< Yexesqeel 35 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
爰にヱホバの言われに臨みて言ふ
2 Wiilka Aadamow, wejigaaga Buur Seciir u jeedi, oo iyada wax ka sii sheeg,
人の子よ汝の面をセイル山にむけ之にむかひて預言し
3 oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Buur Seciiray, bal eeg, col baan kugu ahaye, oo gacantaydaan kugu fidin doonaa, waxaanan kaa dhigi doonaa cidla iyo yaab.
之にいふべし主ヱホバかく言ふセイル山よ視よ我汝を罰し汝にむかひてわが手を伸べ汝を全く荒し
4 Oo magaalooyinkaaga waan wada dumin doonaa, oo cidla baad ahaan doontaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
汝の邑々を滅すべし汝は荒はてん而して我のヱホバなるを知にいたらん
5 Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay,
汝果しなき恨を懷きてイスラエルの人々をその艱難の時その終の罪の時に劍の手に付せり
6 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu dhiig baan kuu diyaarin doonaa, oo dhiig baa ku eryan doona. Dhiig baad nebcaan weyday oo sidaas aawadeed dhiig uun baa ku eryan doona.
是故に主ヱホバ言ふ我は活く我汝を血になさん血汝を追べし汝血を嫌はざれば血汝を追ん
7 Sidaasaan Buur Seciir cidla iyo yaab uga dhigi doonaa, oo waxaan ka baabbi'in doonaa kii dhex mara iyo kii ku soo noqdaba.
我セイル山を全く荒し其處に往來する者を絕ち
8 Oo buurihiisana waxaan ka buuxin doonaa raggiisa la laayay, oo kurahaaga, iyo dooxooyinkaaga, iyo webiyaashaadaba waxaa ku dhici doona kuwa seefta lagu laayay.
殺されし者をその山々に滿すべし劍に殺されし者汝の岡々谷々および窪地窪地に仆れん
9 Weligaaba cidlaan kaa dhigi doonaa, oo magaalooyinkaagana lama degganaan doono, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
我汝を長に荒地となさん汝の邑々には人の住むことあらじ汝等すなはち我のヱホバなるを知にいたらん
10 In kastoo uu Rabbigu halkaas joogay waxaad tidhi, Labadan quruumood iyo labadan waddanba anigaa iska lahaan doona, oo waannu hantiyi doonnaa,
汝言ふこの二箇の民二箇の國は我が所有なり我等これを獲んとヱホバ其處に居せしなり
11 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu waxaan wax kuugu samayn doonaa sidii xanaaqaagu ahaa iyo siduu ahaa masayrkii nacaybkaaga ka yimid oo aad iyaga u muujisay, oo markaan ku xukumo ayaan dhexdooda isku garansiin doonaa.
是故に主ヱホバいふ我は活く汝が恨をもて彼らに示したる忿怒と嫉惡に循ひて我汝に事をなさん我汝を鞫くことを以て我を彼等に示すべし
12 Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno.
汝は我ヱホバの汝がイスラエルの山々にむかひて是は荒はて我儕の食に授かるといひて吐たるところの諸の謗讟を聞たることを知にいたらん
13 Afkaagaad ku faantay oo isaga kay weynaysay, oo erayadaadiina waad igu badisay, oo anigu kulligood waan wada maqlay.
汝等口をもて我にむかひて誇り我にむかひて汝等の言を多くせり我これを聞く
14 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa.
主ヱホバ斯いひたまふ全地の歡ぶ時に我汝を荒地となさん
15 Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
汝イスラエルの家の產業の荒るを喜びたれば我汝をも然なすべしセイル山よ汝荒地とならんエドムも都て然るべし人衆すなはち我のヱホバなるを知にいたらん

< Yexesqeel 35 >