< Yexesqeel 32 >

1 Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, bisheedii laba iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
十二年十二月初一日,耶和华的话临到我说:
2 Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar u barooro, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Adiga waxaa laguu ekaysiiyey aaran libaax oo quruumaha, laakiinse waxaad tahay sida yaxaas badaha ku dhex jira. Webiyaashaadaad la butaacdaa, oo biyahana cagahaagaad ku qastaa, oo webiyaashoodana waad wasakhaysaa.
“人子啊,你要为埃及王法老作哀歌,说: 从前你在列国中,如同少壮狮子; 现在你却像海中的大鱼。 你冲出江河, 用爪搅动诸水, 使江河浑浊。
3 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.
主耶和华如此说: 我必用多国的人民, 将我的网撒在你身上, 把你拉上来。
4 Oo markaasaan dhulka kaaga tegi doonaa, oo berrin bannaan baan kugu xoori doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay haadka samada oo dhammu kugu dul fadhiyaan, oo dugaagga dunida oo dhan ayaan kaa dherjin doonaa.
我必将你丢在地上, 抛在田野, 使空中的飞鸟都落在你身上, 使遍地的野兽吃你得饱。
5 Oo hilibkaaga ayaan buuraha ku dul dayn doonaa, oo dooxooyinkana waxaan ka buuxin doonaa taallooyin meydadkaaga ah.
我必将你的肉丢在山间, 用你高大的尸首填满山谷。
6 Oo dhiiggaagana waxaan ka waraabin doonaa dhulka aad ku dhex dabbaalatid iyo tan iyo buuraha, oo webiyaashuna adigay kaa wada buuxsami doonaan.
我又必用你的血浇灌你所游泳之地, 漫过山顶; 河道都必充满。
7 Oo markaan ku baabbi'iyo ayaan samada dabooli doonaa, oo xiddigaheedana waan madoobayn doonaa. Qorraxdana daruur baan ku qarin doonaa, oo dayaxuna iftiinkiisa sooma bixin doono.
我将你扑灭的时候, 要把天遮蔽, 使众星昏暗, 以密云遮掩太阳, 月亮也不放光。
8 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.
我必使天上的亮光都在你以上变为昏暗, 使你的地上黑暗。 这是主耶和华说的。
9 Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.
“我使你败亡的风声传到你所不认识的各国。那时,我必使多民的心因你愁烦。
10 Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa.
我在许多国民和君王面前向你抡我的刀,国民就必因你惊奇,君王也必因你极其恐慌。在你仆倒的日子,他们各人为自己的性命时刻战兢。”
11 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.
主耶和华如此说:“巴比伦王的刀必临到你。
12 Waxaan ka dhigi doonaa in dadkaaga badanu ay seefaha kuwa xoogga badan ku wada le'daan. Waxay wada yihiin kuwa laga cabsado ee quruumaha, oo waxay dhici doonaan waxa Masar ku kibirtay, oo dadkeeda badan oo dhanna waa la wada baabbi'in doonaa.
我必借勇士的刀使你的众民仆倒;这勇士都是列国中强暴的。 他们必使埃及的骄傲归于无有; 埃及的众民必被灭绝。
13 Oo xayawaankeeda oo dhanna biyaha badan dhinacoodaan ka wada baabbi'in doonaa, oo mar dambe dad cagtiis ma ay qasi doonto oo duunyo qoobkeedna ma uu qasi doono.
我必从埃及多水旁除灭所有的走兽; 人脚兽蹄必不再搅浑这水。
14 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaasaan biyahooda inay miirmaan ka dhigi doonaa, oo webiyaashoodana waxaan ka dhigi doonaa inay sida saliid oo kale u shubmaan.
那时,我必使埃及河澄清, 江河像油缓流。 这是主耶和华说的。
15 Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
我使埃及地变为荒废凄凉; 这地缺少从前所充满的, 又击杀其中一切的居民。 那时,他们就知道我是耶和华。
16 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taasu waa baroorta iyada loogu barooran doono. Gabdhaha quruumuhuna way ku barooran doonaan. Waxay ugu barooran doonaan Masar iyo dadkiisa badan oo dhanba.
“人必用这哀歌去哀哭,列国的女子为埃及和她的群众也必以此悲哀。这是主耶和华说的。”
17 Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, maalintii shan iyo tobnaad oo bisha ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
十二年十二月十五日,耶和华的话临到我说:
18 Wiilka Aadamow, dadka badan ee Masar u barooro, oo iyaga tuur; xataa Masar iyo gabdhaha quruumaha caanka ahba waxaad ku dhex tuurtaa dhulka meelaha ugu hooseeya iyaga iyo kuwa yamayska ku dhaadhacaba.
“人子啊,你要为埃及群众哀号,又要将埃及和有名之国的女子,并下坑的人,一同扔到阴府去。
19 Bal yaad ka qurux badan tahay? Hoos u dhaadhac, oo buuryaqabyada la jiifso.
你埃及的美丽胜过谁呢? 你下去与未受割礼的人一同躺卧吧!
20 Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida.
