< Yexesqeel 36 >
1 Oo weliba Wiilka Aadamow, buuraha reer binu Israa'iil wax u sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Rabbiga maqla.
“Now you, son of man, prophesy to the mountains of Israel and say, 'Mountains of Israel, listen to the word of Yahweh.
2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadowgu wuxuu idinku yidhi, Ahaa, xataa meelihii sarsare oo hore annagaa hanti ahaan u leh.
The Lord Yahweh says this: The enemy has said about you, “Aha!” and “The ancient high places have become our possession.”'
3 Sidaas daraaddeed wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyagu cidla bay idinka dhigeen, oo dhinac kastaba way idinka liqeen, si aad quruumaha kale hanti ugu noqotaan, oo waxaa laydinku hadal hayaa bushimaha waranwarrowyada, oo dadyowgaad ceeb u tihiin.
Therefore prophesy and say, 'The Lord Yahweh says this: Because of your desolation and because of the attacks that came on you from all sides, you have become a possession of the other nations; you have been the subject of slanderous lips and tongues, and of people's stories.
4 Sidaas daraaddeed buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Sayidka Rabbiga ah maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha iyo kuraha, iyo webiyaasha, iyo dooxooyinka, iyo meelaha cidlada ah, iyo magaalooyinka laga tegey oo quruumaha kale ee ku wareegsan wax la dhaco oo la quudhsado u noqday,
Therefore, mountains of Israel, listen to the word of the Lord Yahweh: The Lord Yahweh says this to the mountains and the high hills, to the streambeds and valleys, to the uninhabited desolations and the forsaken cities that have become plunder and a subject of mocking for the other nations that surround them—
5 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.
therefore the Lord Yahweh says this: I have certainly spoken in the fire of my fury against the other nations, against Edom and all who took my land for themselves as a possession, against all those who had both joy in their heart and disdain in their spirit, as they seized my land that they might claim its pasturelands for themselves.'
6 Sidaas daraaddeed dalka reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg, oo waxaad buuraha iyo kuraha iyo webiyaasha iyo dooxooyinkaba ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, masayrkaygii iyo cadhadaydii ayaan ku hadlay, maxaa yeelay, idinku waxaad sidateen ceebtii quruumaha.
Therefore, prophesy to the land of Israel and say to the mountains and to the high hills, to the streambeds and to the valleys, 'the Lord Yahweh says this: Behold! In my fury and in my anger I am declaring this because you have borne the insults of nations.
7 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacan taagan ayaan ku dhaartay oo idhi, Hubaal quruumaha idinku wareegsanu ceebtooday sidan doonaan.
Therefore, the Lord Yahweh says this: I myself will lift up my hand to swear that the nations that surround you will certainly carry their own shame.
8 Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.
But you, mountains of Israel, you will grow branches and bear fruit for my people Israel, since they will soon come back to you.
9 Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa.
For behold, I am for you, and I treat you with favor; you will be plowed and sown with seed.
10 Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa.
So I will multiply upon you the number of your people, even the whole house of Israel. The cities will be inhabited and the ruins rebuilt.
11 Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
I will multiply man and beast on you mountains so that they will multiply and be fruitful. Then I will cause you to be inhabited as you previously were, and I will make you prosper more than you did in the past, for you will know that I am Yahweh.
12 Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid.
I will bring men, my people Israel, to walk on you. They will possess you, and you will be their inheritance, and you will no longer cause their children to die.
13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa lagu yidhaahdaa, Dalyahow, dadka waad baabbi'isaa oo quruuntaadiina waad gablamisay,
The Lord Yahweh says this: Because they are saying to you, “You devour men, bereaving your nation of children,”
14 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid.
therefore you will not consume people any longer, and you will no longer make your nation mourn their deaths. This is the Lord Yahweh's declaration.
15 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa inaan mar dambe ceebtii quruumaha dhexdaada laga maqal, oo mar dambena caydii dadyowga siima aad sidan doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad turunturayn doontid.
Nor will I allow you to hear the insults of the nations any longer; you will no longer have to bear the shame of the peoples or cause your nation to fall—this is the Lord Yahweh's declaration.'”
16 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Then the word of Yahweh came to me, saying,
17 Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.
“Son of man, when the house of Israel inhabited their land, they defiled it with their ways and their deeds. Their ways were like the unclean menstruation of a woman before me.
18 Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.
So I poured out my fury against them for the blood that they poured out on the land and for their pollution of it by their idols.
19 Oo markaasaan iyagii quruumaha ku kala dhex firdhiyey, oo waddammaday ku kala firidhsanaayeen. Waxaan iyaga u xukumay siduu socodkoodu ahaa iyo siday falimahoodu ahaayeen.
I scattered them among the nations; they were dispersed through the lands. I judged them according to their ways and their deeds.
20 Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.
Then they went to the nations, and wherever they went, they profaned my holy name when people said of them, 'Are these really the people of Yahweh? For they have been thrown out of his land.'
21 Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.
But I had compassion for my holy name that the house of Israel had defiled among the nations, when they went there.
22 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.
Therefore say to the house of Israel, 'The Lord Yahweh says this: I am not doing this for your sake, house of Israel, but for my holy name, which you have profaned among the nations everywhere you have gone.
23 Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.
For I will make my great name holy, which you have profaned among the nations—in the midst of the nations, you profaned it. Then the nations will know that I am Yahweh—this is the Lord Yahweh's declaration—when you see that I am holy.
24 Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
I will take you from the nations and gather you from every land, and I will bring you to your land.
25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
Then I will sprinkle pure water on you so you will be purified from all of your impurities, and I will purify you from all of your idols.
26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.
I will give you a new heart and a new spirit in your innermost parts, and I will take away the heart of stone from your flesh. For I will give you a heart of flesh.
27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
I will set my Spirit in you and enable you to walk in my statutes and keep my decrees, so you will do them.
28 Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
Then you will inhabit the land that I gave to your ancestors; you will be my people, and I will be your God.
29 Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
For I will save you from all of your uncleanness. I will summon the grain and multiply it. I will no longer put famine upon you.
30 Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.
I will multiply the fruit of the tree and the produce of the field so that you will no longer bear the shame of famine among the nations.
31 Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.
Then you will think of your wicked ways and your deeds that were not good, and you will show loathing on your faces because of your own sins and your disgusting deeds.
32 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
I am not doing this for your sake—this is the Lord Yahweh's declaration—let this be known to you. So be ashamed and disgraced because of your ways, house of Israel.
33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.
The Lord Yahweh says this: On the day that I purify you from all your iniquity, I will cause you to inhabit the cities and to rebuild the ruined places.
34 Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.
For you will plow the ruined land until it is no longer a ruin before the eyes of all who pass by.
35 Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay.
Then they will say, “This land was desolate, but it has become like the garden of Eden; the desolate cities and the uninhabited ruins that were torn down are now fortified and inhabited.”
36 Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.
Then the other nations around you will know that I am Yahweh, that I built up the ruins and replanted the abandoned places. I am Yahweh. I have declared it and I will do it.
37 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.
The Lord Yahweh says this: Again I will be asked by the house of Israel to do this for them, to increase them like a flock of people.
38 Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Like the flock is set apart for sacrifices, like the flock in Jerusalem at her appointed feasts, so will the ruined cities be filled with flocks of people and they will know that I am Yahweh.'”