< Yexesqeel 31 >

1 Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii saddexaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
II advint, dans la onzième année, le premier jour du troisième mois, que la parole de l’Eternel me fut adressée en ces termes:
2 Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar iyo dadkiisa badanba waxaad ku tidhaahdaa, Bal yaad weynaanta kala mid tahay?
"Fils de l’homme, dis à Pharaon, roi d’Egypte, et à sa cohue: A qui es-tu comparable dans ta grandeur?
3 Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.
Voici, il était sur le Liban un cèdre superbe, aux belles branches, à la frondaison ombreuse, haut de stature; sa cime perçait les nuages.
4 Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.
Les eaux l’avaient fait croître, la source profonde l’avait développé, en faisant courir ses flots autour de sa plantation et en dirigeant ses canaux vers tous les arbres de la campagne.
5 Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.
Aussi, sa taille surpassait celle de tous les arbres de la campagne, ses branches s’étaient multipliées et ses rameaux, grâce à l’abondance des eaux, s’étaient allongés, car il les projetait au loin.
6 Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.
Dans ses branches nichaient tous les oiseaux du ciel, et sous ses rameaux mettaient bas' toutes les bêtes des champs. A son ombre demeuraient toutes les grandes nations.
7 Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.
Il était beau dans sa grandeur, par la longueur de ses rameaux, car sa racine baignait dans de grandes eaux.
8 Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.
Les cèdres ne l’avaient pas éclipsé au jardin de Dieu, les cyprès n’étaient pas comparables à ses branches, et les platanes ne rivalisaient pas avec ses rameaux: aucun arbre du jardin de Dieu ne l’égalait en beauté.
9 Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.
Je l’avais fait beau par la multitude de ses branches, et tous les arbres d’Eden, qui étaient au jardin de Dieu, le jalousaient.
10 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,
Donc, ainsi parle le Seigneur Dieu, puisque tu avais tant monté en hauteur, puisqu’il avait étendu sa cime au milieu des nuages, et que son coeur s’est enorgueilli de sa hauteur,
11 sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.
j’ai voulu le livrer aux mains d’un puissant parmi les nations, pour qu’il lui infligeât le traitement dû à sa méchanceté: je l’ai répudié.
12 Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.
Ils l’ont coupé, les étrangers, les plus violents des peuples, ils l’ont jeté là. Sur les montagnes et sur toutes les vallées sont tombées ses branches; ses rameaux se sont brisés dans tous les ravins de la terre. Ils se sont retirés de son ombre, tous les peuples de la terre, et ils l’ont abandonné.
13 Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan.
Sur sa ruine habitent tous les oiseaux du ciel et sur ses rameaux se posent toutes les bêtes des champs,
14 Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.
pour qu’aucun des arbres plantés près des eaux ne s’enorgueillisse plus de sa haute taille, et qu’ils ne percent plus les nuages de leur cime et qu’ils ne se dressent plus dans leur hauteur, ces géants, tous ces buveurs d’eau, car tous ont été voués à là mort, précipités dans les régions souterraines, au milieu des fils de l’homme, auprès de ceux qui sont descendus dans la fosse."
15 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen. (Sheol h7585)
Ainsi parle le Seigneur Dieu: "Le jour où il est descendu dans le Scheol, j’ai fait mener le deuil; à cause de lui j’ai recouvert la source profonde, j’en ai arrêté les fleuves, et les grandes eaux ont été retenues prisonnières; j’ai enténébré pour lui le Liban, et tous les arbres des champs ont été pris de langueur à cause de lui. (Sheol h7585)
16 Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey. (Sheol h7585)
Au bruit de sa chute, j’ai fait tressaillir les peuples, quand je l’ai fait descendre dans le Scheol avec ceux qui descendent dans la fosse, et ils se sont consolés dans les régions souterraines, tous les arbres de l’Eden, les plus beaux, les meilleurs du Liban, tous les buveurs d’eau. (Sheol h7585)
17 Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen. (Sheol h7585)
Eux aussi sont descendus avec lui dans le Scheol auprès des victimes de l’épée; de même ses auxiliaires qui, s’asseyaient à son ombre parmi les nations. (Sheol h7585)
18 Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
A qui donc pouvais-tu être comparé en gloire et en grandeur parmi les arbres de l’Eden? Et pourtant, tu seras précipité, avec les arbres de l’Eden, dans les régions souterraines, parmi les incirconcis; tu seras couché avec les victimes de l’épée. Voilà ce qu’est Pharaon avec toute sa cohue, dit le Seigneur Dieu."

< Yexesqeel 31 >