他们必在被杀的人中仆到。她被交给刀剑,要把她和她的群众拉去。
21 Kuwa xoogga badan madaxdooda ayaa iyada iyo caawimayaasheeda She'ool kala dhex hadli doona. Hoos bay u dhaadheceen, wayna jiifaan, iyagoo buuryaqabyo ah oo seefta lagu laayay. (Sheol h7585)
强盛的勇士要在阴间对埃及王和帮助他的说话;他们是未受割礼被杀的人,已经下去,躺卧不动。 (Sheol h7585)
22 Reer Ashuur iyo guutadiisii oo dhammu halkaasay joogaan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, iyagoo kulligood la laayay, oo seef ku le'day.
“亚述和她的众民都在那里,她民的坟墓在她四围;他们都是被杀倒在刀下的。
23 Qabuurahoodu waxay ku yaalliin yamayska meelaha ugu hooseeya, oo guutadiisuna waxay ku wareegsan tahay qabrigiisa. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la wada laayay, oo seef bay ku le'deen.
他们的坟墓在坑中极深之处。她的众民在她坟墓的四围,都是被杀倒在刀下的;他们曾在活人之地使人惊恐。
24 Waxaana jooga reer Ceelaam iyo dadkiisa badan oo qabrigiisa ku wada wareegsan oo dhan. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la laayay oo seef bay ku le'deen. Iyagoo buuryaqabyo ah ayay dhulka meelaha ugu hooseeya hoos ugu dhaadheceen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen.
“以拦也在那里,她的群众在她坟墓的四围,都是被杀倒在刀下、未受割礼而下阴府的;他们曾在活人之地使人惊恐,并且与下坑的人一同担当羞辱。
25 Sariir baa kuwa la laayay dhexdooda loo diyaariyey isaga iyo dadkiisa badanba. Qabuurihiisii isagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen: oo isaga waxaa la dhigay kuwa la laayay dhexdooda.
人给她和她的群众在被杀的人中设立床榻。她民的坟墓在她四围,他们都是未受割礼被刀杀的;他们曾在活人之地使人惊恐,并且与下坑的人一同担当羞辱。以拦已经放在被杀的人中。
26 Halkaas waxaa jooga reer Mesheg iyo reer Tubal iyo dadkooda badan oo dhan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen.
“米设、土巴,和她们的群众都在那里。她民的坟墓在她四围,他们都是未受割礼被刀杀的;他们曾在活人之地使人惊恐。
27 Oo iyagu lama ay jiifsan doonaan kuwa xoogga badan oo ka le'day kuwa buuryaqabyada ah oo She'ool hoos ugu dhaadhacay iyagoo hubkoodii dagaalka sita, oo seefahoodii madaxooda la hoos dhigay, dembigooduna lafahooduu dul saaran yahay, waayo, iyagu cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen. (Sheol h7585)
他们不得与那未受割礼仆倒的勇士一同躺卧;这些勇士带着兵器下阴间,头枕刀剑,骨头上有本身的罪孽;他们曾在活人之地使勇士惊恐。 (Sheol h7585)
28 Laakiinse adigu waxaad ku dhex jabi doontaa kuwa buuryaqabyada ah, oo waxaad la jiifsan doontaa kuwa seefta lagu laayay.
“法老啊,你必在未受割礼的人中败坏,与那些被杀的人一同躺卧。
29 Halkaas waxaa jooga reer Edom, iyo boqorradiisii, iyo amiirradiisii oo dhan, kuwaas oo in kastoo ay xoog badnaayeen la dhinac dhigay kuwii seefta lagu laayay, oo iyana waxay la jiifsan doonaan kuwa buuryaqabyada ah iyo kuwa yamayska ku dhaadhaca.
“以东也在那里。她君王和一切首领虽然仗着势力,还是放在被杀的人中;他们必与未受割礼的和下坑的人一同躺卧。
30 Halkaas waxaa jooga amiirradii reer woqooyi oo dhan, iyo reer Siidoon oo dhan, kuwaas oo hoos ula dhaadhacay kuwii la laayay. Cabsidii ay xooggoodii wax ku cabsigelin jireen way ku ceeboobeen, oo waxay la jiifsadaan kuwii seefta lagu laayay iyagoo buuryaqabyo ah, oo waxay ceebtoodii la qaateen kuwa yamayska ku dhaadhaca.
“在那里有北方的众王子和一切西顿人,都与被杀的人下去。他们虽然仗着势力使人惊恐,还是蒙羞。他们未受割礼,和被刀杀的一同躺卧,与下坑的人一同担当羞辱。
31 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoon iyaguu arki doonaa, oo dadkiisii badnaa oo dhan ayuu u qalbi qaboobi doonaa. Fircoon iyo ciidankiisii oo dhan seef baa lagu wada laayay.
“法老看见他们,便为他被杀的军队受安慰。这是主耶和华说的。
32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cabsidaydii waxaan dhex dhigay dalka kuwa nool, oo Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan ayaa kuwa buuryaqabyada ah dhexdooda lala dhigi doonaa kuwa seefta lagu laayay.
我任凭法老在活人之地使人惊恐,法老和他的群众必放在未受割礼和被杀的人中。这是主耶和华说的。”

< Yexesqeel 32 >