka, sa’ad da na nuna kaina mai tsarki ta wurinku a idanunsu.
24 Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
“‘Gama zan fitar da ku daga al’ummai; zan tattara ku daga dukan ƙasashe in komo da ku zuwa ƙasarku.
25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
Zan yayyafa muku ruwa mai tsabta, zan kuwa tsarkake ku daga dukan ƙazantarku daga kuma dukan gumakanku.
26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.
Zan ba ku sabuwa zuciya in kuma sa sabon ruhu a cikinku; zan fid da zuciyar dutse in kuma ba ku zuciyar nama.
27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
Zan kuma sa Ruhuna a cikinku in kuma motsa ku ku bi ƙa’idodina ku kuma kiyaye dokokina.
28 Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
Za ku zauna a ƙasar da na ba wa kakanninku; za ku zama mutanena, ni kuwa zan zama Allahnku.
29 Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
Zan cece ku daga dukan rashin tsabtarku. Zan sa hatsi ya yi yalwa ba zan kawo yunwa a kanku ba.
30 Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.
Zan ƙara’ya’yan itatuwa da amfanin gona, saboda kada ku ƙara shan kunya a cikin al’ummai saboda yunwa.
31 Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.
Sa’an nan za ku tuna mugayen hanyoyinku da mugayen ayyukanku, za ku kuwa ji ƙyamar kanku saboda zunubanku da kuma ayyukanku na banƙyama.
32 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
Ina so ku san cewa ba na yi wannan saboda ku, in ji Ubangiji Mai Iko Duka. Ku ji kunya ku kuma giggita saboda halinku, ya gidan Isra’ila!
33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.
“‘Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa a ranar da na tsarkake ku daga dukan zunubanku, zan sāke zaunar da ku a garuruwanku, a kuma sāke gina kufai.
34 Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.
Ƙasar da take kango a dā za ku nome ta a maimakon zama kango a idon dukan masu ratsawa a cikinta.
35 Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay.
Za su ce, “Wannan ƙasar da take kango a dā ta zama kamar lambu Eden; biranen da dā suke kufai, kango da kuma aka lalata, yanzu suna da katanga ana kuma zama a ciki.”
36 Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.
Sa’an nan al’ummai kewaye da ku da suka rage za su san cewa Ni Ubangiji na sāke gina abin da aka lalace na kuma sāke shuka abin da yake kango. Ni Ubangiji na faɗa, kuma zan aikata.’
37 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.
“Ga abin da Ubangiji Mai Iko Duka yana cewa har yanzu zan ji roƙon gidan Isra’ila in kuma yi musu wannan. Zan sa mutanensu su yi yawa kamar tumaki,
38 Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
yawansu ya yi kamar garken tumaki don hadaya a Urushalima a ƙayyadaddun lokuta bukukkuwarta. Haka biranen da suke kufai za su cika da ɗumbun mutane. Sa’an nan za su san cewa ni ne Ubangiji.”

< Yexesqeel 36 >